Dhibaatooyinka Dadkii Guursaday Shisheeyaha. Q. 1aad W/d: C/raxmaan Hayaan

Haweenay guursatay nin caddaan ah oo reer galbeed ah ayaa ka sheekaysay wax aanay dumarkii hore ee shisheeyaha guursan jiray ka hadal. Dhibta ugu badan ee ay dadka la wadaagtayna waa kala duwanaanshaha xagga dhanka oo ay  layaab kala kulantay. Inkasta oo qofka sheekada soo gudbisay dumar tahay haddana waxa looga tusaale qaadan karaa in qof kasta oo shisheeye guursadaa dhibtaasoo kala kulmi karo ama rag ha ahaado ama duamr

Haweenaydani waxa ay hadalkeeda ku bilawday.

Dadkani ma mar hadday ku jeclaadaan ma yaqaannaan jacaylkii wuu dhammaaday, taa macneheedu waxa weeyaan  inaan lagugu arag is baddal waa inaad ahaataa sidii maalintii u horraysay aad ahayd. Balse dhanka kale haddii isaga jacaylku kad dhammaado ama is-fahankiinnu xumaadu waxa lagu odhanaa ka bax guriga,haddii aad ka bixi weydo, waxa uu guriga keensanayaa naag kale adiga oo ciyaalkaagii ku dhex haysta mana hadli kartid. Ha ka sugin in sidii soomaalida intuu iska tago meel kale naag ku guursado.

Haddii uu ku siiyo shayga ugu yar, xabbad nacnac ahna ha noqotee, waa inaad tidhaahdaa mahadsanid haddii kale qalad buu kaa fahmayaa. Dhanka kale haddii aad qaadato aa cunto shay uu meel dhigtay waa inaad sababta u sheegtaa, yaa ku yidhi qaado anigaa dhigtee anigaa lahaa, maxay tahay sababta aad u qaadatay ama u cuntay? Ha ka filan sidii ninka soomaaliga ah ee iska kaa dhaafayay. Xataa haddii carruurtu ka qaadato waa la mid, dheel dheel ma yaqaannaan.

Earayga afkaaga ka soo baxaya waad iska ilaalinaysaa in wax qalad ahi ku jiraan, waxa aan ragga soomaalidu noo xisaabin jirin baa laguu xisaabinayaa oo boqol su’aalood lagaa weydiinayaa.

Haddii khilaaf idin soo dhex galo ka soomaaliga ah, tolka idin soo dhex galaya kadibna waa la xallinayaa, laakiin shisheeyuhu ma yaqaannaa xal mar haddii khilaaf dhaco wuu sii xoogaysanayaa cid idiin imanaysaa ma jirto, inaad sidaa ku kala tagtaanbaa ba laga ayaabaa. Haddii aad sidaa ku kala tagtaan waa guriga iiga bax, markaa haddii aad biilka iyo kirada badhakaaga bixin jirtay waxa laga yaabaa in guriga laguu reebo adiga, balse haddii uu isagu kharashaadka oo dhan bixin jiray, dibaddaad tahay adiga iyo ciyaalkaaguba.

Haddii aad kala tagtaan waxa suurtagal ah inuu qofkaasi diintiisii hore iskaga noqdo, waayo wuxu ku leeyahay anig qofkanaa diinta I baray qofkiina qof xun buu noqday, markaa diintiisa waxba kama jiraan.  Mar bishu dhammaato waxa laysku darayaa kharashka guriga oo dhan, waxa loo qaybinayaa laba, kadibna badhakaagaad bixinaysaa, wax tanaasul ahina ma jiro.

Haddii aad huteel laga cunteeyo qado u tagtaan, maalinta hore isagaa bixinaya, maalinta labaad waa adiga. Haddii aad ka meeraysato inaad bixiso maalintaada, guriga marka la yimaaddo ayaa lagu leeyahay, lacagta maanta inaad adigu bixiso ayay ahayd, inaad illawdaan u malayanaa iska soo bixi lacagtii ama kharash kale oo guriga oo soo baxa ayaa lagu leeyahay ku bixi.

Dumarkoodu waxa ay dhaqan u leeyihiin wax la yidhaahdo girls night out ama hebeenka ay dumarku bannaanka u baxayeen iyaga oo soo samaynaya waxa ay doonaan meesha ay doonaann a tagaya, arrintaasoo ninku aanu waxba ka qaban Karin.

 

La soco qaybta labaad