Dhibaatoyinka Qarsoon ee ka Dhasha Xidhiidh la’aanta ka dhaxaysa Waalidka iyo Carruurta. (Waxa soo saaray: Amplify voice of GBV Coalition Members August 2019)

 

Wadda Xidhiidhku waa Xirfada ugu muhiimsan ee waalidiintu ay u isticmaalaan inay ku dhisaan xidhiidhka wanaagsan  ee ay la leeyihin caruurtooda, Waxaa sidoo kale lagu geexaa habka loo gudbiyo macluumaadka ku saabsan fikradaha, dabeecadaha, shucuurta ama dabeecadda qofku leyahay” Xidhiidhka Wanaagsan ee u dhexeeya caruurta iyo waalidinta waxay dhistaa isku kalsoonanta iyo is-ixtiraamka ka dhexeeya waalidka iyo carruurta. Diinta islaamku Waxaa ay sii balaadhan awooda u saartay dhismaha iyo barbarintaa carruurta ee ku saabsan akhlaaqda wanaagsan iyo ku barbarinta xidhiidhka ka dhexeeya waalidka iyo carruurta. Masuuliyadda saran waalidka ma aha oo keliya inuu carruurtisa siiyo wuxuu ku noolan laha, iyo keliya in uu u diro dugsiyada waxbarashada, balse waxa qurux badan oo looga bahan yahay in uu kor uqaado wadda xidhiidhka ka dhexeya waalidka iyo carruurtisa.

Ujeeddada ugu weyn ee maqaalkani logu talo galay waa in la fahmo noocyadda xadgudub ee ku dhaca carruurta iyo dayaca ku yimadda carruurta ku nool dugsiyada iyo goobaha waxbarashada iyo guryaha, Samaynta xidhiidh la’aanta ka dhaxaysa waalidka iyo carruurta ay ku yeelato in ay noqdaan qaar u fudud in dhib kasta ku dhaco.   Tobannaankii Sano ee la soo dhaafay, heerka waxbarashada iyo nidaamyadda dugsiyadda ku yaala Somaliland waxaa ay noqdeen qaar soo korayaa, waxa kor u kacay dugsiyadda gaarka loo yahay, kuwaa dawaladda iyo dugsiyadda lagu dhigto aqoonta diinta Islaamka. Wassaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska ee Somaliland Waxay dajisay siyaasad lagu maamulayo laguna horumarinaayo waxbarashadda Somaliland, sidoo kale waxay hirgalisay nidaamyo sharci oo ku saabsan waxbarashadda aasaasiga ah, waxbarashada dugsiga sare, kuwaa xirfadaha, waxbarashadda dadban, waxbarashada baahiyaha gaarka ah iyo tacliinta kuwaa hay’adaha dawlada iyo kuwaa gaarka loo leyahay.

