“Argagixisannimadu waa hab-dhaqan silloon oo dad yeesho, nuxurkiisana eraygaa Af Soomaaliga ah baa si buuxda u qeexaya. Waa iyada oo la isu abaabulo in bulshada guud ama qayb ka mid ah si qorshaysan loo gu geysto falal ku abuura argagax iyo fajiciso. Si argagax iyo fajiciso u dhacaan waa in si arxan darro ah loo waxyeelleeyo dadka nafahooda.
Dhaqanka Islaamka marar badan bay ka soo dhex baxeen kooxo noocaas ah oo ka tagay taariikh madow oo xanuun badan. Waxaa ka mid ah qolo loo aqoon jiray Qaraamida taas oo ka dillaacday mad’habta Ismaaciiliyada Shiicada sannadkii 899 Miillaaddiga. Kooxdan oo maamul xagjir iyo qawlaysato ah ka samaysatay Bariga Sacuudiga wax ay dhaqan iyo nolol ka dhigatay in ay si foolxun u gumaaddo muslin wal oo ay fursad u hesho, gaar ahaanna wax ay boob iyo baabbi’in ku la kacday dadka xujayda ah ee Kacbada ku socda. Tusaale ahaan mar ka mid ah mararkii ay Kacbada oo la xajiyayo qabsatay Qaraamidadu wax ay ku dishay 30 000 oo xaaji, wax ayna fuqsatay oo qaadatay Xajar Aswadka oo ay 22 sano la maqnayd.
Waxaa iyaduna 300 oo sano buuraleyda Eeraan iyo Suuriya ku jirtay koox argagixiso ahayd qudheeduna ka jabtay is la Ismaaciiliyada Shiicada. Waxaa loo yaqaannay Xashaashiyiin, wax ayna ku belaysnaayeen in ay dadka muslinka gaar ahaan madaxda dawladaha saqda dhexe u soo dhacaan oo iyada oo aan la dareemin hurdada ku bakhtiistaan ama meel daran u qafaashaan. Dagaalladii Saliibiga oo ay mararka qaar galeen tabtaas bay Masiixiga ku layn jireen, waana halka ay reer Yurub ka keeneen erayga Assassin, oo ah Xashaashi, kaas oo ay ku macnaysteen “khaarajiye”, assassination – khaarajin.
Haddaba taariikhda casriga ah dhaqanka argagixisannimada muslinka waxaa ka dhex bilaabay baa la dhihi karaa Maxamed ibn Cabdiwahaab sannadkii 1744. Hayeeshee tan maanta ina haysataa wax ay toos u gu abtirsataa dagaalkii Midowga Soofiyadka ee Afganistaan (1979 – 1989), dagaalkaas oo ay u jihaad tageen dhallinyaro aad u farabadan oo ka yaacday Dunida Islaamka oo dhan gaar ahaan Carabta. Dhallinyaradaa waxaa dagaalka ku dhiirrigaliyay oo ku maalgaliyay Carabta Gacanka iyo reer Galbeedka oo labaduba doonayay in Midowga Soofiyati halkaa ku jabo. Dagaalyahankaas oo loo yaqaannay al-Mujaahidiin berigaa si xad dhaaf ah baa loo buunbuuniyay ilaa Soofiyadkii jabay Dagaalkii Qaboobaana dhammaaday.
Dabadeed dhallinyaradaasi kolkii ay dhulalkoodii ku soo noqdeen waxaa loo arkay halis dhiig baratay oo aan bulshooyinkooda iyo dawladahooda nabad ku la noolaan karin. Sidii bay noqotay oo saddexdii dal ee tirada u gu badani ku soo noqotay oo ahaa Aljeeriya, Masar iyo Sacuudiga, markiiba wax ay ka bilaabeen falal argagixisannimo ah horraantii 1990-nadii. Aljeeriya oo ahaa dalkii ay u gu darnaayeen wax ay ka rideen dagaal sokeeye oo socday tobankii sano ee 1991 – 2002.
Tobankaa sano oo loo yaqaan Tobanlihii Madoobaa reer Aljeeriya waxaa ka dhintay 300 000 oo qof, waxaana raq iyo ruux la waayay 20 000. Masar iyo Sacuudiga iyagana maydka ayaa jidadka la ga guray. Waa dadka noocaas ah haddaba waxa innagana ina soo galay badhtamihii 1990-nadii sida Afgaani, Cayrow iyo Godane. Fikirkooda iyo ujeedkooda haddii la soo koobo waa in ay doonayaan in ay dunida oo dhan qabsadaan kuna xukumaan Shareecada Islaamka sida ay iyagu u arkaan.
Waa dardaarankii Sayid Qudb ee caqliga ka baxsanaa. Taa in ay gaadhaan ama gaadhi waayaan iyaga muhiim u ma aha, waxaa se muhiim u ah in ay tubtaa ku socdaan iyaga oo waxa ay arkaanna galaafanaya, oo dhimashada, burburka iyo halaagga sahay ka dhiganaya.
