Dalka ka u taliyaa iska leh (W.Q. Cabdiqani- Xaaji Xaaji)

Asalaamu Calaykum Wa Raxmatulaahi Wa Barakaatuhu.

Goolihii Guurtidu cod aqlabiyad ah ayey muddo-kordhin ugu sameeyeen Barlamaanka (Wakiillo iyo Guurti ba) iyo Madaxweynaha ilaa laga gaadhayo April 2017 (Guurtidu sannad bay ka sii dambaynasaa!)

Waxaa iga soo baxay dalka ka u taliyaa iska leh. Waa meherad camal.

Guddoomiyihii Maxkamada Sare waa taa la bedelay. Waxaad sugtaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka isagana mooshin lagu soo qaadi doono maalmahan soo socda.

Ciyaari waa galin dambe. Maanta inta qoslaysaa berri yaabkii qolodii Udub ayey la kulmi doonaan. Dhaqankaa muddo-kordhintu waa ka keenay in lagu rido Rayaale.

Inkastoo aan aaminsanahay in Madaxweyne Siilaanyo aannu dib isu soo sharaxeynin caafimaadkiisa dartii … bal aynu eegno maalmaha soo socda sida ay wax u dhacaan!

 

Cabdiqani (Xaaji Xaaji)

xaaji169@hotmail.com