“Dhudi Iyo Curadkeedii Cali-dhawaaq” Sheeko Taxane ah Q. 4aad(W.Q: Maxamuud Axmed Oday)

Midna uma jeedo in uu ka kale dhibaateeyo, maxaa yeelay mid waliba isagaa gaarkiisa u dhibaataysan. Iyagoo aan wada hadlayn ayay wada daawanayeen kurayda is baacsanaysa. Goor dambe, ayuu Cabdi-gaas u yimi Cali-mahad, kolkaas ayay isu raaceen dhankii geelu ka soo cad-ceedsanayay. Kal-dambeedka, geelu maalinta gelinkeeda dambe, wuxuu ku idlaystaa in uu hadhsado dhirta geed-weynta ah, ee ku taalla cidhifyada kobaha duurka badan ee uu daaqo. Geelii ayay u tageen, Cabdi-gaas wuxuu isaga soo wareegay daraf ilaa daraf kobaha geelu hadhsanayo, oo soo tiriyay in geelu dhan yahay iyo in kale. Cali-mahad oo uu kaga tegay, geed u dhow kobta ugu sokaysa kabaha geelu joogaa, isagu wuxuu is-weydiinayaa, sababta wiilkii yaraa ee geedka ugu yimi aan isaga sibraar caano loogaga shubin.

Gabal-gaabadkii, ayuu Faarax-goray oo ka tuuraya, oo sidii u faydani u yimi geelii oo dhan, iyo labadii wiil ee geela la haystay. Cabdi-gaas ayuu u sheegay, in uu u soo ru-rujiyo, jillab iyo geed-xamar marba ka u fudud. Faarax-goray, isaguna kama sugin inankii oo keliyee dhinaciisa ayuu dhirta geed-gaabka ah ka soo diyaarsaday, oo ku cufay kooraha geelu xidhan yahay, ee ku badan geela rimayda ah. Sidaa wuxuu u samaynayaa, in aan colka iyo gaaduhu habeenkii maqlin sanqadha koorta. Tani waa tab ka mid ah sanqadh-tirashada iyo feejignaanta uu dheer yahay Faarax-goray dhiggiisa ay geelasha wada wataan.

Berri, waa kalkii geela, oo haddii aan caawa col xabbaadhin, ama gaade aanay is helin, jarmaado-hore ayuu geela xerada ka sii daynayaa, oo qabadsiinayaa ceelashii dhanaha ahaa, ee waqooyi. Fiid-cawl hore, oo ka horreeya xilligii uu geela soo xerayn jiray, ayuu xerada ku soo gembiyay. Uma cawayne, inta uu geelii fiid-dadbay, hal kasta markuu hadhuubka kala baxo, ee neefkeeda yari dharqado, ayuu mid waliba sidii ay maanta u marrayd maraqeedii ugu celiyay (xag-mar, saddexa-mar, gayaxo), oo iyada iyo neefkeediiba xerada weyn ee geela ku wada celiyay.

Fiidkaa, dabkii golaha geelu caanka ku ahaa lama shidin, maxaa yeelay in kastoo dabku uu dhawrta oo libaaxu ugu horreeyo wax weyn ka taro, dhanka kalena, waa bidhaan meel fog ka muuqanaysa, oo uu soo raaci karo colka iyo gaaduhuba. Faarax-goray, markuu inammadii geelii u lisay, oo sibraarkii uu cawsha ka saarayna buuxiyay, oo muska edegga nirgaha hoosta kaga soo tiiriyay, ayuu inamadii ku xereeyay ardaa-gudood, uu goor-dhawayd uun ka sameeyay xerada geela gudaheeda.

Neef geela oo uu caawa u ogol yahay inuu dibadda fadhiisto, waxaa jira baarqabka ina-Saqaaf, oo isagu markuu doono geela la dhiciya. Markuu geelii dhammaan xerada ku hubsaday, ayuu jiitinta u jiiday, oo baarqabkii ina-Saqaafna ku hor-dabray. Isagiina, inta uu aad u sanqadh-dhegaystay! Markuu wax jabaq ah waayey, ayuu sanqadh-tirtay oo huluushay geed isku-dhoon ah oo meel qiyaas ahaan konton tallaabo u jirta xerada kaga beegan dhanka bari. Hubkiisii iyo saddexan-yihiisiiba waa u dhan yihiin! Habeenkaa oo dhan, halkaasuu ahaa foodda-ku-haye, aan mur qudha indhaha isku bidhiq-siin. Isagoo sidii usoo jeeda, ayuu markii shimbiraha waaga saadaaliyaa bilaabeen cida iyo jiriq-jiriqda farxadda waagaa u beryay, intuu ka soo baxay geedkii, oo mar-kale sanqadh-dhegaystay, ayuu xaggii xerada geela u dhaqaaqay si uu geela oodda uga dhufto, oo u dareeriyo.

Baar-qabkii oo taagan, oo aad mooddo inuu isna ilaa xalay gaadhkaa u taagnaa, ayuu dabarkii ka furay. Markuu baar-qabkii dabarka ka furay, ayuu gudub u waydaartay, oo intuu geesta kale isaga leexiyay ooddii buuxsinka ahayd, geelii dhex maray oo u tegay inammadii oo aan weli ka baraarugin hurdadii ay fiidkii seexdeen. Wuu u galay, oo cod gaaban kula hadlay, Iyana ma foojiga-darree, waa tooseen oo deg-deg u diyaar-garoobeen.

La Soco

W.Q: Maxamuud Axmed Oday

moxamud_oday@yahoo.co.uk

Burco, Somaliland