Sidee haddaba dadka caynkaas ah ee halaagsamaya dadkana halaagaya la isaga celin karaa? Sidee bay isaga celiyeen dawladaha muslinka ee masiibadani ku habsatay? Aljeeriya oo sidii aynnu sheegnay waaya’aragnimo aad u xanuun badan soo martay wax badan baynnu ka baran karnaa, sidoo kale Masar. Aljeeriya maanta argagixisadii si buuxda ayay u ga adkaatay, wax ayna si weyn u ga shaqaysaa ka hortagga si aanay mar labaad bohoshii cadaabta u gu dhicin.
Sannadkii 2004 magaalamadaxda Aljeris waxaa la ga furay maxad weyn oo la gu daraaseeyo la guna baadho argagixisada, lana yidhaahdo Xarunta Afrika ee Daraasaadka iyo Baadhitaanka. Halkaa waxaa la gu qabtaa doodo iyo muxaaddarooyin la is ku dhaafsado xogta, aqoonta iyo waaya’aragnimada masaladan ku saabsan, Afrika, Carabta iyo Yurub intaba. Haddaba meelahaas oo kale in aynnu u irkanno oo talo ka raadinnaa waa door. Guud ahaan qodobbadan hoose ayaa i la qumman in la gu la tacaalo xagjirnimada diineed iyo argagixisada dhulalka Soomaalida ka jirta.
U gu horrayn waa in gacan adag la gu qabtaa agab kasta oo loo adeegsan karo samaynta qaraxyada. Waa in dabagal adag la gu sameeyaa ilaha dhaqaale ee argagixisada, ciqaab adagna la mariyaa cid wal oo taa ku lugyeelata. Kooxahan iyo dadka u aanooba waa in la gu sameeyaa dabagal sirdoon iyo xog ururin buuxda, waana in dad badan oo bulshada rayidka ah taa loo adeegsadaa.
Waa in la qabqabtaa si walbana loo ga takhallusaa shakhsiyaadka gali kara falal argagixisannimo inta aanay galin. Waa in la helaa ciidan gaar ah oo si adag u tababaran, una dagaallama si aad u qallafsan. Hawshan gelisteeda waa in la ga yareeyaa adeegsiga ciidamada shisheeye intii suuragal ah, waayo argagixisada wax ay ka dhigan kartaa dacaayad ay waxmagaratada ku kasbadaan oo ah in ay shisheeye la dagaallamayaan, is la markaas oo shisheeyaha qudhiisu dagaalka ujeeddo xun ka yeelan karo.
Sidee loo dawayn karaa xagjirnimada, ama loo ga hortagi karaa in dadku ku siqaan argagixisada?
1. Waa in warbaahinta qaranka si cilmiyaysan oo tayaysan loo gu jiheeyaa wacyigalinta bulshada, gaar ahaan barbaarta. Waana in aan sharci ahaan la oggolaan faafinta aragti xagjirnimo ka dhalan karto. Waana in suxufiyiinta xilkooda ku dhiirran amnigooda la sugaa.
2. Waa in manhajka tacliinta la ga hubiyaa dhaqanka nacaybka iyo xagjirnimada, carruurtana la gu barbaariyaa diinta dhexdhexaadka ah iyo xaqdhawridda cidda ka fikirka duwan aragtideeda, lana baraa in caqliga iyo codka la gu cadgoosto. Marnaba waa in aan la oggolaan in ay dadka waxbarto cid aan haysan oggolaanshaha dawladda, oo aan ku socon manhajka iyo muqarrarka la aqoonsan yahay.
3. Waa in cid wal oo ka hawlgasha masaajid ama goob kale oo dadweynaha wax loo gu sheegaa ay haysataa aqoonsi iyo oggolaansho ay hawshaa ku qabsato. Waana in khudbadaha Jimcaha, muxaaddarooyinka, xalqooyinka iyo kulan kasta oo caam ah inta aan la qaban la wargaliyaa hay’adda dawladda ee ku shuqulka leh.
4. Fadwo diineed waxaa soo saari karta oo keliya ciddii taa Qaranku u xilsaaray oo ku matalaysa. Waxaana reebban in qof gaar ahi soo saaro fadwo diineed oo taabanaysa ammaanka guud, danaha Qaranka ama nabadgelyada nafta, sharafta iyo maalka cid gaar ah. Arrimahaana waa in sharci adag la ga soo saaraa.
5. Waa in hay’adda amniga ee dawladdu waalid walba ka saxeexdo in uu soo gudbiyo xagjirnimo wal oo ku soo korodha ilmaha uu masuulka ka yahay iyo cidda galisay.
6. Waa in oday dhaqameedyada qabiilooyinka dhammaantood dawladdu la gashaa wacad ah in aanay qabiilkooda dhexdiisa iyo degaankooda u oggolaan koox argagixiso ah iyo cid wal oo cadaw ku ah Qaranka ama qayb bulshada ah. Haddii aanay iyagu keligood waxba ka qaban karinna waa in ay dawladda la kaashadaan”.