Iyadoo aan is ogayn, ayay aragtay ilmada dhabannadeeda hililiqle!. Waxay ogayd iyadoo nafteeda ku maaweelinaysa “Haddaad Hawd Halo Ku Raacdo; Haddaad Herer-waale Joogto; Anuunbaa Hooyadaa ah”.
Qarbad ay ka soo dhaamiso ceelasha dawlis-dheerta ah ee dixda, ayay xambaartaa, oo ay caantayn (laba-gambo) kaga iibisaa dumarka saraakiisha bilasyku qabaan ee deggan xaafadda shacabka (indian line). Maanta iyo maalintii iyadoo 22 sano baarka ka jartay, oo tima-tidcan gacanta loo geliyay Faarax-goray, ayay xasuusteeda meel isugu keentaa. 20 kii halaad iyo rayfalkii Faarax-goray bixiyay ee uu guddoontay xaaji-Guhaad, saaka tiradoodu intii maaha, hadal baana ka oogan. Waxbase, uguma jilla, Dhudi. Haddii shalay faanku ahaa, 20 kala soconaya iyo rayfal baa laga bixiyay! maanta sheekadu waa ka duwan tahay. Dhudi, waa 30-jir-gale, laxaad iyo qurux ilaahay u dhammeeyay. Maxayse kuugu taallaa! maanta inan rag uma dhug laha quruxda Dhudi.
Duruufaha adduunyada ayaa kala igdhay, Dhudi iyo inankeedii curad, ee loogu wal-qalay Cali, iyana ay ugu bunaadisay Mahad, ee magaciisu ku dhammays-tirnaa Cali-mahad! In kastoo ay qaddar eebbe ku timi, sababta waxaa iska leh, Faarax-goray, iminka waa ilaa 55 jir. 80 halaad, oo tobanna aanay toban la sumad ahayn, oo gudbis iyo geddis u badan ayuu haystaa, weligii kubkiisa wayso ma marin, wuxuu ku hammiyaa goortii uu siddeetankaa halaad boqol gaadhsiin lahaa. Mooyi! haddii uu boqol gaadhsiiyo, in uu halkaa u dayn lahaa iyo in uu soo kordhin lahaa.
Cali-mahad waa toddoba jirsaday. Wuxuu garaadsaday isagoo baarka haysta hal Gaydho la yidhaahdo. Isma yaqaannaan oohin iyo qosol farxadeed midna. Ma yaqaanno halka ay iska heleen geelan hayaanka ah ee uu saaran yahay maraq-saarka Gaydho, ee cid isaga la da’ ahiba aanay la socon. Wuxuu ku garaadsaday golaha geela iyo dambaska dabka lagu shido ardaaga geela. Dhanka kale, wuxuu si teel-teel ah u xasuusan yahay naxariistii, dhoolla-cadayntii, nayaayirkii, iyo naaskii u jaqayey labada gu’. Wuxuu sidii riyada u arkaa goshii dugsoonayd, ee udgoonayd, iyo in marka uu sii gam’ayo baabbacada gacantiisa midig laga dhunkan jiray, si naxariisi ku dheehan tahay. Uma kala cadda waxan u sawirani in ay run yihiin iyo in kale. Dadka wuxuu muuq yaqaannaa, Cabdi-gaas oo kuray geela wax ka wata ah iyo Faarax-goray oo odayga geela ah, laakiin midna ma yaqaanno waxa uu u yahay. Maxaa yeelay, midna ugama yeedhin waxaan magaciisa (Cali) ahayn. Ayaamo dhawayd ayuu si bawsi ah u bartay magaca Cabdi-gaas, oo uu ka maqlay odayga geela wata, laakiin ma yaqaanno magaca odayga geela wata, maxaa yeelay, marna muu maqal cid odayga u yeedhaysa. Mana jirto sabab uu isugu mashquuliyo barashada magaca qof aanay cidiba magaciisa ugu yeedhayn. Dhaxanta habeenkii wuxuu ka huwadaa qaydkiisa yar ee cawlan. Mararka qaarna maba oga in ay dhaxani dhacdo iyo in kale, maxaa yeelay fiidka ayuu ku dul luloodaa dabka ka shidan ardaaga geela ee ka samaysan oodda geed-quwaaxa, marka uu luloodana Cabdi-gaas ayaa ka baydhiya dabka oo u duwa ardaaga dhinaca xiga xagga muska geela. Cabdi-gaas wuxuu ka war-hayaa inta wiil yar uu libaax ka qaatay ardaaga geela. Sidaas darted, ayuu dhinaca geela iska xejiyaa Cali, waana naxariis ku beeran Cabdi-gaas, hadduu iska xejiyay xaggii geela oo aanu xigsiin dhinaca dhawrta oo libaaxa dad-qaadka ahi ku soo horreeyo. Cali-mahadse, ma oga meel uu seexdo iyo meel kale! Caweysin dambe, ayaa isagoo dheelalawsan la siiyaa caano-geel. Isaguse wuxuu u haystaa, in sidii uu dabka ugu dul luloonayay isagoo gaajoonaya uu ku seexday. Haa, waa runtii oo wuxuu seexday isagoo gaajoonaya.
La soco….
WQ: Maxamuud Axmed Oday