Dhallinyaro hannaan cajiib ah u xustay jacaylka ay u qabaan hooyadood!

Dhallinyaro isugu jira gabdho iyo wiilal ayaa soo saaray barnaamij muuqaal ah oo ay ku xusayaan jacaylka ay u qabaan hooyadood, kaas oo si weyn loo daawaday laguna wadaagay barta Facebook-ga.

Qof kasta oo dhallintan ka mid ahi wuxu telefoon lama filaan ah u dirayaa hooyadii, wuxuna furayaa telefoonka sameecadda si ay dadka kalena u maqlaan. Weedha ugu muhiimsan ee uu ku odhanayaana waa “Hooyo waan ku jecelahay.”

Hooyooyinkii telefoonnadan helay intooda badan waxa ka muuqata in ay aad ugu farxeen laakiin ay fahmi kari waayeen ujeeddada. “Hooyo waad mahadsan tahaye maanta maxaa jira…hooyo maxaa soo kordhay ii sheeg…”  Hase ahaatee wiilasha iyo gabdhaha telefoonnada dirayey hadalkooda waxay ku soo koobayeen “hooyo waxba ma jiraan. Kaliya waxan kuu sheegayay uun in aan ku jecelahay!”

Muuqaalkan sida muuqata waxa soo saartay shirkadda Izone Production. In kasta oo aan toos loogu xusin haddana waxay u eg tahay in loogu talo galay xuska Maalinta Hooyada oo ku beegnayd Axaddii 12kii May.

Hoos ka daawo muuqaalka oo dhammaystiran.