Dawarsiga (dhawrtaysiga) casriga ah! (WQ: Dr. Mubaarak Maxamed Daahir)

Hordhac
Maanta waxaan qallinka usoo qaatay inaan wax yar ka qoro oo aan idinla wadaago wax indhahayga soo jiitay oo aan in muddo ah u fiirsanahayey. Waa dadka waddanka ka dawarsada(qarafaysta/Dhawrtaysta) oo ay isoo jiidatay isbaddala ku dhaca qaababka dawarsiga dadka innala nool.

Diinteenna islaamka iyo dhaqanka Somaliyeedba waxa uu aad u dhiiri galiyaa in laga war hayo oo la gacan qabto bulshadeena inta baahan(masakiinta) ah, ka war hayntaasi waxay keensataa filashada naxariista rabbi, arsaaqda oo barakawda iyo umada oo si wacan iskugu dhex noolaata.

Rasuulkeeni suubbanaa, Naxariis iyo nabad galiyo korkiisa ha ahaate, waxa uu innoo sheegay in aynu miskiinka caawino, faqiirka garab galno, agoonkana ka warhayno. Iyada oo ay taasi jirto hadana Nabigu NNKHA wuxuu inna faray in aynu shaqaysanno oo aynu cuno waxa aynu xoogsano, isla markaana waxa uu innaga reebay in qofka oo shaqaysan karayaa uu dawrasado ama baryootan dadka la dhex wareego.

Marka laga tago dadkeenna inta baahan oo ay ku adagtahay in ay dawarsi u badheedhaan, waxa jira qawmiyado waddankeenna ku nool, oo ay u jeedada ay dalka u joogaanba tahay in qarafaystaan/dawarsadaan. Sidaa daraadeed, maalin walba waxa aad la kulmaysaa qaab cusub oo dawarsi ah oo qofka dawarsanayaa uu is leeyahay waxa aad ku helaysaa dhibirsanaanta qofka samafalaha ah.

Noocyada dawarsiga ee aadka inoogu badan
Inta badan, waxa aan si faduuli ku jirto ula socdaa isla markaana aan u indha indheeyaa isbadallada ku dhaca qaababka dawarsiga ee dadka wadanka dhexdiisa ka dawarsada oo isticmaalafarsamooyin kala duwan oo aan tusaalayaal dhawr ka mida halkan idinkula wadaagi doono:

Dawarsiga Cuntada (cunto waydiisasho):
Waaa nooca waydiisashada ugu badan oo meelaha soomalidu dagto aad loogu arko. Qof ayaa guriga kugu garaacaya ama ka hor dhawaaqaya oo ku waydiisanaya wax uu cuno, ama dumar baco cunto ku jirto gacanta ku sita ayaa guryaha iyo hodheelada so hor istaaga oo baahi cunto sheegta, kabacdi bacdaa ay wataan ayaa loo buuxi ama baco kale ayaa loogu ridaa, ). Badanaa wakhtiyada qureecda iyo qadada ayay u badan yihiin dawarsiga noocan oo kale. Badanaa waydasiga cuntada waxa ku lifaqaaqan codka oo loogu dhawaaqayo qaab qofka maqlaya wadnaha qabanaya kuna qasbaya in uu u gargaaro miskiikan dhawaaqaya.

Mudooyinkii ugu danbeeyay way soo yaraadeen amaaba waxaad arkaysaaa inay diidan yihiin in cunto la siiyo oo ay door bidayaaan in lacag loogu badalo.

Dawarsiga masaajiddada
Masaajidadu waa goobaha ugu badan ee aad ku arkayso dad badan oo ka kacaya oo baahiyo kala duwan sheeganaya sida ( xanuun iyo daawo, caruur gaajaysan, kiro guri, sahay safar iyo qaar casho ii qaada leh). Inta masaajidka gudahooda ka kaca waxa ka badan kooxo qawmiyadaha innala dagan ah oo u badan caruur iyo dumar ah oo albaabada masaajidada laba laba ka fadhiya oo baahi badan sheeganaya. Labadaa qolo ee gudaha iyo dibada masaajidka ka dawrsanayaa waxa ay iskugu jiraan masaakiin duruuf iyo baahi hayso oo aamusi kari waayay oo walaalahaa muslimiinta ee masaajidka ku tukanaya ha idin caawiyaan is leh , iyo qolo kale oo u badan rag balwad leh oo baahi aan jirin sheeganaya ama qaar usoo shaqo tagay masaajidada.

Dawarsiga waddooyinka
waxaad arkaysaa dumar iyo caruur taagan suuqa dhexdiisa, gooladaha jaamka baabuurtu ku badanyihiin iyo meherada hortooda si ay baahidooda ugu sheegtaan dadka wadada maraya, inta badanna miskiinno guud mooyee aanay ka wada muuqan astaamo isku mid oo lagu dawarsado.

Dawarsiga casrigan ah
Marka laga tago noocyada kala duwan ee dawarsiga ah ee fiirsashadu keenta, bari dhawayd waxa aan aad u arki jiray rag dhallinyaro ah oo min laba u socda oo midi indha la’yahay, inta badanna ka wax waydiisaga samayanayaa wuxuu ahaa ka indhaha la’, halka ka kale uu isagu hage yahay.

Runtii, ta igu kaliftay inaan maqaalkan qoro, waa ta aan muddo badan u fiirsanayay, waana ta iisii xaqiijisay in maalinba nooc cusub oo dawarsi ahi soo bixi karo. Qaabkan cusub ee dawarsiga ahi waa rag dhalinyar u badan, ku labisan macaws cawlan iyo shaadh , ku dhutiyaya bir ka gaaban oo badankoodu ay gacanta bidix ku sitaan, xidhanna kabo caag ah. Raggaas curyaamiinta(laangadhayasha) ku matalaya waxa ay ku baahsanyihiin xaafadaha iyo suuqyada magaalada Hargaysa. Waxa ay ku hadlayaan Afsoomali adag, waxaanay iska shabahaan hadal yaraan iyo waydiin(sadaqo isii), tiradoodu ma yara hadana waxaad dareemaysaa inay qaybsadeen xaafadaha magaalada oo ka aad ku aragto Jigjiga yar kuma arkaysid New Hargeisa, ka suuqa dhexjoogaana uma gudbo Idaacada ama Calaamadaha. Waa nooc aan anigu u qaatay inay tahay tab (farsamo) casriyaysan oo dawarsi oo cusub, , balse inay ku hoos jiraan qorshe kale oo dahsoonna uu ka suurtoobaa.
Muuqaalladan hoose, waxa aan u qaaday si ismoogganaan ah, anigoo ilaalinaya xurmada qofkana waan qariyay wajigiisa guud ahaan, anigoo muujinaya kaliya birtaa soo korodhay, ee noqon karta run ama been.

Haddaba guntii iyo gabagabadii qoraalkan waxaan idin xasuusin lahaa shacab iyo dawladba, in dalkeenna baahidu ku sii kordhayso, isla markaana aanuqaadi karin masaakiin dawladaha jaarka looga soo dhoofiyo isaga oo ay buux dhaafsheen dad baahan oo abaaro, duufaano iyo sixir barar noloshoodii la dageen oo u dhashay dalkan, waana wax innooga baahan aragti dheeraad ah iyo qorshe fog.

Dr. Mubaarak Maxamed Daahir

mabruuk2002@hotmail.com

Hargeisa Somaliland.