Dhacdadii Lagu weeraray Richard Burton iyo kooxdii la socotey 19th April 1855 Q.15aad (WQ: Khadar Jaambiir Egeh)

Waxa aay noogu dhaarteen in markab u sida sanaad mileteri in aay soo arkeen oo uu warkaasi aay sheegayaan aaney midh beena ku daraayn, socodkoodana aay marsada Siyaaro ka yimaadeen si aay war-sugan u helaan, waxaa kale oo aay raaciyeen in aay warka ku celin doonaan Beeshooda Habar Awal si talaabo ku haboon looga qaado duulaankaa Xaaji Sharmaarke iyo dimaca uu ku doonaayo in uu magaalada Berbera ku qabsado mar saddexaad.

Markii aay warka noo dhameeyeen ayaanu u soo dhignay raashin sooryo ah oo aanu rabney in aay nala wadaagaan. Balse waaynagu gacan-saydheen in aay raashinka nala wadaagaan,; markii aay diidmadaasi timid ayaan is-idhi malaha gaalada cad cad baay ka khashaafayaan in aay cunto la wadaagaan oo gooni baanu uugu gurnay, goonidiina waay diideen oo waxa aay ku xilo-fureen in aaney raashin aanu leenahay afka saaraayn. Markii aay naga tageen baan Balaayoyuus oo isagu Somaali ah weydiiyey waxa aay raashinkayaga ku diideen, inta uu waxoogaa iga aamusnaa oo uu dhulka hoos u eegay ayaa inta uu indho murugo leh igu soo eegay igu yidhe:- “Weerar baa inagu soo maqan goor aay noqotoba”, nimankana waxa aay cuntada in aay kula wadaagaan u diideen, waxaanay rabin in aad ceeshoow milix noqotaa, waayo hadday cunto kula wadaagaan hadana inagu soo duulaan ceeshkaa qabanaya, hase ahaatee ta qudha ee aan hubaa waxa aay tahay in uu weerar inagu soo maqan yahay beri aay noqotaba”.

Sannadaku iyo bishu waa (19th April 1855), goorsheegtuna aay ku beegan tahay inta u dhaxaaysa labadii ilaa saddexdii habeenimo. Subaxnimadani waxa aay ku beryi doontaa markuu mugdigu dumo maalin sabtiya, hase ahaatee anagu balaay baaydhba maanu odhan oo waxaa noo baryi doona maalin murugo leh oo aanu mudan doono qaar anaga naga mid ahi geeri, qaar kalana aay rafaad iyo dhaawacyo halisa aay la sii luudi doonaan. Horaase loo yidhi waa nin iyo waagii balse aaynu eegno uuraaysateye waxa aay umuli doonto:-

Richard Burton oo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi: “Waxaan ku jirey hurdo dheer, balse waxaan ku anbabarey markii aan maqlay qaaylo dheer oo ka soo baxaaysa jihada ku toosan taanbuuga aan deganaa afaafkiisa hore. Codkaa qaaylada dheer kaga wadhay muu ahaayn cod igu qariiba oo si fiican baan u gartey inuu ahaa saaxiibkayo “Balaayoyuus” oo ku muusanaabaya, waar meesha ka toosa hurdadiin kala dhacdaye colbaa inagu haabsadee yaan jiifka la inoogu imane dagaalama oo raga iska dhiciya, waar raga iska dhiciya!! Diyaar garawgayagu waxa uu ahaa sidaan horeba idiinku soo sheegay mid iska anbabara oo aan xeeladaaysnaayn marka laga raacayo hab u dhaqaanka dagaal ee miletari.

Waxaa nagu dulhaabsadey ciidan waranleey iyo fardoolay ka kooban oo waxaay nala jiidheen qoobka fardaha. Waxaanu maqlaaynay abaanduulaha colkan nagaley oo la yidhaahdo Aw Cali Dheere in uu ciidamadiisa oo uu qaaybo gaara u kala qaaybiyey in uu taliyaashooda la hadlaayey oo uu lahaa inaga adkeeya agaa iyo kooxdii halkaa ka dagaalamaysa waa lala soo kacaye xoojin ku sameeya oo taakulada u badiya.

Waxa aay ahaayd habeen mugdi badan oo jahowareer baay na galiyeen, jiha noo banaanina maay jirin oo jiha kasta waay-naga soo galeen. Tiradoodu waxa aay dhamaayd saddex boqol iyo kontan waranleeya oo ku gaashaaman hubkoodii oo dhamaaysa, fardo badana wata. Waxaanay markii uugu horaaysayba inta aaney weerarka gelin naga soo oodeen jidkasta oo aay islahaayeen waay ku baxsan doonaan, meelkastana waxa aay noo dhigeen raadco reeb aan bixinaayn midkayagii fakada.

Markii uu weerarka kooxdan duufaan nagu dulhaabsadey waxaan haabhaabtey qorigaaygii oo i barbar yaaley, waxaanan dibada uuga booday taandhadaadydii si aan u soo hubiyo saaxiibadaaydii kale ee aanu wada soconay oo aay taandhooyinkoodu iga xigeen xaga bidixeed, goobtaasi aay taandhooyinkoodu ku yaalaan oo ahaayd goobta uu ka dhacay weerarka uugu culusi. Ciidamadayadii aanu wadanay mugdiga ayaay ka dhex dagaalamayaan, balse rasaastaay ridayeen waxba waay naga caabiyi waaydey oo fardaha cadowga ayaa qoobka marayiye oo maddaxa iskaga wada taagay.

La Soco Qaybta Dambe.
Diyaarintii:
Khadar Jaambiir Egeh