Dambarkeeda Maandeeq, ninkii maalay baa dhami(W.Q: Khadar Ibraahim Maxamuud)

Bismillah iyo balaayooy baydh.

Qalinka iyo dawaadda beryaanu kala maqnaynoo, doorashada erayadayda kalsooni badan kuma qabee, intaa afeef ma ka dhigtaa. Dheerayna maayo oo mawduucu mid dherer iiga baahan maaha ee dhawr arrimood ayuunbaan daawaha saari.

Ustaad Maxamed Xaashi Dhamac ‘’ Gaariye ‘’ dhaxal kuu inooga dhintay Miyaan dhaafi karayaa. Saw isaga muu ahayn ninkii lahaa;
Abaalkana waan Gudnaa
Waxaad noo gashee horiyo
Gadaal waxaad maagantahay
Bal noo sheeg waa Golee
Waxay dadku kaa guntaan.  

Run badnaayaa jannadii ha ku bariistee.

Guulaha siyaasiga ah iyo galadaha ummaddu kaa tirsanaysaa waa abtirsiinta siyaasadda ee tiir dhexaadka u ah hor u socodka siyaasiga, isla markaana dhaxalsiisa taageerada shacabka iyo in ummaddu yididiilo iyo rajo kula eerato. Dhigaalka tagtada taariikhda iyo dhugashada ta maanta taaganina waxay sawir sax ah ka bixiyaan kartida iyo qofnimada hebelada damacu ku jiro.

Hoggaaminta iyo siyaasaddu waa dhalasho iyo dhigasho khibradeed laga dheefo waayaha nolosha , umana sinna caga baruurka saaxadda siyaasadda dhex meehanaabay saddex sanno oo gacan qabasho ah, iyo ruug caddaayada tirsanaya 50 sanno oo Soomaalidu wajahaysay xaalado siyaasi ah oo midabo badnaa isla markaana la soo dhaqmay maamulo iyo dawlado jabhad iyo jaarba leh.

Xisbiga Kulmiye oo hoy u ah baarqabka siyaasiyiinta Somaliland ayaa dhawaan la filayaa in uu qabsado shirkiisii golaha dhexe kaasi oo foolan doona siyaasiga xisbigan guunka ah u metelaya doorashada madaxtinimo ee laga rajo qabo in ay Somaliland ka qabsoonto dhawaan. In kasta oo tartan xalaala iyo dimuqraadiyadu tahay mabaadi’da xisbiga haddana kala dambaynta iyo is daba socodka ku dhisan khibraddu waa mid lagu yaqaanay xubnaha calanka u sida shacabka xilligii ay halganka ugu jireen in ay heeryadii keli taliska ummadda ka dhiciyaan iyo weliba xilligan talada xisbiga Kulmiye, waxaanay dadka siyaasadda falanqeeyaa tilmaamaan in dhaqankaas siyaasiga ahi xisbigan u horseeday guulaha tirada badan ee uu tirsanayo.

Marka laga yimaaddo aasaasaha iyo odayga xisbiga, in kasta oo ay jiraan xubno tiro badan oo lagu tiryo tiirarka xisbigu ku taagnaa oo badhkood hadda inaga hooseeyaan haddana waxa si gaar ah loo xusaa Guddoomiyaha Xisbiga ee hadda Muuse Biixi Cabdi oo inta badan loo nisbeeyo guulo hor leh oo xisbigu gaadhay xiligii mucaaradka iyo fara ku haynta dhismaha xisbiga xilli xukuumaddu ku mashquushay talada dalkan iyo dadkan baahiyaha badan.

Muuse Biixi wuxuu siyaasadda Soomaalida madaxa la soo galay xilli ku siman 1965 wax yar uun ka dib waqtigii gumaystuhu iskaga guuray geyiga Soomaalida. Wuxuu talo iyo tacab badan ku lahaa aasaaskii ururadii dhallinyarada iyo abaabulkii dhagax-tuurkii ardayda. Waxa dadka ka agdhawaa ilaa xiligaas ku tilmaamaan Muuse shakhsiyad keeno-diid ah oo aan dulmiga aqbalin. Ka dib aqoon maamul iyo mid ciidan oo siyaasigan ka soo kasbaday waddamada dunida ugu tunka waaweyn ee Maraykanka iyo Ruushka wuxuu Muuse ka mid noqday Hoggaamiyayaashi dabka u shiday ururkii xaq u dirirka ahaa ee dagaalada hubaysan kala hor tegay daaquudkii keliteliska, sebeno iyo sannado badan oo dhaxanta iyo dhamacda cadceedu dhabarkiisa ku dhacayeen markii guushii rabbi ku galladay isaga iyo rafiiqiisii halgankaba, Muuse halkaas kagama hadhin ee wuxuu u holladay in uu mar kale tacab galiyo ummaddiisa isla markaana ka hawl galo sidii maamul tiirar adag ku taaagan ummadda loogu yagleeli lahaa.

Waxa xusid mudan in Muuse Biixi ahaa shirguddoonkii shirweynihii lixaad ee SNM ee Baligubadle, halkaas oo lagu dhisay dawladdii ugu horraysay ee Qarankan yeesho, ka dib laba sanno oo jahwareer u badnaa oo Jabhaddu talada dalka gacanta ku haysayna waxa sidii heshiisku ahaa hoggaamintii dalka lagu wareejiyay xukuumad rayid ah.

