Dhacdadii Lagu weeraray Richard Burton iyo kooxdii la socotey 19th April 1855: Q.13aad (WQ: Khadar Jaambiir Egeh)

Afartii qoddob ee hesihiska:
!. Waxaa laaysku raacay oo aay odayaasha Beesha Habar Awal sexeex aay qalinka ku duugeen in aay damaanad qaadayaan markab ka socda Boqortooyada Ingiriiska ama sita calanka Boqortooyada Ingiriiska in uu nabad ku dhex mushaaxi doono deegaanada xeebta ah ee hoos-yimaada xukunka Beesha Habar Awal, gacantoodana aay uu la tagi doonaan cidii wax yeelo u geeysata maraakiibtaasi.

2. Waxa kale oo qoddobkan labaad cadaaynayaa in aay Beesha Habar Awal aay damaanad buuxda oo nabad galya ah siinaaysa markabkasta oo sita calanka Boqortooyada Ingiriisku in uu si xora oo nabad galyo ah uugu soo xidhan karo Dekada Berbera, ama Dekadaha kale oo hoos-yimaada awooda Beesha Habar Awal. Waxaa kale oo aay odayaasha Habar Awal muujiyeen haddii markab ganacsiya oo ku xardhan calanka Boqortooyada Ingiriiska in markabka iyo maalkiisaba uu nabad galyo buuxda ku joogayo Dekada Berbera, kana ganacsan karo deegaanka oo aan cidi dhici karin xoolaha saaran.

3. Dhanka kale waxa uu qoddobka saddexaad u balan qaadayaa Beesha Habar Awal in aay doonyaha ganacsigoogu uu si xora uugu soo xidhan karo Dekad ama Marso kasta oo hoos timaada maamulka Boqortooyada Ingiriiska, damaanad buuxda oo amnigooda iyo ganacsigoodaba ilaalinteeda aay Boqortooyada Ingiriisku damaanad qaadaayso. Loolana dhaqmaayo sida xamuulka bada ee maraakiibta ganacsiga ee Boqortooyada Ingiriiska.

4. Waxa aay saxeexeen odayaashii Beesha Habar Awal in aay bixiyaan qiimihii shixnadii laga bililiqaaystey markabka (Marry Ann). Waxa kale oo odayaashii Beesha Habar Awal laga saxeexay in aay magadhaw u siiyaan qoyaskii labadii nin ee shaqaalaha markabka ee aay waranlaaydoodu laayeen lacag dhan lix kun oo boond oo ginada isterlinka ah (Sterlin 6000) oo u dhiganta ( fifteen thousand Spanish Dollar).

Heshiiskan waxaa dhinaca Ingiriiska u saxxexay:
1. Captain J.J. Gordon Bremer, C.B
2. Xaaji Sharmaarke Cali Saalax (Markhaati)

La Soco Qormooyinka Dambe.
Diyaarintii:
Khadar Jaambiir Egeh