Dhallinyarada iyo Diinta (WT: Cabdilaahi Beershiya)

Dhallinyarada iyo Diinta

Inta badan dhallinyaradaa aqoonta baratay ee wacyigoodu sarreeyo waxa ay ka sii durkayaan diinta. sidee ayaanay uga sii durkayn; waxa iyaga iyo Ilaahay ku dhex jira boqalaal sheekh iyo boqolaal cumaammadood oo diintii wanaagsanayd ka caydhiyey.

Sidee ayaanay diinta uga cararayn; markii muuqaallada in lagu dedaalaa ay dul mareen raxmaddii iyo rooxaaniyaadkii. Maxay uga carari waayeen markii u wacdigii diiniga ahaa noqday keliya mid ka warrama naarta oo ilooba naxariista iyo jannada. Maxay manhaj kale u doonan waayeen markay waayeen cid uga jawaabta su’aalaha ay qabaan. Maxay ugu dheeldheeli waayeen markii ay arkeen wixii diintu ay xaaraantinimaysay oo awoodda maamul ay xalaalaynayso.

Maxay diinta u nici waayeen markay arkeen culimada oo ag taagan dulmiga madaxda, qiil u raadinaya iyo culimadii rasmiga ahaa oo jeelasha ku dhex madhay.

Markii aan intaa arkay waxa aan dhallinyarada leeyahay:

Diinta Ilaahay waxay la falgashaa abuurka qofka, caqligu su’aalaha u keenana way ka jawabaysaa, islaamka waxayaallaha u xagga hore soo mariyey waxa ka mid ah xikmadda caqliga iyo runnimada qalbiga. Nebiga NNKH, ayaa yidhi, “Ilaahay ma eego jidhkiina iyo muuqaaladiina, laakiin wuxuu eega qalbigiina.”

Waxyaallaha xaaraanta ah way kooban yihiin ee ha dhegeysanina cidda isku deyeysa inay ku daboosho inta badan ee xalasha ah. Ma jirto su’aal xaaraan ahi, is weydiiya waxa aad doontaan waxa aad heli doontaan jawaab idin qancisa.

Ruuxda ayaa ka muhiimsan jidhka. Cibaadada qalbiga ayaa ka muhiimsan cibaadada xubnaha. Naxariista Ilaahayna way ballaadhan tahay. Diinta Ilaahay way wanaagsan tahay oo way qurux badan tahay ee ha ka didina idinka oo cid gaar ah uga yaacay.

W/Q: Dr. Daariq Suweydaan

W/T: Sh. Cabdilaahi Beershiya