Maansadan Damiir Xalan waxa curisey Sucaad Sheekh Axmed, waxaanay ka turjumaysaa wakhtiga iyo wacyiga taagaan maanta.
Sucaad Sheekh waa qoraa da’yar kuna xeel-dheer wacyi-gelinta bulshada.
Adigoon durbaan tuman
Degem-degem warkayguna
Dacal aanu kaa marin
Dhugo deexda maansada
Goortuu dagaal dhaco
Diriciyo halyeygana
Isku diro cadaawuhu
Haddii foodda lays daro
Hadal aan dhaman
Nin jeclaysi waligii
Ninkii doobir odhanlaa
Dabka hura bakhtiin laa
Inkastoonu dabar go’in
Dib u socod laciifiyo
Daallin xaasida jira
Dadka kala dilayo
Intuu durbaan qaday
Qalbi diir naxaayoo
Diirrani hadduu jiray
Umad aan dal eegayn
Dulin iyo xarbaa yimid
Ku dahaadhan laabtoo
Waa duul is doorshaye
Dambigooda guulloow
Garab laga dugsado iyo
Dayr nooga noqo adag
Uurkooda duulkani
Dabxeer looma waayine
Ruuxii dedaal badan
Hadday daaddeheeyaan
Dakanooyin kii qaba
Digashada ka dhawraan
Dambi dhaafka eebbiyo
Duco waalid way heli
Anna deelka maansada
Danta aan ka leeyahay
Daaha kaaga qaadaye
Arrin kaa dadnaydbaan
Doc ka eegayaa wali
Rag aan kala dan baynoo
Dalaw iyo siyaasad
Dawgaa racayba jira
Adigooon durbaan tuman
Amaa seegin geesinimo
Dan waxad uu leedahay
Inad hufnan sahan
Umaada dayso
Dan ka hadal ahaato
Cidna aan durraynoo
Dooddiisu furantahay
Dacwaddana waxaa geya
Damiir xalan ninkii sida
Daacadina u dheertahay
Doqonniimo hadalkana
Damiimbaa halhays u leh
Anna duurxulkaygiyo
Murtidayda doorka ah
Ha u qaadan deelqaaf
Sucaad Sheekh Axmed