Dhacdadii Shabeelka iyo Aw Ibraahim Tukaale: 1912 kii Q.7aad (WQ: Khadar Jaambiir Egeh)

Cabdilaahi Xirsi markii uu yimid Arabsiyo oo u badan kaam tukaano iyo makhaayado ka samaaysan xaayndaabka geedka xaayramadka ah laamihiisa iyo guri-soomali hoostiisa wax lagu iibiyo ayuu Cabdilaahi Xirsi daartii uugu horaaysey oo laban ka samaaysan. Daartaasi oo ahaayd bakhaar hangara oo ka koobnaayd Tukaayn weyn iyo Makhaayad laga cunteeyo, waxaanu ahaa injineerka u sameeyey nin farsamoyaqaana oo Caraba, kaas oo uu Bulxaar ka soo kaxaaystey. Dhismahaasina waxaa la yagleelay sannadkii 1893 kii; halkaasi oo uu ka sameeyay tukaan weyn iyo bakhaar iyo maqaaxi weyn oo shaqeeya xilli kasta gu’u iyo jiilaalba ha noqotee.

Magaalada Arabsiyo waxa aay waagaas iyo in ka horeeyayba ahaayd kaam aay deganaayeen culimo badan oo waxaa ka samaaysnaa jameeco weyn oo la mid ahaayd tii sheekh madar ee Hargeysa ku taalay, dooxuna waxa uu ahaa durdur socda gu’u iyo jiilaal mid aay biyihiisu ilbaha kuu joogsanayaan. Waxa aay ahaayd deegaan camiran oo u badan guriyihii dasooyinka ahaa, hoostoodana tukaamo badeecadaha lagu iibiyo. Xirsi Rooble oo ka waramaaya dooxan Arabsiyo sida uu ahaan jirey waxa uu ku sheegay in uu dooxan ahaa laag yar oo markaay xoolaha waraabinayaan uu maroodigu dhinaca kale isagoo raxan raxan u socda ka soo galo in aay dadku dibada uuga bixi jireen oo aay ka yaaci jireen.

Xirsi Rooble, xilligaa uu laagta yar ku sheegaayo dooxan balaadhay imika ee aad aragtaan waxa aay taariikhdaasi noqonaysaa 1896 kii. Xirsi Rooble waxa uu ahaa nin soo jireena oo wax badan u soo joogay, waxa uu Magaalada New-York ee cariga maraaykanka uu galey siduu sheegay 1919, waxaanay shirkadii xadiidka birta shubi jirtey aay ka wada shaqaayn (Bethlehem Steel Company) oo ku taalay Bufflo New-York Carte Qaalib oo ahaa Cumar Carte aabihii. Markaasi waxa uu sheegay Xirsi Rooble in aay magaalada Arabsiyo ahaayd kaam u badan suuqyo xaayramada ka samaaysan, dhismaha qudha ee daarta ka taagan uu yahay meheradaa Cabdilaahi Xirsi.

Xirsi Rooble waxa uu ka sheekayn jirey in axdigaasi uu in aay magaalada Arabsiyo huru xuni aay ku hayeen bahalada dadka cuno, sida libaaxa, shabeelka oo habeen kasta aad maqlaaysey qaaylo dhaan yeedhaaysa oo odhanaaysa”Waar reer hebel buu qof ka qaatey Libaaxiiye ka ridaay!! Ka ridaay!!.

Xirsi Rooble mar uu ka hadlaayey goorta uu dadku beeralaayda noqdey waxa uu sheegay in aaney wax beeri ahi aaney jirey deegaanka Arabsiyo oo uu dadku u badnaa xoolo dhaqato reer guuraaya marka laga tag waxoogaa beero hadhuudha oo uu fikirkooda Sheekh Madar kala yimid Harar oo uu xirtiisa uuga sameeyay Hargeysa mooyaane xilligaasi iyo xilligii uu ka taacabiri doono uu ku beegnaayd sannadii 1917 aaney jirin wax beer la yidhaahdaa iyo cid qoddatba, dadkuna waxa aay ahaayeen kuwo ku nool cad iyo caano.

Xirsi Rooble iyo axdigaa uu ka sheekaaynayey waxa uu ku tilmaamay xilli habeenba hadduu galo oo aay mugdi noqotoba aay bahalada dad qaadka ahi aay isa safijireen badhanka dooxa Arabsiyo iyo gebiga hoostiisa ilaa agagaarka beertii Aw Gaab Digaale. Waxa uu Xirsi ka waramay dugaaga dad iyo xoolaba halakeeyay ee dooxan Arabsiyo saqaafaaya in geela habeenkii markuu soo xeroodo xerada dhexdeeda lagu dhex dabri jirey waayo dayaanka gurxanka Libaaxa cartamaya ayaa looga biqi jirey in uu geelu ooda jabsado oo uu dibada uugu daato xerada markuu dido. Waxa kale oo uu sheegay xilli dad Butiyo noqdey oo dhiiga bila aadanka ku walfay in uu malkada ceelkan Arabsiyo soo maray, kuwaas oo mar uun ku diiranaaya oo aad lafo cad cad noqonaysid aay deegaanka Arabsiyo iyo dooxan ku bateen.

Sida laga soo wariyey Aw Ibrahim Tukaale (Ibraahim Taagweyne) habeen habeenada ku mid ah degalka aay deganaayeen ama qormada reerkoodu halkuu ahaa ayaa waxa dhacay habeen in aay Buti la odhan jirey Xuubsato goor saqdhexe ah oo uu habeenku kala badhmay in aay Butidaasi Xuubsato la odhan jirey aay iska soo dhigtey islaan la garanaayo oo la yidhaahdo Ardo. Waxa aay Butidii (Xuubsato) isa soo horjoogtey afaafka hore ee Aqal Soomaaligii Xadi Rooble; iyadoo Butidii codkii Ardo oo reerka laga garanaayo iska dhigaysa waxa aay tidhi Butidii Xuubsato inta aay kor u dhawaaqdey: “Xadi Rooblow bal xilliga uu Odaygii Ducaale dibada ii soo tuuray eeg, ma xilli dibada laaysku tuura, bal soo bax oo kalay Odayga iga ergee oo ku dheh qof islaama hadaad tahay dumarka xilligan dibada looma saaree shaaydaanka iska naar oo Afada dibada aay bahalada dad qaadka ahi sunsumayaan ha u loogine ka soo xeree”.

La Soco Qormooyinka Dambe.
Diyaarintii:

Khadar Jaambiir Egeh