Sidaa Awadeed, wada-xidhiidh la’aanta ka dhaxaysa waalidintaa iyo carruurtu waxay keenta inay carruurtu ay halis u noqdaan inay ku dhacaan xadgudubyo loo gaysto, taas oo ka dhalataa dayacaada waalidka ee ku salaysan wada-xidhiidh la’aanta. Carruurta oo la ciqaabo, ama jidh-dil lagu sameeyo goobaha waxbarasahada waa mid sal ku haysa taariikhda Soomalida, waana mid ay bulshadu ay aqbashay inay tahay edbinta carruurta. Inta badan carruurta dhigataa dugsiyadda waxbarashadda kuwaa maadiga ah iyo kuwaa lagu barto cilmiga diinta islaamka waxay la kulmaan ciqaab jidheed, ama ceebeyn taas oo keenta in ay caruurtu ka baxan dugsiyadda waxbarashada ama ay ku xumadaan waxbarashadda.  Xaaladaha qaarkood waxaa ay la xidhiidhaa khataraha xadgudubyadda ka dhanka ah caruurta, daraasadaha qaarkood waxay soo jeedinayaan inay carruurta ay ku dhacday tacadiyaddasi ay qarsadaan dhibatooyinka kuwaas oo kaga   oo ay u gaystaan macallimiinta, dhalinyaradda ka waawayn da’ ahaan, iyo darawallada dugsiyadda.  Carruurta khataraha xadgudubyadu ku dhacaan waxaa ka mid ah carruurta yar yar,  iyo carruurta naafada ah gaar ahaan hablaha.  Carruurta aan la lahayn xidhiidh wanaagsan waalidkooda,  waxay xakameeyaan shucuurtooda, badanaa waxay qarsadaan tacadiyadda ku dhaca, waxay ku abuurtaa jahwareer iyo khalkhal maskaxeeda, waxa ay awood u heli wayaan inay xaliyaan dhibaatooyinka kooda lamana wadaagan waalidkooda iyo dadka ay ehelka yihin, ama ardayda ay isku dugsiga yihin. Sidaa ay sheegaan war-bixinaha qaarkood habalahu way ka khatar badan yihin inimada, markaa la joogo goobaha   waxbarashadda, badanaa waxa ku dhaca xadgububyo ka dhan ah xuquqda carruurnimo.  Sidaa ay sheegayn war bixinaha la xidhiidha carruurta, “meel ka mid ah Hargeisa ayaa waxa ka dhacay dhacdo naxdiin leh, darawaal ka mid ah dugsiyada magalada in uu xadgudub galmo u gaystay ilmo yar oo naafo ah, mudo ka dib ay uurqaaday”. Sidoo kale kiisaska la xidhiidha xadgubyadda carruurta ee ku salaysan galmada ayaa ah qaar ku soo badnayaa dugsiyadda, tani waxay in tusaysaa in carruur badan ay khatar ugu jiraan tacadiyadda ka dhanka ah carruurta. Si looga gaashanto waxa muhim ah in la dhiso xidhiidhka ka dhaxeeya waalidka iyo carruurta, taana waxay fursad u siin doonta carruurta inay la wadaagan waalidkooda wax kasta oo ku dhaca.

Xadgudubyada carruurta ee la xidhiidha kufsigu kaliyaa kama dhaco meelaha ka baxsan guryaha, sidaa ay sheegayaan warbixinada qaarkood, tacadiyada ugu badan wuxuu ka dhacaa guryaha, kaas oo faro xumayn ama kufsi ay u gaystaan dadka kula nool gurigaa ee aan waalidkooda ahayn.  Inta badan kiisaska xogahani sheegayaan, xubnaha qoyska ka mid ahi waxaa ay qayb way ka qataan xadgudub yada ka dhanka ah carruurta. Sidaa darteed, Waxaa looga baahan yahay waalidiinta in kor u qadaan xidhiidhka ka dhaxeeya Carruurtooda iyo dadka ka masuulka ah ee ay ka mid yihin dugsiyada, darawalada dugsiyada, iyo dadka kula nool guryahooda.

Qormadani Waxaa ay soo jeedinaysa kuna talinaysaa in Waalidintu inay fahmaan ahmiyada ay ledahay xidhiidhka ka dhexeya waalidka iyo carruurtooda. Waalidku waa in ay wakhti ku filan ay la qataan carruurtooda. Waalidiintu waa inay ka fogaadaan hadalada u dhigan sidaa khudbadaha, waa inay ka fikiraan waxaa u baadkoodu donayo Waalidku waa inay noqdaan dhagaystayaal firfircoon markay la hadlayaan carruurtooda oo ay dhisaan xirfado ku saabsan ku celcelinta wada hadalka u dhexeeya, waalidku waa in ay weydiiyaan carruurtooda sida dugsiyadoodu ahaayeen iyo wax yaabaha ay kala kulmeen iyo waxaa ka dhaca gurigooda, waalidku waa inuu u sheegaa sheekooyinka wanaagsan iyo kuwaa la xiriira xadgudubka carruurta iyo sida looga hortago.