Dagaalka Bulsho Ee BBC-da! (WQ: Cabdikariim Xikmaawi)

Habeen dhawayd ayaannu ka sheekaysanaynay rag aannu asxaab nahay idaacadda BBC du doorka ay ku leedahay in uu guurku yaraado. Doorka ay ku leedahay in dhaqammo badan oo bulshada dhexdeeda ah la milo. Taas oo kolka aad u sii fiirsato aad arkayso dagaalka cad ee bulsho ahaan ay idaacaddaasi innagula jirto. Qaar ayaa moodaaya meesha haddii af Soomaali ay ka maqlaanba in wax dantooda ah lagu hayo!!

 

Aan u soo noqdo e, laba qodob oo kaliya ayaan u soo qaadanayaa in BBC du ay dagaal cad kula jirto faafidda guurka, iyo dhallinyartuna si milgo leh, oo sharcigu u banneeyay ay isku xalaashadaan, sida ugu fududna isku helaan.

 

1- Idaacadda BBC la yidhaahdaa, mar walba waxa ay ka sheekaysaa in uu guurkii qaaliyoobay. Waxa ay innala wadaagtaa waxyaabo badan oo ku saabsan qaalinimada guurka. Waxa ay dhagaheenna ka buuxisaa in qofka aan kharash badan haysani aanu maanta guur tahli karayn, dhan walba oo nolosha ah!

 

“Waa run” arrinkaas idaacaddu sheegaysaa in ay qaar yidhaahdaan ayaa laga yaabaa. Haddaba, wali ma is weyddiisay. ‘Idaacaddani waxba kama qabato guurka qaaliyoobaye, maxay haddana mar walba aynnu sheekooyinka noocaas ah uga maqalnaa?’ Aniga siday ila tahay idaacaddu baraqjabin ayay dhallinyarada ku waddaa, taas oo cabsida ay ku abuuraysaa ay keenayso in mar walba guurkii laga sii fogaado, taas oo warkeeda si dadban iyo si toos ahba loo rumaysanaayo. Hadafkoodu iyaga se waa in uu guurku yaraado oo dhisidda qoysas muslim ah laga gaabsado!!

 

Haddii uu guurku yaraado kolkaas, fasaad intee leeg ayaa ka dhalanaaya arrinkaas isaya ah?

 

2- Idaacaddaas mar walba sheegta in guurkii qaaliyoobay, haddana arrintaas cagsigeeda, waxa ay xoog u buunbuunisaa guurka iyo meherrada lacagta qaaliga ah ku kacay. Way xayaysiisaa, way waraysataa, dadkana waxa ay dhagahooda ku riddaa inta qarash ah ee guurkaasi ku suurto galay, iyo caddadkeeda!

 

Bal haddaba labadan arrin is qabadsii adigu! Saw halkaas kaagama soo baxayso mabda eega ah in guurka laga cabsadaa in uu caddaan yahay. Waxa laga yaabaa in aanay cidiba arrimahan u fiirsan, se waa siyaasad cad oo aad u naafaynaysa taranta guurka iyo tirada qoysaska dhismaaya! Haddaba, iyaga maxaa ugu jira in ay guurka la dagaalamaan haddaad is weyddiinayso, waxa ay noqonaysaa in xogo kale oo dheeraad ah aad raadiso, maan furan iyo kasmo fikiraysana aad arrimahan ku fiirisid.

 

Fb: Sawirkan hoose si fiican u eeg. Qoraalka halkan ku qoran oo kaliyaata qiimee. Cabsi gelinaha sida aan gabbashada lahayn la innoogu dhex faafiyo ayay ka mid tahay. Nebigeennu (Csw) e “guurka badiya” ayuu yidhi, iyaguna “xanuunno ayaa laga qaadaaye yaraysta” ayay inna leeyihiin. Markaas arrinku waa adiga iyo garaadkaa, iyagiyo ujeedkood!!