Dhibaatada ku hesha u beddel fursad aad wax ka barato Q.2aad (WQ: Kamaal Axmed Cali)

Waa qaybtii labaad ee qisada saynisyahankii weynaa ee Louis Pasteur oo dadaallada uu ka gaadhay horumarinta cilmiga difaaca jidhka iyo helitaanka dawooyinka ka sokoow aynu si gaar ah uga warannay sida dhimashadii carruurtiisa oo saddex ahayd ay ugu dhiirrisay in uu hal abuuro tallaalka xanuunka dilay oo โ€˜Typhoidโ€™ ahaa.

Louis intii uu jaamacaddaas macallinka ka ahaa waxa uu guursaday Maria Lauran oo uu dhalay guddoomiyaha jaamacaddu. Waxa aanay dhaleen shan carruur ah.

Shanta carruur ah saddex ka mid ah ayaa uu dilay xanuunka Tayfoodhka (Typhoid) loo yaqaanno. Dhimashada carruruta arrinta kaga xanuunka badnayd waxa ay ahayd in xanuunkan aan waqtigaas loo hayn wax dawo ah oo lagula tacaalo dadka uu ku dhaco. Isla markaana aanay jirin tallaalo lagaga hortegi karaa. Xaaladdaasi waxa ay Louis ku dhiirrigelisay goโ€™aan ah in uu baadhis cilmiya ku sameeyo xanuunkan iyo siyaabaha dadka looga badbaadin karo. Laakiin aanu xanuunkan ku koobnaan ee sida oo kale uu baadho guud ahaan habka uu jidhka aadamuhu isaga difaaci karo fayraska, bakteeriyada iyo jeermiyada.

Toddobaatanaadkii qarnigii 19naad ayaa uu Louis Pasteur ku guulaysatay aragtidiisii salka u noqotay cilmibaadhisaha lagu ogaaday tallaalo kala duwan. Inkasta oo ay saynisyahanno badani ka hor yimaaddeen, isla markaana hayโ€™adda caafimaadka ee dawladda Faransiisku ku qanci weyday. Haddana Louis Pasteur waxa uu ku adkaystay kuna guulaystay in uu horumariyo nidaam guud ee tallaal, kaas oo ka qaybqaatay aasaaska cilmiga iska difaaca cudurrada faafa ee kala duwan.

Louis Pasteur waxa uu tallaadan ku helay aragti ay dhinacyada kale oo dhami khatar u arkayeen balse markii dambe midho dhal noqotay, taas oo ah in qofka jidhkiisa lagu beero cudur-sidaha xanuunka laga tallaalayo, oo laakiin la dilay ama la daciifiyey awooddiisa. Kaas oo marka uu jidhka aadamaha galo sabab u noqonaya in jidhku dagaal geliyo habdhiskiisa difaaca, si uu isaga saaro xanuunka soo galay.

Dagaalkaas habdhiska difaaca ayaa ah in uu soo saaro dheecaanno iyo maaddooyin lid-jidh-gale ah oo ku habboon nooca xanuunka qofka lagu beeray oo ah kan laga tallaalayo. Dagaalkaas kaddib jidhku waxa uu hawlgelinayaa qaybta xusuusta difaaciisa. Taas oo ka caawinaysa in habdhiska difaaca jidhku uu baraarugo, dhaqsana uu u xasuusto habkii uu xilligii tallaalka samaystay ee uu kula dagaalamay jeermisyada, bakteeriyada iyo Fayraska ama walax kasta oo noocan laga tallaalay la xidhiidha, si fudud ayaanu u dilaa.

Dadaalkaas bilowgii lagu diiday Louis waxa uu ugu dambayntii keenay natiijadii uu muddada dheer ka shaqaynayey ee ahayd in uu tallaal u helo xanuunka ubadkiisa dilay ee Typhoid iyo xanuunno kale. Iyada oo dhinaca kalana habkan uu maray uu noqday dhabbe uu jeexay oo aasaas u noqda habka ay tahay in tallaal loo sameeyo iyo xeerarka lagu dhisayo.

Natiijooyinka kale ee uu Louis cilmibaadhisihiisa ku helay waxaa ka mid ahayd; sababta khamiirka ama dhanaanka ku keenta asiidhka sharaabka miidka khudradda ah, ama caanahuhu in ay tahay noole ili maqabatay ah oo bakteeriya ka mid tahay oo ku dhalanaya.

Waxa kale oo uu sannadkii 1862 kii markii ugu horreysay taariikhda ogaaday in dareeraha oo la kariyo kaddibna dib loo qaboojiyaa ay dilayso bakteeriyada. Habkan oo isaga loogu magac daray ayaa loo bixiyey Pasteur.

 

DHAMMAAD