Ugu horta dhalin’yartu waa hogaamiyaha bulshadani hibanayso iyo halyeyga dalkani u baahi qabo, muhiimad xoogan bay u tahay dal walba inuu yeesho da’yar fagaaraha siyaasada ka muuqda, qaybna ka ahaada masiirka ummadooda
Dhalinyadu waa halbawlaha iyo hanaqaadka ummad walba oo bulshooyinka aadanaha ka mid ah, masiirka iyo meel marka bulsho tanaaday waxaa tiir dhaxaad u ah dhalinyaradood samataliska ah, haldoorkii hilaabtay ee halganka aynu hadhsanayno hiigsigiisa dhaliyay waxay ahaayeen dhaliyaro dareenka masuuliyadnimo damqayo, Halganka.
Waxa qiraal ah in bulsho walba oo aduunka ka jirta mustaqbalka ay leeyihiin uu yahay dhalinyartodad togan, inta badan waxa lagu sifeeyaa “ madaxda berri” sida aan ka maqalnay waqtiyo badan siyaasiinteena si ay ugu juxaansadaan goobaha ay dhalinyarda kula kulmaan, dhadhansiga dhawaaqa erygani waa mid aan ku duxin dareenna ku samayn dhalinyarteena waqtiga dhallinyaranimo balse ay gole kaga kac iyo afgobaadsi siyaasi u fahmaan.
Dhallintu waa muraayada iyo masiirka bulsho, waxa muhiim ah inaad dareento rajada ummada soomaaliyeed naawilayso inay tahay dhalin’yarta caqliga, cududa iyo cilmiga leh ee waqtigan nool.
Waa Maxay Doorka Dhalinyarta ee Siyaasadda?
Tamarta ugu badan ee dalkeena waa dhalin’yar aqoon iyo aragti togan leh , ka qayb qaadashada hogaanka dalka iyo fagaarayaasha siyaasadu waa tan keliya ee dhalin karta is bedel quman iyada oo ay jiraan fursado dhaqaale, aqooneed iyo xurriyadeed. Marka loo eego dhalin’yartii ku dayashada mudnayd ee duruufaha iyo duur galka is bedelada ku keenay.
In dhalin’yartu kaalin ku lahaato siyaasadda waxay dar dargelin kartaa hanaanka maamulka iyo hammiga bulsho ee aan ku taamayno.
Horumarka nolosha awgeed, kaalinta dowladda iyo siyaasaduba ay ku leeyihiin nolosha qofka iyo bulshadaba waa mid aad u weyn, waxaa kordhay ku tiirsanaanta dowladda maadaama ay maamusho gacantana ku hayso waxbarashada mas’uulna ay ka tahay nabad galyada iyo amniga bulshada, sidoo kalena ay maareyso arimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ayna go’aaminayso xiriirka ay ummaddu la leedahay umadaha kale hadii ay ahaan lahayd xaalad dagaal iyo mid nabad galyoba.
Intaas aan soo sheegay oo idil waxaa laga dheehanayaa in masiirka qofku uu ku xiranyahay kuna gawracanyahay dowladda, sidaas darteed waxaa habboon in qofka dhalinyarada ah uu u dhug lahaado siyaasadda uuna xaqiijiyo himilada naftiisa ee ku aaddan hoggaaminta bulshadiisa.
Dhalin’yartu waxay leeyihiin awoodo badan oo ka caawinaya inay sida ugu wanaagsan u hoggaamiyaan dalkooda ugana qaybqataan siyaasadda, hadii aan isku dayo inaan wax ka sheego fursadaha ay haystaan waxaan kusoo koobi karaa:
1:Waxay leeyihiin awood jir ahaaneed iyo mid naf ahaaneed taasoo u fududeynaysa inay gali karaan loolan iyo adkaysi fara badan.
2:Siyaassaddu waxay keensanaysaa in lala shaqeeyo lagana dhex shaqeeyo kooxo iyo ururo kala gadisan, xiligaas ay marayaan awgeed dhalinyaradu waxay aad u jecelyiihiin inay ku shaqeeyeen kooxo kooxo iyo isbahaysi.
3:Dhalintu waxay jecelyihiin inay la jaanqaadaan horumarka iyo isbadalka dunida gaar ahaan teknooloojiyadda iyo cilmigaba, taasina waxay u suurto galinaysaa inuu noqdo qof wacyi leh kana war qaba waxa ku hareeraysan indhahna kala haya.
4:Qabka iyo xamaasadda ku jira dhalinyarada waxay horseedayaan in meeshii ay galaanba ay ka miro dhaliyaan kana muuqdaan, taasna waxay sababaysaa kororka iyo horumarka shaqada.
Ugu danbaytiina aan tixo ka mida sugaantii samataliska ahayd ee halgamaagii hal buurka somalida Xaaji Aadam Afqalooc uu ku tibaaxayay miisaanka dhalinyarda iyo mudnaanta ay bulshada ku leeyihiin.
“Hadduu geed engego xaabadaa laga idlaystaaye;
Mid yar oo iniintiisa ahbaa soo awaal baxa e;
Isagaa anfaaciga hadhkiyo oodda kaafiya e;
Dadkana odaygu goortuu ka baxo iyo islaantiisu;
Ubadkooda hadhabaa tabcoo aayatiin hela e;’’
Hagar laawe Xaaji aadan wuxu qarni ka hor u qareemay qiimaha dhalinyarda iyo qaybtooda bulsho,dhiiri gelin iyo dhawaaq xoogan ayuu meertada bulsho ugu tiraabay sida suugaantiisa ka muuqata.
W/Q:Amiin Abdirashid Abdi
amiin2961@gmail.com
Wabilaahitawfiiq.