Dawga tabca iyo daruuro jacayl Q.1aad (WQ: Maxamed Cumar Dhagax “Booska”)

 

Lugta bidix (the left back tyre) ayaa ciladi ka gashay baabuurkii ay saarayd dhudi oo ka mid ahaa kolayo baabuur ah oo dalxiis ahaa, dhudi iyo dadkii kale ee baabuurka la fuushanaaba waa ay ka soo wada degeen, kolayada baabuurta ah waa kan ugu horeeya, jidku maaha mid laysku dhaafi karo oo dawga Tabca, barta loo yaqaano Goldhiig, Miigane wuxuu fuushan yahay baabuurka labaad ee kolayada, isaga laftigiisu wuu soo degay, daruuro aad u qurxoonaa oo cirku lahaa waa ay soo hooreen sidii in tuubo shaandho leh oo biyo ah in dusha sare laga soo daayey. Miigane ayaa hore u qaaday dhawr talaabo, Dhudi oo aan hore dhulkan iyo degaankan u soo marini iyadu talaabada ayey hoosta ka soo xaday, soo gaadhay Miigane, bariido ka dib dhawr odhaahood oo kaftan ah lays dhaafsay, amin yar ayaa lagu qaatay in la wada faaleeyo jawigan aadka u cudoon ee lagu jiro, Buuraha aadka u dhaadheer ee degaanku caanka ku yahay, bilicda iyo quruxda aan indhuhu marna ka dhergayn ee bartaas Raxmaanku ku manaystay, hadiiba in cabaar ah sidaas loo mashquulsanaa waxaa dib loogu soo noqday roobka aan badnayn ee hooraaya oo dushooda si macaan ugu da’aaya.

Waa degaan qurxoon, barwaaqaysan, buuro dhaadheer leh, dhirta udugooda iyo carafta ka baxaysa aad odhanayso sanka la sii raac, iyo roobka shubanaha ah ee maalintaas da’aayey. Ka dib markii hal amin ah arimahaas lagu hawlanaa waxaa Dhudi Miigane waydiisay dareenkiisa ku saabsan xaaladan lagu wada jiro! Miigane si quman oo aftahanimo ku dheehan tahay ayuu ugaga war celiyey, wuxuu ugu daray maanta keliya inuu jeclaan lahaa in deganaantan iyo barwaaqadan iyo roobkan shubmaaya ay la wadaagto bilan haween oo la qaybsata farxada, rayraynta iyo badhaadhaha yaala.

Kolkay sidaas xaajo tahay ayey Dhudi waydiisay nooca haween ah ee uu ka helo Miigane, si fudud ayuu qiyaas ka tagsan tan Dhudi u sifeeyey, Dhudi aad ayey ugu buseeshay sifooyinka uu Miigane ka bixiyey gabadhuu rabo. Ku darsoo waa dhalin labadooduba, kama madhna cugashada iyo hoos ka khaawisku, mudo la socday ka dib waxaa soo gaadhay kolayadii baabuureed ee ay saaraayeen, mid kastaa wuxuu u baxay kii uu la socday, sidaas baana Sodcaalkii Dalxiis ee lagu jiray lagu sii watey.

Midkastaa baabuurkuu fuulay ayuu boholyoow la fuushan yahay, dad buu la socdaa balse waa cidloonayaa! Maxaa haya oo uu/ay la cidloonayaa/cidloonaysaa? Cabitaanada iyo cuntooyinka fudud ee dalxiisayaashu sitaan midkoodna kama deign! Tolow maxaa aamateedkii kala tegay? Miigane & Dhudi midkastaa riyuu isku waraysanayaa, waxaa waydiimahooda ka mid ah, Tolow dareenka sidatan ahi midka kale dhankiisa ma ka jiraa? Jidhka iyo jismigaa laba baabuur kala saaran.

