Dhacdadii Xalay: Sixir Kumeelgaadh ah oo Moobilkaygii La igaga Xaday! (WQ: Cabdirasaaq Sandheere)

Xalay Maqrib ka dib ayaan xaafadda ka baxay. Suuqa ayaan u socday, waxa aan la ballansanaa Saaxiibkey Abuubakar Duceysane oo aanan muddo is arag. Laamayda Xaafadaha Saanbeeriya dhinac marta ee Suuqa tagta ayaan ku dhacay. In yar markii aan socday ayaa waxa ila hadashay gabadh niqaaman oo Waddada dhinaceeda taagan. ‘ Inankoow’ ayay tidhi. ‘ Hee’ ayaan idhi. ‘ Telefoonka ii dhiib qof baan garaacayaaye/wacayaaye’ ayay tidhi. Waa gabadh hawli ka xannibantaye telefoonka ku caawi oo u dhiib baan isku qanciyay. Intaan Lanbarkii Sirta uga furay ayaan ‘ Hoo Walaal garaaco’ idhi. Markii aan u sii dhiibayay ayay faraheegu isoo gaadheen. Qiyaastii sixirbay igu tallaashay. In yar ayaan ka dhawr tallaabo uga dhaqaaqay, si aan loo shikin maadaama shaaric ahayd, anna aan khamiis xidhnaa.

Markii ayaa iigu danbay telefoonkii. Aniga oo meel halkii waxoogaa u jirta jooga oo ka durugsan ayaan baan isdareemay. ‘ Maxaa dhacay’ ayaan iswayddiiyay?’ Wax muddadaa Telefoonka la igala socday igu dhacay waan soo saari waayay. Jeebka ayaan gacanta galiyay si aan Telefoonkii uga eego! Markii aan muddo ka dib caadiga noqday ayaan dareemay inaan gabadh niqaaman u dhiibay!

Alle, ayaa mahadle aan waxba igu yeelin waxaa sixirka u eeg ee naagtu ii dhigtay! Muddo daqiiqado kooban ah ka dib caadi baan noqday sidaydii. Waxa werwer badan igu abuuray Telefoonka oo laba Card oo Midi yahay MasterCard, ka kalana yahay ID-gii Jaamacadda ay dhinaca dhabarka kaga jireen. Sidoo kale, Kumannaan sawir iigu jireen! Waxa intaaba igaga daran xogo badan oo aanan dhayal ku illaawayn ayaa iigu jiray!

Caawinta qofka aanad garanayn ee kaalmo kaaga baahda dadka ugu horreeya ee u ololeeya ayaan ahaa! Haddana waan qabaa, walow gabadh Walaashay oo kale oo hawli ka xannibantahay markii aan caawiyay ay sidaa fooshaxun yeeshay. Arrimaha noocan ahi waa kuwo qofka SAAMAYNTA laxaaadka leh ku yeesha ee dadka oo dhan cadaw uga dhigay! Tusaale ahaan, haddii gabadh uu wiil kalideed wax yeelo oo wuxuun u gaysto sida badan cuqdad bay qaaddaa oo RAGGA oo dhan sidii ninkii waxyeelay ayay mooddaaa. Anigu arrintaa ma qabo, gabdhaha kale oo dhami waa GOB intii GUN iska dhigta mooyee! Sida tan I heshay ee WEJI qof caawimo raba iila timid, haddana anigii I shirqooshay ee hantidaydii dhacday! Gabadha haddii uu Telefoonka damac ka hayay waaban siin lahaa. May aayar ‘ Walaal Sandheeroow isii’ tidhaahdo. Taasaa dhaantay habaarqabtadu intay xogo badan naga luminayso.

Walow Telefoonka, iyo dhammaan wixii iigu jiray aan aad uga werwersanahay, haddana kun jeer ayaan Alle ku mahadiyaa Shirqoolkaa la ii dhigay ee aanan waxba ku noqon. Iyada waan u duceynayaa oo tuugannimada iyo shirqoolkeeda faraj ay kaga joogsado telefoonkeygaasi ha u noqdo.