Oday ka mid ahaa askartii somalida ahayd ee ka shaqayn jirtey wadanka kuwayd, ayaa iiga waramay dhacdadan layaabka leh, mar aanu ka wada hadalay dhibaatooyinka kala duwan ee maanta bulshadeena haysta iyo sida aan loogaba war hayn waxyaabaha khaldan ee maalin walba dhaca wuxuu hadalkiisii ku bilaabay.
“Waxaanu ahayn askar miliatariya oo ka tirsan ciidanka kuwayd , waxaanu lahayn dhakhar noo gaar ah oo cidaanka , xaasaaskooda iyo carruurtoodaba daweeya , dhakhtarkani wuxuu ahaa nin u dhashay dalka masar , cidna umay fiirsan jirin , mudo shan sano ah markuu shaqaynayey
Ayey gabadh ka mid ah xaasaskii ciidanka oo carruur ay dhashay oo kala duwan u keentay , uu dhamaantoodba dawo isku mid ah ayuu u qoray iyagoo dhibaatoyin kala duwan ka cabanayey , ninkeedii oo sarkaal sare ahaa ayey arintii uga sheekaysay, waxaanay ku tidhi ninkani dhakhatar maaha , waxna ma garanayo , qofkasto oo u tagano kiiniinka xumad jabinta ah ayuu siiyaa, waxa waliba intaa dheer, shay baadhna ma samayo , ee dadka wuu waraystaa oo keliya .
Ninkii ciidanka ahaa markuu dhegaystay hadalkii xaaskiisaa, wuxuu ku yidhi , caruusadan yar ee carruurteenu ku ciyaarto qaad oo marana ku duuduub oo ka dibna ku dheh ilmahan yar baa xanuunsaya ee Diktoor ii dawee.
Gabadhiina sidii bay samaysay dhakhtarkii bay u geysay caruusadii yarayd, sidii caadada u ahayd , wuu waraystay hooyaddii ilmaha yar sidatey , wax shaybaadhana kuma samayn , in kasta gabadhu u sheegtay in ilmaha yari leeyahay shuban iyo matag fara badan oo waliba ay fuuq baxday , haddana dheg jalaq uma siine xumad jabintii uu caanka ku ahaa ayuu u qoray.
Gabadhii ninkeedii bay dib ugu noqotay ,waanay u sheegtay wixii dhex maray iyada iyo dhakhtarkii ,waxaanay tustay dawadii uu soo qoray ee xumad jabina ahayd. , ninkii ciidanka ahaa intuu cadhoodhay ayuu ninkii dhakhatarka sheeganey u tegay isagoo fadhiya meeshiisii , waxaanu waydiiyey qofkii uu daweeyey wuxuu ahaa , dhakhtiirkii oo naxsan dhinacna ka shakisan ayaa ku yidhi dee gabadh yar bay ahayd,
Ninkii ciidanka ahaa intuu dhirbaaxo qaaday ayuu labada indhood ku dhuftay , waanu xidhay ninkii markii la baadhay waxa la ogaaday In shaadadan dhakhtarnimo uu walaalkii oo dhakhtara oo wadanka masar jooga uu ka soo qaatay, in ka dib
Dhakhtarkii been abuurka ahaa maxkada baa la saaray waxaaana lagu xukumay shan sano oo xabsi , waxaana loo sheegay in aanu lahayn wax xaq iyo xuuqtoona mudadii shanta sano ahayd ee uu shaqaynayey, lagana mastaafurin doono wadanka markuu xukunku u dhamaado na ,
Haddaba akhriste , dhacdadan iyo waxyaabaha wadankeenu ka socda maantu maxay wadaangaan?