Dhaqaalaha gar-gaarka bani-aadantinimo ee soomaaliya : sannadkan 2018 (WT: Cabdiraxmaan Axmed suleymaan)

 

Si guud, xaaladda cunnada ee soomaaliya waxay u muuqataa mid kor-u-kac samaysay, waxaana sabab u ah roobabkii guga ee da’ay intii u dhaxaysay Abriil illaa Juun ee sannadkan iyo dhaqaalaha gurmadka bini-adantimada ee ururada caalamiga ahi bixiyaan oo noqday mid si joogto ah wax loogu qabto.

Sidaa si lamida, heerka nafaqada ee dadka soomalidu wuxu sameeyay kor-u-kac, inkasta oo kor-u-kacaasi uu yahay mid xaddidan. Marka laga yimaado horumarkaasi, heerka u nuglaanshaha xannuunadu wali waa mid si joogto ah u sarreeya . Waxa lagu qiyaasay 4.6 milyan oo qof in ay kujiraan xaalad gurmad, 1.5 milyan kamid ahina ay ku jiraan xiisad gurmad oo deg-deg ah.

294,000 oo caruur ahina waxay kujiraan xaalad nafaqo darro, 55,000 oo kamid ahna aykusii jiraan xaalad nafaqo darro oo aad u il-daran. Sidoo kale, khatarta loogu jiro in uu dillaaco xanuun wali waa mid taagan, inkasta oo dadaallada loogu jiro ka hortagga xanuunadu ay kordheen wadanka oo dhan, waxana dabada ka riixayay korodhkaasi dagaallada taagan, abaaraha soo noqnoqday, fatahaadaha xilliyada roobabka iyo isku socodka barakayaasha.  Sidaa darted, waxa loo baahanyahay in la joogteeyo isla markaana la kordhiyo kaalmada bini-aadantinimada si looga hor-tago burburka cunto la’aanta iyo hoos u dhaca heer nafaqada.

Sibteember 2018, wadarta dhaqaalaha kaalmada bini-aadantinimada ee guud ahaan soomaaliya waxay gaadhay ku dhawaad 34 milyan oo doolar, dhaqaalahaasi wuxu daboolay illaa 76 mashruuc,  oo ah mashruucyo lagu badbaadinayo nolosha dadka.  22 milyan oo doolar oo kamida kharashaadkaasi waxay ahaayeen kuwo loo qoondeeyay in wax lagaga qabto fatahaadihii waawaynaa ee ka dhacay Gobollada Bay, Galgaduud, Hiiraan iyo shabeellada dhexe.  $12 milyan oo kalena waxa loo jaangooyay in wax lagaga qabto mashaariic isku dhaf ah waxaana ka mid ahaa bad-baadada caruurta iyo kor-u-qaadista aqoonta oo laga fuliyay goobihii fatahaaduhu ku dhufteen.  Halka 3.5 milyan doolar kalena loo qorsheeyay in wax lagaga qabto dufaantii SAQAR ee ku dhufatay Gobolka Awdal. Sidaa si lamida  7.5 milyan doolar waxay ku baxday wax ka qabashada abaarihii ku habsaday gobollada ay ka mid yihiin Bari, Nugaal, Sool iyo Sanaag. Inta soo hadhay oo ah 15.6 milyan Doolar oo u dhiganta 47 boqolkiiba (47%) waxay ku baxday taageero heer qaran ah oo loo fidiyey dawladaha dhexe ee waqooyi iyo koonfurba.

Si kastaba, dhaqaale kale ayaa loo baahanyahay si loo joogteeyo wax qabadka bilaha soo socda, isla markaana looga hortago sii xumaanshaha xaalada hadda taagan, kor-u-dhisna loogu sameeyo waxqabadkii 2017 iyo 2018.

Waxa turjumay : Cabdiraxmaan Axmed suleymaan.

E-mail : sulleiman.a.a@gmail.com.

Number : 0634541615.