Dadku xerooyin ayay ku jiraan (W.Q. Nuur Xaaji Xiiray)

Sidii xoolaha ayey dadku xerooyin ku jiraan, waxaynu naqaanay ninka xoolaha lihi in uu dhawr xero leeyahay, mid geela lagu xereeyo, mid adhiga lgu xereeyo iyo mid lo’da lagu xereeyo, markaa waa in uu hubiyaa neefwalba in uu xeradiisa ku jiro oo aanu xero aan lagu ogayn galin ama banaanka u bixin.

Maanta dadkeenu ama bani-aadamku dhammaantii xerooyinkaas ayey ku jiraan oo lagu ogyahay, dadkan dadka majarahabaabiyayna ma ogala in uu qof ka baxo xeradaas, kii ka baxa waa la soo raadinayaa si xero loogu ogaado.

Haddii la arko in uu ninkani ka daalay xerooyinkan waxa loo raadinayaa xero kale oo la galiyo, waayo lama ogola qofkaliya oo xor ah. Haddii la arko qof xoroobay kuwa kale ayaa ku dayanaya, haddii uu aqbaliwaayo tan cusub iyo kuwii horetoona, tallaabo ayey cisaabadni ka qaadaysaa qofkaas waayo khatar buu ku hayaa.

Haddii aan teena u soo dhaadhaco, xerooyinkeena waa, xerada Kulmiye, xerada UCID, xerada Waddani, xerada majaaliista, xerada wadaadadda kala duwan, xerada maqaaxiyaha, xerada qabiilka, xerada internetka iwm, markaa waddankeena waa in qofka xerooyinkaa mid lagu ogaado, haddii la arko in aanu midna ku jirin indho gaar ah ayey cisaabadu ku eegaysaa waayo waa qof ka xoroobay riwaayadahoodii ay dadka ku mushquulinayeen.

Bal maanta qofwalba ha is eego xerada uu ku jiraa, ma tahay mid anfacaysa if iyo aakhiro, haddii ay tahay ha ku jiro haddii kalena ha ka xeroobo, si aanu aakhiro uga murugoon xeradaas.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray oo Soomaali iyo Ingiriisi ah:

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

Nur X Xiiray,

nur.hersi21@gmail.com