Mar kale Muuse waxa uu ka mid noqday dawladdaas waxaanu muddo dheer la shaqeeyey ruug caddaayadii siyaasiyinta Somaliland ee uu ka midka ahaa Madaxweynih labaad ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. wallow uu ku soo beegmay xilli xasaasi ah haddana waxa uu guulo hor leh ka soo hooyay taaba gelinta nidaamka dawladnimo, aasaaskii ciidamada booliska, baabiibtii isbaarooyinka maleeshiyooyinka, qaramayntii ciidamada iyo weliba sugidda xuduudaha waddanka.

Waxaana Siyaasigan ku suntan yahay in uu ahaa wasiirkii ugu horeeyey ee Somaliland ah ee cagaha dhiga magaalada Laas-caanood iyo Gobolka Sool guud ahaan.

Ka dib furitaankii xisbiyada ee horraantii qarnigan 21aad, mar kale muuse wuxuu si weyn uga soo dhex muuqday saaxadda siyaasadda Somaliland, waxaanu ka mid noqday shakhsiyaadkii hormuudka u noqday xisbigii Kulmiye ee ay iskugu yimaadeen baarqabka siyaasaddu. Waxaan muran ku jirin in tacabka iyo tamartii uu xisbiga geliyay Guddoomiyuhu ay door weyn ku lahayd awoodii sii biiraysay maalin walba ee xisbiga waagii mucaaradada ahaa, waxaana marag madoon ah in duruufo adag oo xisbigu soo maray ay si gaara ugu wada dhaceen jaalayaasha siyaasadda rafiiqa ku soo ahaa muddada dheer ee Madaxweynaha Qaranka Axmed Siilaanyo iyo Guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi, taasi oo markii dambena dihatay guushii xisbiga ee 2010 uu ku hantiyay hoggaaminta Qaranka.

Ka dib guushii xisbiga ee talada dalka, Muuse Biixi wuxuu hormuud u noqday Guddi soo dhista xukuumaddii ugu horraysay ee Kulmiye waxaanu hoggaaminayay xubno ay ugu cadcadaayeen Dr. Edna Aadan, Dr Bulhan iyo Weliba Dr Gaboose, ugu dambayna guddidaas waxay 10 Julaay 2010 ku dhawaaqeen qaab dhismeed aad looga soo shaqeeyey oo ay talo ahaan ugu gudbiyeen Madaxweyne Siilaanyo, si uu u tixraaco.

Mar kale Muuse wuxuu ku sii adkaystay in aan xisbigii meel cidlo ah lagaga guurin waxaanu ku calool adaygay in uu u hadho xisbiga isla markaana wax xil ah ka qabanin xukuumaddaas uu guulaheeda in badan tirsanayo, isagoo go’aansaday in uu mar kale tacab iyo tamar isugu geeyo sidii xisbigu u xoogaysan lahaa xukuumaddana garab iyo gaashaanba ugu noqon lahaa.

Doorashooyin gole deegaan iyo dagaalo adag oo kaga imanaayay mucaaradka muddadaasna khibrada iyo hoggaaminta Guddoomiyuhu waxayd dhaxalsiisay in uu si fudud uga talaabsado xisbigu isla markaana ilaashado kalsoonidii bulshadu ku qabtay xisbiga. Waxa iyaduna xusid mudan tanaasulaadkiisii tirada badnaa ee xalka u noqday xisbiga iyo xukuumaddaba iyo dulqaadkii, dhabar adaygii iyo bisaylkii siyaasadeed ee Guddoomiyuhu muujiyay xilli duulaan wasiiro dano gaar ah lihi ku soo qaadeen xisbiga iyo hoggaankiisa, taas oo mar kale hummaag iyo sawir u noqotay in Muuse hanan karo hoggaaminta dalka.

Guddoomiye Muuse Biixi waa siyaasiga ugu hadal haynta badan ee laga rajo qabo in xisbigu shacbiga hor keeno, iyagoo ku xisaabtamaya khibraddiisa maamul ee soo taxnayd ilaa 1965 iyo guulahaa maalinlaha ahaaa ee uu Qaranka iyo xisbigaba sida is daba joogga ah ugu soo hoynaayey.

Waxaanay tani meesha ka saaraysaa damaca shakhsiyaad dibed wareeg ahaa xiliyadii halganka ee keeno-diidku duurka ugu jiray gobanimada shacabka, isla markaana damaca iyo dareen dhadhamo raac ah duulimaad ugu yimid dal xor ah iyo dad mid ah.

Haddii Abwaankii ummaddii ku hungowday midawgii 1960kii ku cataabay

Dambarkeeda maandeeq
nimaan maalin baa dhamay

Iyaga oo shacbiga iyo Golaha dhexe ee xisbiguba ku xisaabtamaya wixii waayuhu baray waxa la saadaalinayaa in halku dhigaasi hore isku bedeli doono.

Dambarkeeda Maandeeq
ninkii maalaybaa dhami
.

GUUL IYO GOBANIMO

Khadar Ibraahim Maxamuud

khadarsuufi@gmail.com

00252-63-4426886