Dharaaro Xusuustood, Q. 41aad (W.Q. Maxamed Siciid Gees)

“Reer degayana tis ood ah ayaa loo ritaa, dad is-hayana hadal ayaa lagu darsadaa”

Odhaah Somaaliyeed

Waddamada dimuqraadiyadda sheegta ee ku dhaqma habka doorashooyinka ee xukunka dalka lagu kaltamo ee codka dadweynaha lagu kala guulaysto, waxay leeyihiin xeer doorashooyin oo tafatiran oo loo raaco habka doorashada ee golayaasha qaranka oo dhan.

Iyada oo halkaas laga ambaqaadayo ayaa xukuumadii Cigaal u gudbisay xeerka doorashooyinka qaranka oo ka koobnaa doorashada golayaasha degaamada, golayaasha wakiilada iyo guurtida iyo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo isku dhan sannadkii 1999 horaantiisii golaha wakiilada, si loo  ansixiyo marka laga doodo sida Dastuurku dhigayo.

Waxa soo habeeyay xeerkaasi guddi golaha wasiirada ka koobnaa oo uu guddoomiye u ahaa Cumar Nimcaalee(Cumar-yare) oo Wasiirka Arrimaha Gudaha waqtigaas  . Guddiga oo kaashaday garyaqaan  Marxuun Faysal Xaaji jaamac oo mar dambe noqday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare. Marxuunkaasi waxa uu ka mid ahaa guddigii isku-shandhaynta labada nuqul ee dastuur uu u xilsaaray Shirweynihii  Qaranku  ee 1996-97. Marxuunkaas oo dastuurka jira ee aftida loogu codeeyey gacanta weyn ku lahaa.

Sannadkii 2001 dabayaaqadiisii markii aftida dastuurku qabsoontay ee la ansixiyey, ayaa Golaha Wakiiladu  guda- galeen doodda Xeerka Doorashooyinka Qaranka oo is huwan. Ayaan daro waxa markiiba muran ka bilaabmay qaybtii ku saabsanayd Golaha Wakiilada oo saami  qaybsiga kuraasida golaha ee lixda gobol ee somaliland oo  hore u ahaa lixdii  degmo ee maxmiyadddii Somaliland ee Dawladda  Boqortooyada Midawday ( United Kingdom Uk ) ay maamuli jirtay. Kuwaas oo kala ahaa  Boorama, Hargeysa , Berbera , Burco, Laascaanod , Iyo Ceerigaabo.

Waxa soo jeedintu ahayd in lagu dhaqmo saami-qaybsigii 1960. Arrintaas ayaa xildhibaanadii Boorama ka boodeen. Waxa ku soo biiray kuwa kale oo ka soo jeeda Hargeysa. Halkaas oo arrintu marayso ayaa Marxuun Cigaal socdaal ugu baxay ilaa Ceerigaabo, isaga oo ku dhaarsan in uu kala diro Golaha Wakiilada. Intuu safarka ku maqnaa ayaa golihii ansixiyey qayb ka mid ah xeerkii oo ku saabsanayd Doorashada Golayaasha degaanka iyo Madaxweynaha.

Markii Marxuun Cigaal safarkii ka soo laabtay ayaa loo keenay qaybtii xeerka ee la ansixiyey taas ayaa hakisay go’aankii uu watay ee ahaa kala diridda Golaha Wakiilada oo uu dib u dhigtay. Isaga oo ku talagalay marka waqtigoodu dhammaado oo ahaa May 2002 in ay iska kala tagaan oo doorasho la qabto.

Tii Ilaahay ayaa ka soo horaysay oo geeridii ayaa ku timi madaxweynaha isla bishii Mey 3eedii.  Sidaaasi ayaa uu ku kala furfurmay xeerkii doorashooyinku cidina dib isuguma tolin dirqi ayaa 2005 xeer ku meel gaadh ah oo ilaa maxkamadda sare gaadhay ayaa lagu galay doorashadii Golaha Wakiilada.

