Dhiigkarka ku dhaca hooyada uurka leh ama xaamilada ah, Q.1aad (WQ: Dr. Cabdillaahi Maxamed Cabdi, MD)

Dhiikarka hooyada xaamilada ah ku dhaca ee inta badan saamaynta ku yeesha hooyada xaamilada ah iyo ilmaha yar ee uurka ku jira ayaa waxa afka qallaad lagu yidhaahdaa (( pre-eclampsia)).
waa xanuun asiiba hoiyada uurka leh kaas oo dhinacyo badan leh ayaabaa waxaa lagu qeexay bilowga dhiig -karka hooyada uurka leh oo ay weheliso booratiin kaadida lasocota taasi oo il ma eragtey ah balse calaamadaheeda la dareemo (proteinuria) kadib 20 usbuuc oo uurka ah. Dhawaan qeexitaanka
dhiikarka hoiyada uurka leh asiiba ee loo yaqaano   (pre-eclampsia) ayaa la ballaadhiyay.
i. Pre-eclampsia ama xanuunka dhiikarka asiiba hooyada uurka leh  caadi ahaan :
wuxuu saameeyaa 2% –5% haweenka uurka leh waana mid ka mid ah sababaha keena
cudurada hooyada iyo dhalmada iyo dhimashada.
xaaladdu  bilawgii hore waxay lagu qiyaasi jiray darraasadihii hore ee la sameeyay in cudurka dhiikarka hooyada xaamilada ahi uu saamayn mug leh oo dhimasho ku keeni jiray sannad kasta  Caalamka, 76 000 ilaa 78000 haween ah iyo
500 000 oo carruur ah ayaa sannad kasta u dhinta cudurkan.
i. Intaa waxaa dheer,
7. dumarka ku nool dalalka aan kheyraadka lahayn ayaa halis sare ugu jira inay la kulmaan xanuunada dhiig karka ee uurka ama pre-eclampsia marka la barbar dhigo
i. haweenka waddamada kheyraadka badan leh. Tani waxay noqonaysaa ama inoo qeexaysaa sababta oo ah dhibaatooyinka bulsho -bulsho, waxbarasho, iyo bay’adeed ama xukuumadeed ayaa taariikh ahaan waxaa haleelay bulshooyinkaasi u nugul xanuunka ayaa waxa soo raaca kala duwanaanshahaha nafaqada,
cuntada tayada-liidata, cayilnaan, iyo sonkorow (ka hor iyo inta lagu jiro uurka kahor .sidaas awgeedna waxay kordhineysaa heerka dhibaatooyinka uurka.
FIGO
10. (Xiriirka Caalamiga ah ee Dumarka iyo Dhallaanka) waxay bixiyeen hagitaan wax ku ool ah oo Dhiikarka hooyada xaamilada ah ku dhaca ee inta badan saamaynta ku yeesha hooyada xaamilada ah iyo ilmaha yar ee uurka ku jira ayaa waxa afka qallaad lagu yidhaahdaa (( pre-eclampsia)).
waa xanuun asiiba hoiyada uurka leh kaas oo dhinacyo badan leh ayaabaa waxaa lagu qeexay bilowga dhiig -karka hooyada uurka leh oo ay weheliso booratiin kaadida lasocota taasi oo il ma eragtey ah balse calaamadaheeda la dareemo (proteinuria) kadib 20 usbuuc oo uurka ah. Dhawaan qeexitaanka
dhiikarka hoiyada uurka leh asiiba ee loo yaqaano   (pre-eclampsia) ayaa la ballaadhiyay.
Pre-eclampsia ama xanuunka dhiikarka asiiba hooyada uurka leh  caadi ahaan :
wuxuu saameeyaa 2% –5% haweenka uurka leh waana mid ka mid ah sababaha keena
cudurada hooyada iyo dhalmada iyo dhimashada.
xaaladda  bilawgii hore waxay lagu qiyaasi jiray darraasadihii hore ee la sameeyay in cudurka dhiikarka hooyada xaamilada ahi uu saamayn mug leh oo dhimasho ku keeni jiray sannad kasta  Caalamka, 76 000 ilaa 78000 haween ah iyo
500 000 oo carruur ah ayaa sannad kasta u dhinta cudurkan.
Intaa waxaa dheer,
dumarka ku nool dalalka aan kheyraadka lahayn ayaa halis sare ugu jira inay la kulmaan xanuunada dhiig karka ee uurka ama pre-eclampsia marka la barbar dhigo
haweenka waddamada kheyraadka badan leh. Tani waxay noqonaysaa ama inoo qeexaysaa sababta oo ah dhibaatooyinka bulsho -bulsho, waxbarasho, iyo bay’adeed ama xukuumadeed ayaa taariikh ahaan waxaa haleelay bulshooyinkaasi u nugul xanuunka ayaa waxa soo raaca kala duwanaanshahaha nafaqada,
cuntada tayada-liidata, cayilnaan, iyo sonkorow (ka hor iyo inta lagu jiro uurka kahor .sidaas awgeedna waxay kordhineysaa heerka dhibaatooyinka uurka.
