Dagaal sokeeye faa’iido ma laha (WQ: Rashiid Odowaa)

Waxaan doonayaa inaan Qalinka u qaatto maanta oo ay tolkay,walalahy laba ardaa oo ka mid ahi is dileen aagga degmada Ceel-Afweyn  iyagoo waliba goobtu tahay gudaha Somaliland ay tahay Xukuumaddii,aqoo nyahankii,bulshadii,ganacsatadii dhamaan ay xaadir yihiin,waxan kaga hadli doonaa Khasaaraha noocyada kala duwan ee uu keensan karo,Saamaynta uu amniga ku yeelan karo dhaawaca iyo dhiig baxa uu ku yahay Qaranimada Somaliland haddii ay arrintani sii socoto.

Ugu horrayn dagaalku wuxuu keenaa Bur bur iyo dhibaato aan laga soo waaqsanin muddo dheer haba ahaado dagaal la iskaga xoraynayo gumaysi ama dagaal  laga fursan waayay,sidaas oo ay tahay haddii lagu guulaysto waxa sii jira riiqdiisa,Bur-burkiisa oo naf iyo maalba ah xatta maskaxda ku reeb ta diif waxanad ka garan kartaa dagaalkii la iskaga xoraynayay Siyaad barre Xukuumaddiisii in aan wali si fiican looga kaban xagga (Phsycolocical) ahaan oo waxa ay dhibtu ka taagantahay tahay in Xukuumaddii Siyad barre mid la mid ahi ay soo bixi karto waana ta keentay in Qof kastaaba wax waloo la soo qaadoba uu xagga Qabiilka ka eegayo,

La yaabna ma laha dadku waxa sas ku reebay Xukuumaddii Siyaad barre oo dadka Qabiil ku xasuuqday ka dib markuu Siyaad Siiyay Awooddii Qaranka Reerkoodii,waxay se ahayd dadku inay ku baraarug sanadan isbeddelka la sameeyay ee Dimoqradiga ah ee Xukuumadaha Somaliland soo wadeen Tan iyo muddadii 27 sano ahayd ee ay jirtay Somaliland ama sababtii dagaalkii hore u dhacay ahayd in la beddelo Xukuumad (Tyrany) ah oo kali talsinimo loona soo guuro xukuumad shacbigu leeyahay oo ay dooran karaan Ridina karaan.

Sidaas darteed dadku waa inay waayo arag u noqdaan wixii shalay dhacay inaanu dib u soo noqon.

LABADA BEELOOD WAXAN LEEYAHAY

1-labadiina beelood ee Tolka iyo Xididka iyo gacalkaba ah,lagama yaabana in midkiin meesha ka baxo ee hadaad is dishaan iyo hadaad is daysaanba waad is dhex deganaan doontaan waxan khasaare ahayn ma kordhin.

2-Waa if iyo aakhiroba seeg iyadoo aynu diinta wada naqaanno oo uu qof waliba ogyahay in Naar lagu mutaysanayo dagaal muslim dhexdiisa ah.Xattaa ka reer miyiga ah ee aan waxna qorin waxna akhriyin ayaa og.

3-Waxay keenaysaa in dad walalo ehel ahaa oo is jeclaa Salaanta ay isla dhafaan ama kala xan qarsadaan oo kala shaki iyo war war meeshii yimaaddo.

4-Shacbiga iyo umadda Somaliland Huq iyo naxdin ayay ku tahay marka la yidhaa arrintii Ceel afweyn maantana way soo noqotay waana arrin qof kasta oo damiir fayow lihi ka damqanayo.

5-Xukuumadda Somaliland waxay ku tahay eed aan qabanin waayo waxba kalama hadho wixii dadaalkeeda ah inay kala dhex gasho laba beelood oo is dilay,waxana ku baxa kharash badan iyadoo kolka horeba Dhaqaalaha Somaliland inta ugu badani xagga nabadgelyada Arrimaha Dibadda ku baxdo hadaana waxay keenaysaa Saaid.

6-Ciidamada Qaranka waxay ku tahay Culays marna naftooda ayaa halis ku jirta marna waxa ku adag kii uu xabadda ku ridi lahaa iyo kuu ka dayn lahaa mar walbana dee diyaar uma aha askarigu inuu dadkiisa xabad la dhaco.

7-Xagga nabad gelyada halis ayuu ku yahay dagaalkani inuu fido waayo labada beelood dhul ka badan 500km ayay wada degaan oo Somaliland iyo Ethiopia labadaba ah,

8-Xagga Siyaasadda arrimaha dibadda waxay ku tahay Ceeb Somaliland oo nabadgelyadeeda hanatay in laba beelood isku dhex dilaan.

