Dhaweeye: hal-abuur lagu tanaaday (WQ: Khadar C. Badeed)

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

AKHYAAREEY … Nabad iyo Naxariis Eebbe.

Sooyaalka Somalida haddii dib loo raaco waxa lagu sheegay inay ahayd bulsho ay calaamad u tahay molol adkaan ay ku khasabtay deegaanka ay ku nooshaahay , in kasta oo aanu deegaanka somalidu isku hab-nololeed ahayn oo uu leeyahay xoolo-raacato , beeralay , kalluumaysato , macdanleey . Haddana Dhamaan waxay ka simantahay in aanay moloshoodu kaaftoon ahaan jirin dhigaal hakuu danbeeyee . Iyada oo ay sidaa tahay waxa baal socotay in ay ahaayeen dad karti feker iyo hal-abuur leh oo noloshooda hab wanaagsan oo maankooda kasoo go,ay u maareeya . Intii danbe ee la reer-magaaloobay waxa hoos u dhacay garaadkii isku fillaanshaha , waxa inna asqeeyay ilbaxnimo lasoo waariday oo aynu xagga danbe kaga nimi oo teenniina  innaga kaxaysay toodiina innagu darin , waxa innagu batay hadalka iyo faallada waxana si wayn hoos ugu dhacay hal-abuurka iyo in aynu nolosha wax kusoo darno dhaqan se inoomay ahayn.

Intaasi waa intaasi Inkastoo aanan dhaqaale yaqaan ahayn haddana waxa marag ma doon ah in beryahan danbe ay ganacsatadeena dhaqan caan baxay u ahayd saddex ceebood oo aan kala dhicin:

1 – in ay macaash iyo hanti ka sameeyaan soo dejinta badeecadda iyagoon hoos u eegin waxa dalka yaal ee ay maal-gashan karaan , wax waxtarkoodu ballaadhana ka samayn karaan.

2 – isku dayasho xad fool xumo ah gaadhay oo ganacsaduhu eeganaayo : hebel muxuu sameeyay iyo hebel muxuu keenay.

3 – ganacsiga dalka badankiisu waa hanti-goosi ay ku yartahay wada lahaanshuhu waxaanuu macaashsiiyaa hal ama koox kooban , waxaana qadoodi ku dhawaad ku jira inta ku hareeraysan.

Laakiin waxa jira dad tiro yar oo iyagu jidkaa ka leexday oò ku guulaystay inay sameeyaan wax ka duwan wixii hore loo hayay , waxana ka mid ah hantiilayaasha adeegga DHAWEEYE oo ku guulaystay inay keenaan feker ay iyana ku macaashaan dad badan oo kalena ku macaashsiiyaan .

DHAWEEYE waa mashruuc la wada maqlay dadka intiisa badanina adeegsadeen , waa hal-abuur xaggeena ku cusub wax tar wayna yeeshay , aniga qoqol joog ayaan ahayoo aduunka aad uma marin waana laga yaabaa in qorshahani ka jiro .

Waxa lay sheegay dadka fekraddan qarxiyay inayvyihiin dhallin aan da,doodu fogaan , iyana waa guul kale iyo rajo nololeed oo ummaddan caddiban usoo korodhay .

maadaama ay mudantahay qofka wanaag sameeya in layidhaahdo waad mahadsantahay waxa aan damcay – anigoo idinkana idinka wakiil ah –  inaan idhaahdo : reer Dhaweeyow WAAD MAHADSANTIHIIN  وجزاكم الله خيرا .

Intaas waxa ii raaca : waxa si gaar ah iisoo jiitay ee mashruucan aan ku baarigay:

1 – waxa mashruucani si toos ah u caawiyay qoysas badan oo laga yaabo inay ku adkayd noloshu , waxa ay shaqo geliyeen boqolaal gaadhi oo suuqa isku cidhiidhyay waxa ay ka qaadaanna iska yarayd.

2 – waxa ay inoo bilaabeen qorshaha ila shaqayso oo aan wada macaashno , lagana yaabaa in ninka gaadhiga wataa ka faaiido badanyahay dhallinta mashruucan hindistay ,  waxay meesha ka saareen ii shaqee  oo manfaca shaqadana hal dhinac ha isku qaato.

3- maadaama ay u dhexeeyaan tagsiga iyo macmiilka waxa ay wax ka qabteen xaalado amaan xumo oo laga sheegay tagaasida dadka gurta , gaar ahaan haweenka kiraysta xilliyada habeenkii.

4 – arrinka cajaaibka ahi waxa uu yahay in ay si dadban ula dagaallameen balwadda iyo maandooriyaha , waxa ay shardi uga dhigeen ragga la shaqaysanaya DHAWEEYE in aanay balwad lahayn ama ugu yaraan aan gaariga lagu dhex arag.

5 – arrinka isna innagu cusubi waxa uu yahay in qofka macmiilka ah laftiisu kaalin ku leeyahay shaqadan oo uu si toos ah talo uga dhiiban karo , cidda uu amaano waxa la siinayaa darajo ka sarraysa kan aanu macmiilku amaanin .

U danbayn anigu isma naqaanno dhallinta uu hindisahani maskaxdooda kasoo maaxday , iyaguna iima ay diran in aan u xayaysiiyo ee dad allow taana ogaada .

 

KHADAR C BADEED

HARGAYSA

19/12/2019