Dagaalka Cusub ee Itoobiya iyo Dibindaabyada Soomaalida (WQ: Faysal Rooble)

Taariikhdu markay ahay July 9, 2019, waxa shir u dhiistay Barlamanka DDS. Hal qodob oo laga doodayay ayaa ahaa in laba xildhibaan oo mid ka mid ah Addis Ababa laga soo dacweeyey xasanaadka laga qaado. Kusime M/W MMC ayaa qodobkan gadaal ka riixayey. Waase ku hungoobay. Weli MMC waxa uu u dhaqmayaa lahaye lakeena ah. Loomse baahna xiligan aan ku jirno.

Dhinaca Itobiyada xorta ah (waa Tigree, Oromo, iyo Axmaaro) dagaal cusub oo isgaadsiinta ka isku dajinayo ayaa ka aloosan.

War-Murriyeed ka soo baxay shir TPLF soo fabagabeysay waxay canbaareyn xoogan dhabrka u saartay Axmaarada madaxdeeda. Waxay ku eedeysay in Axmaaro iyadu masuul ka tahay Afgambigii deegaankeeda la dhacay. Waxa kale oy ku eedaysay maamulka Axmaarad ee ADPA in uu iska insha tiray amse ogo shaqsiyaadka xagjirki ahaa ee ka h Bahiidhaar iyo Addis inqilaabka isku dayey.

Waxa kale oy TPLF ku dartay in madaxda Axmaarad ugu sareysay ay dhiiri galiyeyn xag jirnimada taakulayna la siiyey, iyada oo looga dan leeyahay in la soo celiyo nidaamkii gumeysiga ahaa ee Axmaaro diiiga ka ahayd.

Iyana maanta waxa war-murtiyeed kulul TPLF ku dhirbaaxay xisbiga Axmaarad ADPA. Runtii arar, dhaleecayn, iyo hanjabaad xad dhaaf ah ayaa Axmaarona ku soo jawaabtay.

War murtiyeedka oo dheer, waxa Axnaaro TPLF ku tilmaamtsy khaaimi’in, tug dhiig miirato ah, oon la aaminaan kareyn, iyo koox ku caan baxday boob iyo dhac mudo sodon sano ah.

Afar qodob ayey ku soo afjaray Axmaaro warkeedii:

1. In Midnimada Itoobiya la dhowro.

2. In Axmaarta aduunka daafihiisa ku nool ADPA la saftaan kuna garab galaan dagaalkan wajiga cusub yeeshay.

3. Waxay soo dhaweeyey Axmaartu qowmiyadaha Itoobiya ay walaalaha yihiin oo dhannugana mahad celiyaan baroordiiqdii iyo tageeradii ayla heleen.

4. Waxay xusan xidhidhiikii Masiixiga ahaa ee iyaka iyo Tigree ka dhexeeyey, dhaqankii, iyo tasriikhdii 3000 ee sano ahyd ay wadaagayeen in la dhowro.

Markaan labadaba dhagaystay waxa ii soo baxay dhowr shey.

1. Sida maqaalka aan soo wado aan markii ugu horeysay ku dootamay, waxa dildilaac xoogani ka muuqda mataanihii ina guumaystay ee Axmara -Tigre. Halkaa waxa ku soo afjarmey xulifadii xaaraanta ahyd ee EPRDF.

2. In labadu isku dhaleecaynayaan midba mid ka kale ku leeyahay gumeysigaagii (100 sano oo Axmaaro ah) iyo (30 oo TPLF) aya ka xun. Hadeeto goanahayn waa dumaasha yaa leh waxa la isku hayaa.

Talo:

1. MMC waa in xakame lagu qabtaa si aanu Axmaarada uu beryahan bustaha ag dhigtay aanu inagu siidayn.

2. Waa in lagu dadaalaa in uu ka madex banaanaado gacanta weyn ee Addis ku hayso. Regionka kaliya ee Addis fara galinta qaawan ku haysaa waa DDS, taasina masuuliyadeeda MMC ayaa leh.

3. Waa in uu shirweyne Qabtaa oo ONLF, waxgaradka deegaanka, iyo wakiilada bulshaweynta wada tashi lala yeelanayo.

Hadii kalese kii hoyadey guursadaaba waa adeerkaa sida hada Oromo adeer la jeclyahay inoogu noqotay.