9-Cadowga meel uu soo maro waayay waxay u tahay Fursad uu isku dayi karo inuu ka faaiidaysto,isagoo kolba shaadhka uu doono soo xidhanaya,

MAXAA LA GUDBOON UMADDA REER SOMALILAND.

Waxa la gudboon umadda reer Somaliland dhamaan inay u sara kacaan sidii arrintaas oo joojin lahaayeen ee aanay mar danbe u soo noqon waa in qof kastaa oo Culimo ah ama (Intelectual)  caqli qabeen ahi uu halkiisa ka howl galo sidii uu waano iyo wax u sheeg ugu gudbin lahaa dadkaas walalaha ah ee aqoon darridu isu gaysay.

Waxa  kaloo fiican in aan Siyaasad loo rogin arrinta ee loo arko dad uu shaydaan ka dhex adeegay isla markaana dhamaanaysa.

 

 

MAXAA LA GUDBOON SHACBIGA LABADA BEELOOD EE AY KA SOO JEEDAAN BEELAHAN DAGAALAMAY.

Run ahaantii shacbiga faraha badan ee labadan Beelood kuma faraxsana mana rabaan,sidaas darteed waxan ku baraarujin lahaa in qolo kastaa dhinacooda ka Guntadaan sidii arrintani u dhamaan lahayd Mid midka Belaayo doonka ahna ugu caqli celin lahaayeen.

Waxa iyaduna u bahan in loo fiirsado Guruubyada Reeraha ee Face booga iyo Social mediaha in laga feejignaado,Guruub yadan oo reer kastaaba leeyahay xattaa reeraha aan ku lug lahaynba fitno,waxa ka dhex socda Guubaabo iyo dagaal gelin iyadoo dadka Qurbaha joogaa ugu daran yihiin,waxana goobahaas la isku waydaarsadaa Brobagando iyo been iyo reer Hebel ayaa Gawaadhi samaystay tikniko ah ee idinkuna ka kaca oo samaysta, xattaa dad aan waligood is arag oo aan is dabeecad aqoon ayaa haybta isugu yimaadda goobahas bulshada iyadoo waxa uu ku bilaabmaa yahay Dhiig ma lihidin ee ka kaca guruubyadaas waxa fiican in fiiro gaar ah loo yeesho.

Ninka qurbe jooga ah ee dhaqaale ama lacag caydheed ilahay gaalada ka siiyay ayaa ku soo tirtirsiyaya inanka dhalinyarta ah ee aan fursad u helin wax barasho inuu Qori qaatto oo uu dilo walaakiisa ay tuulaha shaaha ka wada cabbi jireen waana arrin laga murugoodo.

Waxa fiican in lagu qanciyo dadka ka soo jeeda labada beelod in loo hoggaan samo Ciidanka Qaranka ee loo keenay inay amaankooda ilaaliyaan iyo inuu dhinac kastaa is xakameeyo oo halkuu gubabo Xun siin lahaa hadal wanaagsan ku yidhaa waar gardarro ha qaadina idinka ha la idinka gar darnaado e oo ha la idinla arko e.

Madax dhaqameedka iyo odayaasha ayaa iyagana looga baahanyahay inay arrinta damiyaan oo aanay iyagu hor seed u noqonin Xumaanta ee ay wanaaga iyo maslaxadda ka shaqeeyaan.

XUKUUMADDA SOMALILAND MAXAA LA GUDBOON.

Run ahaantii waa wax laga xishoodo in la yidhaa Xukuumadda ayaa dagaalka wadda waayo iyadaa masuuliyadda ka sarantahay nabadda dalka,oo tusaale ahaan awood military mar keliya wax laguma xalin karo waayo in khasaare kale lagu ordo maaha waxanse u soo jeedin lahaa in dadaalka ay xukuumaddo laban laabto oo sidii hore si ka Duwan loo galo arrinka si aanu mar danbe tanoo kale u soo noqon iyadoo caqli lagu darayo.

Waxan kaloo soo jeedin lahaa in Ciidamada la xoojiyo oo dhamaan goobaha la Cover gareeyo ama la dboolo aagaga ay isaga imanayaa labada shacbi iyadoo wixii go aan ah ee nabadda lagu sugayo uu halkiisa ka sii socon doono.

Waxa kaloon soo jeedin lahaa in Ciidamada qaranka lagu amro inaan la ogolaan in meel la isku urursado ee ay kala kexeyaan Qofkii qof dilana loo soo qabto si loo Qisaaso iyado dhinaca wax laga dilayna sugayaan wixi tallabo ah ee xukuumaddu ka qaaddo.

Rashiid Odowaa

Khadarsalaan@gmail.com

063-4101213