Haddaba marka la eegayo halista la xidhiidha cudurada hooyada (Dhiikarka uurka iyo dhalmada ,iyo dhimashada uu sababi karo (Dhiikarka hooyada uurka leh ama xaamilda ah  ku dhaca (pre-eclampsia) waxaa loo sii kala saari karaa sidan soo socota :
1. Early onset pre-eclampsia bilowga hore (kaas oo dhiikarka uurku uu ku dhico hooyada marka ay sidkan joogto  <34+0 toddobaad
uurka).
2. Pre-eclampsia preterm waa dhiikarka uurka (kaas  oo hooyada ku dhaca marka ay sidkan joogto  <37+0 toddobaad ee uurka).
3. Late pre-eclampsia waa dhiikarka uurka ee ku dhaca hooya hooyada uurka leh marka ay sidkan gaadho (oo leh dhalmada ≥34+0 toddobaad
uurka).
4. Xilliga pre-eclampsia (oo leh dhalmada ≥37+0 toddobaad ee uurka)
Su’aashu waxay tahay maxaa loo sii kala qaybiyay pre-eclampsia ama dhiikarka asiiba hooyada uurka leh ee xaamilada ah . Taas jawaabteedu waxay noqonaysaa dhamaan afarta waax hoosaad ee loo kala qaybiyay mid kastaa waxay yeelan doontaa maareynteeda oo si gaar ah loo fulin doono .
Sideebuu ku yimaadaa dhiikarka hooyada uurka lihi ????Pathophysiology of pre-eclampsia???
Pre-eclampsia dhiikarka asiiba hooyada uurka leh ama xaamilada ahi waa nooc ka duwan, cillad dhinacyo badan leh taasi oo aan toos loo sheegi karin waxyaabaha sida tooska ah u sababa xanuunka dhiikarka ku dhaca hooyada uurka leh
etiology (sababta xanuunka keenaysa) – aad bay u fog tahay in la fahmo.
Risk factors of Pre-eclampsia ( xaaladaha loo aaneeyo inay keeni karaan khatarta dhiikharka hooyada uurka leh ):
1. Da’da hooyada uurka leh oo ka wayn 35 sannadood
2. Haddii hooyadu lahayd ama uu ku dhacay dhiikarka uurku mar hore waxay ku sugan tahay uurka ku xiga inay yeelato 25%
3. Haddii ay hooyadu cayilsan tahay
4. Uurka ugu horeeya
5. Haddii ay hooyadu uurka mataano ku sido
6. Haddii ay hooyadu lamaanihii hore kala tageen oo ay lamaane kale nolol la wadaagayso oo cusub .
7. Haddii ay hooyadu tahay hooyo dhiikar muddo dheer uu hayay ..
Calaamadaha dhiikarka ku dhaca hooyada uurka leh :
Preeclampsia Dhiikarka uurka hooyada xaamilada ah  ayaa mararka qaarkood way dhacdaa  iyada oo aan lahayn wax calaamado ah. Cadaadiska dhiiga oo sarreeya ayaa laga yaabaa inuu si fudud u kaco, ama waxaa laga yaabaa inuu si lama filaan ah u bilowdo. La socoshada cadaadiska dhiiggagu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah daryeelka dhalmada ka hor maxaa yeelay calaamadda kowaad ee hooyada uu dhiikarka uurku asiibaa preeclampsia caadi ahaan waa kor u kaca cadaadiska dhiigga. Cadaadiska dhiigga oo dhaafa 140/90 milimitir oo meerkuriga (mm Hg) ama ka inka badan- oo la diiwaangeliyey laba jeer, ugu yaraan afar saacadood u dhaxayso – waa wax aan caadi ahayn.
Astaamaha kale ee  Dhiikarka uurka hooyada xaamilada preeclampsia waxaa ka mid noqon kara:
Borotiinka ku badan kaadidaada (proteinuria) ama calaamadaha dheeraadka ah ee dhibaatooyinka kelyaha
Madax xanuun daran
Isbeddellada aragga, oo ay ku jiraan aragga oo si ku meelgaadh ah u luma, aragga oo xumaada ama dareenka iftiinka
Xanuun caloosha sare ah, badanaa feedhaha hoostooda dhinaca midig
Lalabbo ama matag
Kaadida oo yaraata
Heerarka platelets ee dhiiggaga oo yaraaday (thrombocytopenia)
Shaqada beerka oo isbedel ku yimaado
Neefta oo ku qabata, oo ay keento dheecaan sambabadaada ka mid ah
Miisaan degdeg ah iyo barar (barar) – gaar ahaan wajigaaga iyo gacmahaaga – ayaa laga yaabaa inay ku dhacdo preeclampsia. Laakiin kuwani waxay sidoo kale ku dhacaan uur badan oo caadi ah, sidaa darteed looma tixgeliyo inay yihiin astaamo lagu kalsoonaan karo ee preeclampsia.
Losoco inshallah sida loo baadho dhiikarka hooyada uurka leh iyo siyaabaha kala duwan ee loo maareeyo .
W/Q: Dr. Abdilahi Mohamed Abdi MD, Advanced trained of Forensic Medicine .