Dagaalka Turkiga iyo Ciidanka Asad ee Woqooyiga Suuriya (WQ: Sayid Osman Sh. Ibrahim)

Dagaalka Turkiga iyo Ciidanka ย Asad ee Woqooyiga Suuriya

Milatariga Turkiga ayaa weerar Wayn oo xaga Cirka ah ku qaaday ciidanka Asad kadib markii maanta ciidankooga laga dilay 5 Askari,

Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ayaa Casarkii illaa Caawa garaacayay Saldhigyo iyo xeryo u leeyahay Ciidanka Asad.

Milatariga Turkiga ayaa warbaahinta usheegay in ay garaaceen boqolaal Bartilmaameed ilaa iyo hadana ay wadaan,

Dhinaca kale Diyaarad dagaal oo Ciidanka Asad u leeyahay ayaa burburisay Taangi Kamida ahaa kolanyo ย ciidan oo Turki ah.

Safiirka Ruushka u fadhiya Dimishiq oo hadlay ayaa yidhi hadal laba aflayn ah oo u muuqda mid u garab kusiinayo Ciidanka Asad.

Dhinaca kale Dawlada Turkiga ayaa sheegay in gaashaanbuurta NATO oo Turkigu u kamidyahay ay wargaliyeen dagaalkana ay si dhaw ula socdaan.