Dhaqannada Bariga Eeshiya ka jira, gaar ahaan China, Japan iyo labada Kuuriya, waxaa ka mid ah in aanay ereyo ku cabbirin dareenka jacaylka, gaar ahaan dhinaca waalidka. W/Q:(kamal marjaan)

Taas macnaheedu ma’aha in aanay jeclayn, balse waxa ay ku cabbiraan macaamil iyo ishaarooyin, sida ixtiraam, booqasho iwm. Meelaha qaarkoodna liidnimo ayaaba loo yaqaannaa in aad tidhaahdo “Waan ku jecelahay”, ama qofka aad ku tidhi waxa uu moodayaa in geeridaadii soo dhowaatay oo aad sii sagootiyeyso.

Cilmibaadhis arrintan la xidhiidha oo ay sameeyeen xeeldheereyaal uu hormuud u ahaa Dr. Arthur Aron oo ku xeeldheer culuumta maskaxda, iyo raadka ay ku leedahay habdhaqanka iyo sababaynta. Waxa ay ogaadeen qaabka shaqo ee maskaxda qofka Shiinaha ah lagu arko marka dareen jacayl ay qaaddo, in ay ka duwan tahay qaabka shaqo ee maskaxda qofka Maraykanka ah, xaaladda jacaylka. Taasina ay tahay sababaha ay u kala duwanaanayaan qaabka ay u cabbirayaan dareenkaas.

Waxaa la aaminsanyahay in sababaha caadadani ku timi ay ka mid yihiin, dhaqanka korinta ubadka iyo macaamilka qoys ee bulshooyinkaas. waxaa xoogga la saaro shaqada iyo higsiga guusha, waxaana maskaxda ilmaha laga fogeeyaa dareen kasta oo muujinaya dabacsanaan iyo calool jileec.
Waxaa intaas u raaca bulshooyinka dalalkaas oo sidoodaba caan ku ah khajilaad badan iyo gooni socodnimo, taas oo la aaminsan yahay inay ka mid tahay sababaha ka hor istaagay in ay cabbiri karaan dareenkooda jacayl.

Majaajilaystaha Jimmy O. Yang oo ah Maraykan ka soo jeeda Hongkong, isaga oo ka warramayey sheeko ka qabsatay dhaqankaas dadkiisa, waxa uu sheegay mar uu hooyadii talefanka kala hadlayey oo uu ku yidhi, “Waan ku jecelahay Hooyo” in markiiba uu talefanka ka maqlay oohinta hooyadii, waxa ay ku tidhi, “Ax, Jimmy, ma kansar baa kugu dhacay?!”
Waxa ay u qaadatay in uu sagootinayo.

Jimmy waxa uu sheegay, in dareenka jacayl qaabka ay u muujiyaan aanay ahayn ereyo, balse ay tahay ficil, “Haddaan ayeeyaday booqdo, si qallalan ayaan gacanta uga salaamayaa, ‘Ma naqaan in aannu hab isa siinno” ayuu yidhi.

#Aragti – Sidee ay Dhaqankaas iyo hab korintaas ubadku, adiga kuula muuqdaan?

 

 

 

 

Xigasho:Kamal marjaan

bandhige@gmail.com