Deni Siyaasad qabow oo Go’doomin ah ayuu Khaatumo la ciyaarayaa. W/Q: Cali Cabdi Coomay

 

= Dhismihii Puntland waxba lagama beddelin oo Madaxweyne ku xigeenkii iyo wasiirradii ay lahaayeen weli way haystaan.

= Madaxdii ka soo qaybgashay caleemo-saarkii Deni, waa looga dhaartay inay Laascaanood tagaan. Xasan Sheekh oo xafladda tegay wakhtigii uu sida weyn ugu kacsanaa Soomaalilaan ayaa ugu cuslaa ragga loo diiday.

= Waxa la yidhi” meyd waxa u dambeeyey kaa la sii sido.” Farmaajo ayaa isna shalay loo diiday inuu tago Laascaanood. Markii dambe ayuu ku af-gobaadsaday doorka dambe ayaa iman doonaa.

= Majeerteenku waa niman ilbax ah, oo fahamsan siyaasadda Dhulbahante ee nidaamka Geeljiraha u shaqaysa, taasina waxa ay keentay in si dadban loo cunaqabateeyo, waayo Puntland ayey halis ku yihiin.

Top of Form

 

Bottom of Form