Dagaalkii Burco-duuray (17/10/1984)
Dagaalkii maalintan qarxayna waxa uu ka mid noqday dhimbiilihii huriyay halgankii SNM iyo weliba mid ka mid ah tijaabooyinkii ay SNM ku hubisay cududeeda milatari ee ay ugu babac dhigtay dawladii Maxamed Siyaad Barre. Waxaana dagaalkan lagu tilmaamaa inuu yahay dagaaladii ugu adkaa ee soo mara SNM. “Dagaalkaasi wuxuu ka mid ahaa kuwii ugu cuslaa. 12:00 duhurnimo ayuu dagaalku bilaabmay, waxaanu istaagay gabal dhicii.
Wuxuu ahaa mid ka mid ah dagaaladii ugu caansanaa ee SNM gasho. Ciidanka Max’ed siyaad ayaa weerar ahaa, wuxuu ka dhacay meelo xero ah, oo ay daganayeen ciidamada SNM oo 25 KM xadka itoobiya galbeed ka xigta gudaha itoobiyana ah. Dagaalkan oo ahaa mid qadhaadh oo ay isku haleeleen S.N.M iyo ciidankii max’ed siyaad. Xerada waxa joogay 400 oo askari oo SNM ah, halka ciidanka max’ed siyaad ahaayeen 1000 askari, 70 tikniko iyo gaadiid ku jiraan watay. Ka dib dagaal faraha lagaga gubtay ayaa toos u bilaabmay, waxaana markii dambe ay noqotay in la is-dhexgalo oo gacanta la isul-tago.
Khasaaraha dagaalka ka dhashay wuxuu ahaa mid aan la soo koobi karin, balse waxaynu soo bandhigi doonaa intii suurtagal ah. Dhinaca ciidanka max’ed siyaad waxa ku dhacay jab-weyn waxa lagaga diley dagaalka 170 askari, halka 11 baybayna lagaga gubay. Dhinaca SNM waxa laga diley 27 askari. Ragg waaweyn ayaa labada dhinacba kaga dhintay dagaalka. Dhinaca SNM waxa ku dhintay mujaahid Max’ed Xaashi Dhamac “lixle”.
Dagaalkii Buuraha ee 25/11/1984
Dagaalkan waxa soo qaaday ciidamada SNM oo weerar ku soo galay buuraha silsilada xeebaha goliska ee somaliland gudaheeda. Duulaanka dhinaca galbeed waxa hogaaminayey C/laahi askar waxaanu watay 140 askari, waxay weerareen gaaskii Awdal fadhiyey ee koowaad Q.26aad oo tiro ahaan dhammaa dhawr iyo toban kun oo askari. Dhinaca bari ciidanka SNM waxa hogaaminayey Max’ed Kaahin Axmed waxaanu watay 130 askari, waxay weerareen buuraha mirriya iyo goliska. Dhinaca buuraha sheekh ciidanka SNM waxa hogaaminayey Ibraahin C/laahi dhegaweyne, Max’ed Cali iyo C/salaan Gabaxadi.
Isku- geynta ciidanka SNM ee weerarka ahaa waxay ahaayeen 350 askari, halka ciidanak Max’ed Siyaad ee qaybtii 26-aad ahaayeen 30 kun oo askari.
Axmed xuseen (malloosh) oo ka mid ahaa ciidankii S.N.M ee galay buuraha galbeedka ayaa ka sheekeeyey dagaalkaasi waxaanu yidhi” Raggaasi waxay u badnayeen macalimiin, ganacsato, aqoonyahano iyo dhalinyaradii ardayda ahayd ee u adkaysan weyday cadaadiskii, dilkii iyo cabudhintii taliskii Max’ed Siyaad ee ku soo biiray SNM. markii aanu gaadhay buuraha dila waqooyi ka xiga, ayaa dhinac walba waxa naga hareereeyey ciidamada Max’ed Siyaad oo dhankii aanu u dhaqaaqnaba xabbad ayaa nagaga soo dhacaysay.
Diyaaradaha sahanka ah iyo kuwa qumaatiga u kaca ayaa na dul heehaabayey. Casarkii dambe ayaa buur yar nalagu soo ururiyey, afarta dhinac ayaanu u kala jeesanay markii ay saqdii dhexe ahayd, ayuu taliyahayagii C/laahi askar nagu amray in koox kasta horteeda bannaysato inta aanu waagu beryin, maxaa yeelay, haddii ay maalin noqoto midh nagamuu baxeen, ciidankii Max’ed Siyaad waxay soo daad-guraynayaan gurmad xoogan. Koox kastaa waxay weerartay halkii ka horaysay oo ciidankii horfadhiyey ayey dagaal ku qaadeen. Ka dib waanu banaysanay hortayadii. Waxaanu isku helnay 36 mujaahid waana habeen madow. Waxaanu dhinaca isku helnay, Axmed Ibraahin (Axmed weyne), Mahdi Isxal, Cali Case, Cali-Guray,Aadan Maal iyo kuwa kale.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@hotmail.com
Tix-raac:
Cibaarooyinka Qarniga iyo cidaad jeceshahay inaad ku dayato………. Cali Qoryoolay.