Wataa  maantana uu  soo baxay murankii. Muddadaas 10-ka sanno ah ciddina iskama xilsaarin sidii loo maarayn lahaa murankan. Waxa jeebka loogu haystay waa yaab eh. Maxaa guddiga doorashooyinka, xukuumaddu, golayaashu, xisbiyado ay soo qaadiwaayeen waqtigaas dheer?

Bal adba, haddaan sacabka xeeladi ku jirin maxaa habeenkii loo tumaa ayaa la yidhi. Maxaa muranku u yimaadaa marka doorasho la damco in la qabto inta kale looga aamusan yahay. Sheeko somaliyeed oo male-awaal ah oo kaftan ah ayaa sheegaysa in gabadh gudniinkii dhaqankii fircooniga ee hore lagu sameeyey la aroosayo deeto gelmadii ayaa dhiciweyday iyada iyo saygeedii, sababo farsamo awgeed.

Islaantii ayaa lagu soo celiyey gabadhii tiroba laba jeer si ay wax u nefisiso. Islaantii waxay tiri markii labaad, war fidiya ayuunbaa la  leeyahay, ee ka kale jeeba ma la garanwaayey!! .  Tanaasila ayuunbaa la leeyahay  gobalada, ee maxaa xeerka loo jeexiwaayey, oo wax looga beddeliwaayey. Bal hadda dheeho soo-jeedintan akhriste!-

  1. Golaha wakiiladu  waa gole qaran ee  ma aha gole gobol, xeerka ay ansixiyaan waxa uu saameeyaa qaranka oo dhan ma aha mid gobol (Sida  dastuurku dhigayo weli waa maqan yihiin golayaashi gobaladu ay yeelan lahaayeen).
  2. Saddex xisbi ee qaranku waxay ku tartamaan 82 kursi ee golaha wakiilada . Sidaas darteed waxay soo gudbinayaan saddex liis oo min 82 musharax ah. Musharax kastaa calaamadiisii gaarka ama sumadii geelooda uu  leeyahay.
  3. Goobaha codaynta ee dalka oo dhan ayaa looga codaynayaa xisbiga iyo musharaxa.
  4. Tirada   guud ee codadka la codeeyey oo dhan ee doorashada  ayaa la isugeynayaa. Wadarta soo baxda  waxa loo qaybinayaa 82 kursi ee golaha wakiiladu ka kooban yahay. Waxa soo baxaya tirdada codadka ee kursigu ku fadhiyo.
  5. Tiradii codadka ee guud ahaan xisbi weliba helay ayaa loo qaybinayaa codadka uu ku fadhiyey kurisiga golaha wakiiladu. Waxa soo baxaya xisbi waliba inta uu ka  helay kuraasi  doorashada.
  6. Tirada kuraasida uu xisbigu ka helay 82 kursi ayaa gudahiisa lagu kala qaybsanayaa sida musharixiintiisu u kala codad badan yihiin sida haddaba lagu dhaqmo. Murankii kuraasidu waa kala codad badan yahiin iyo gobal hebel ayaa codad badan ayaa sidaas loogaga  baxayaa. Hayaanka loo hayaamo gobalada marka doorashada golaha wakiiladu dhacayso, waa laga raysanayaa, meeshii aad joogtid ayaad uga codayn karaysay musharaxii aad jeclayd. Waxa uun waajib ah inaad iska diiwaangelisid goobtaas aad ka codaynaysid.

“An ka raysto hawshii ma I raacday haaa …..ma  i raacday “’ Heesta Marxuun  Axmed Mooge. Marxuunku markii aanuu fasalka kowaad dugsiga Riis ku jirnay ayaa waxa uu qaadi jiray hees soodaani ah oo la odhan jiray “Adayr al-muhaajir”.. Shimbir hayaan.

W.Q. Maxamed Siciid Gees

La soco qaybaha dambe haddi Alle Yidhaahso.