Arooryo hore oo Isniineed ayaa sadcaal dalxiis barbaari qaadatay, waxay ka baxeen Ceerigaabo, waxaa foolkoodu yahay dhanka Daallo, balse waa la sii dhaafayaa oo waxaa loo socdaa ilamaa Xidhxidh iyo Gaacidh. Barqadii ayaa Daallo la gaadhay, daawasho iyo dalxiis, indho daraandar, uduga iyo carafta dhirta ka soo burqanaysaa waxay wada jibaaxday quluubta dhalinyartaa, waxaa kaga sii darayd ka dib markii shinbiraha cida’ kala duwani ay midkastaa codkeeda ku qaaday hees macaan.

Booqashada dalxiis ee daallo waxay caan ku tahay in dadka tagaa ay la kulmaan farxad iyo rayrayn aan hore loo arag, amaba aanay ula kulmin waayadeed dhulkaas bilicda iyo qaayaha uu leeyahay ayaa ka farxinaaya xataa qofkii cadhaysnaa, uduga dhirta iyo muuqaalkeeda qurxoon ee jaadba jaadka ahi waxay xataa ku xusuusin karaan beri samaankii wixii aad ilowday, sababtoo ah quluubta iyo kaydka maskaxda ayaa quudanaaya wax wanaagsan, wanaagaasina wuxuu dhayayaa dhaawacyo badan oo xusuusta haystay amah or tubnaa in maskaxdu ay samayso kala huf iyo kala haadin ay shay kasta bartiisii ugu tagto. Sidaas awgeed indho doogsiga quruxdaasi iyo urinta carafta aan udgoonkeedu marna kala go’ayni waxay dhalisaa in caqabadihii dumaan oo meesha ka baxaan.

Aan ku laabtee dhalintaas dalxiiska ah waxaa ka mid ah geenyo ugub oo aad u qurxoon magaceeduna yahay Dhudi Dhexyar, Dhudi waa gashaanti tinta fidhanaysa, dhererka timaheedu waxay gaadhayaan ilaa nus mitir hadaanay kaba sii dheerayn, waxay baarka la gaadhayaan badhida, ma tima buurbuurna ay way timo dhuuban tahay waayadeed waa timo aad looga shaqeeyey oo la nafaqeeyey isla markaasna jilicsan. Midabkeedu waa maariin dhalaalkii hilaaci jiray, isma mariso dhunkaasha habluhu isku dhalan rogeen ee waa abuurtii rabbi, bilicda iyo soo jiidashada indhaheedu waa ashqaraar markay ku soo fiiriso ayey naxariis kalgacal daf ku soo odhanaysaa. Maaha indhaheedu kuwo buuran ama balaadhan mana aha kuwo yaryar ee waa cayn gooniya. Baadadka indhaheeda ka sareeyaa waa dhaadheer yihiin oo buuran yihiin, suuniyaheedu waa madaw bil dhalatay aan laga garan. Dhudi waa dhaloonti dhex yar oo qaarka hoose u weyn, dhererkeedu waa 1.75m, Dhudi Raxmaankaa qurux u dhameeyey. Ishii aragtaa ayaan leh, ama indhoolahay ag martaa siduu arkayuu u eegaa! Waa gabadh xishood iyo asluub-ba Alle ku manaystay, waxaa dihatay hooyo qaayo mudan aabaheedna waa didic rag. Dhudi dhankastaba ka eegoo waa laan madheedh, Rag ninkii ka bogtaa badhaadho haya.

Barbaarta dalxiisaysa ee Dhudi ka mid tahay waxaa ku weheliya Miigane, isaguna waa barbaar ka mid ah kuwo anshaxa, aftahanimada, dabeecad wanaaga iyo dad la dhaqankaba ku amaanan, dalxiiska daallo wuxuu mideeyey barbaar qiimo badan oo xurmo iyo xishood wadaagta.

Goor ay duhur ku dhawdahay ayaa daallo laga sii boqoolay, waxaa jeenyaha la saaray tubta uduga, quruxda iyo qiimaha badan ee ka soo hayaama madarka, waxaa tiixaaya roob yar oo qubane ah, waxaa la gaadhay godka ay dawgu caanka ku yahay, hadiiba la dhaafay maxaa dhacay?

 

Maxamed Cumar Dhagax “Booska”