Dhugasho, dhigasho, dheehasho, dhuuxid iyo dhiirigelin walaalnimo! (WQ: Cabdisalaam Xasan Muuse)

Waxa ilaahay mahadii aan maalinkii sabti 03/10/2020 aan ka mid ahaa, fursadna u helay inaan ka gudoomo Walaalo Cabdiraxmaan Aadan dhigane qiimahiisa iyo qaayahiisa leh, qalinka loo qaatay, qoraalada lagu dhex xusay, qeybaha loo qeybshay iyo dhambaalada uu u tebinayo qoomiyada afka soomaaliyeed ku hadasha qof, qabiilo, qaran iyo qaaradaba uu u qalmo mid wakhti la gesho, qoraaladiisana waxbadan laga qaato.

Dhiganahan (Dan iyo Dareen) oo aanan jeclayn inaan ka hordhaco gardaadintiisa, oo dhawaan qoraaga Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud iyo Sayyid Ka aad ka sugi doontaan, sidoo kale aanan rabin inaan ku rafto, ama aan ka rifo, ama si uun ugasii carsha carsheeyo inta kusoo socota dhaadhida labeenta dhiganahan iyo dhigaaladiisa. Dhiganahan oo aan baal ilaa baal hal mar akhriyey, si guud waxaan ula dhacay qaabka doorasho ee cutubyada, ciwaanada maqaalada, doorashada erayada, qofeynta qisooyinka, qaabaynta iyo qurxinta hab qoraalkiisa, iyo tilmaanta dawo ee dad, dal, degaan iyo dawladba bilaa damqida ah.

Dhiganahan markaad kasoo gasho dhankaa iyo waayihii waasuge, eed ku nasato sida sunaha kufitaanka looga kabto, eed hadana kob kale iyo cali dawaarleh cagta saarto, hadana raaskii ha rumeysan lahaydaa iyo waalidka maanta wakhti kusoo yara qaadato, adoon hafar arag aad timaad sawirka inta lagu sirmo ee sida la mood, noqonse waa, iyo dan iyo dalxiis iyo duruursta ku duugan, iyo daraasadii nin dabranaa, inta aanad halaabina aad haleesho warkii iyo waayihii muxuu ku dhintay iyo dhamaadka cutubka 1aad.

Waxad usoo degi cutubka 2aad iyo casharo lasoo maray iyo curashadii caalamkan tiknoolajiyada, garaacid teeb, ardeymimadii shalay iyo maanta, aduunka maanta iyo adeegsame aleenkayga, iyo si guud dunida iyo maanta. Waxad usoo degi waxyar jaleeca maalmihii ramadaan, xusuus rabi iyo waxa ina aadam ku raboobo iyo marti sharfan. Wax yar hadana cagta saartid casharo ay u cudoon tahay; carbinta nafta, daraasado ku duugan deegaanka, beerta nasashada iyo baashash kale oo kuu bixinaya war, waayo, wacaal iyo wax lasoo maray sida faraxalo oo huteelkayga joog iyo jihooyin kaleba. Ha jeesane u kaalay cutubada xiga iyo barashada arimo ay tahay ka bogashadooda iyo wax ka biirsigoodu kuwo bayaaminaya tegtadii dalka, dadka iyo degaanka, taaganta maanta, si aad faal iyo foolaad ugu samayso timaadada degaan, dawlad iyo dad ee dalku wajahi karo.

Hadaanad iga dhicin, ood weli dhuganaso labeenta dhaadhinta iyo dhugashada u baahan ee dhiganahani koobsanayo, usoo dhac cutubka 4aad iyo iftiiminta jaamacadaha iyo jaanisyada ku duugan, ka biloow binayntii, bilaabidii, ilaa aad kasoo gaadho maxaa laga bartay, maxaase lagu biiriyaa?. hadaad weli soo hoos eegaso, u kaalay cutubka 5aad iyo casharo lawada mahadiyo, midkastaana u baahan yahay sida astaanta gobanimada iyo hayaanka nolosha iyo bilowgiisii adoo ku b

Guntii iyo gunaanadkii, sida aan kor ugu cudurdaartey, anoo aan jeclayn inaan ka jiidjiido, kana kala jeexo, ka hor gardaadinta buuga, ayse uun iga tahay kor ka xaad, iyo kor u sheeg waxa ku hoos jira ee dux, duruus, iyo daalacasho deegaan, dad, dal iyo dawladeedba leh ee ku duugan si qofka aansan weli akhrisan u arko maaxda, miida iyo mucda ku miisan dhiganahan. Intaa aad idiinkagaga baxo, balanteenuna waa in bulshada lala wadaago waayo aragnimo, waxsan sheeg, hogo tusaaleyn, iyo khibrad.

Qoraaga:

Qoraaga Buuga oo ah shakhsi aan jecelahay Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud , ahna walaal qaaliya, oo runtii noo ahrole model, sidoo kalena ah dhalinyaradii aanu eeganayney wakhti dalka dawladiisii dhexe duntay, degaanadana ardey iyo aqooniba iska gabaabsi ahayd, cidii cilmi u banbaxdaana la yaab iyo la cajab carradaba looga yiqiin, bulshaduna tiih ku jirtey. Cabdiraxmaan waxa uu ka mid ahaa da’yartii wakhtigaas Camuud cagta saaray, ee doortay bedelida iyo iska rogida heeryadii wakhtigaas la huwanaa, kadibna noqdey mid ka mida curadadii camuud, iyo sidoo kale dhalinyaradii dhinaca kale u rogay sawir wakhtigaa suuro gal u muuqan.

Cabdiraxmaan waa qoraa, buug hore oo uu qoray ayaa jiray oo mudo 4 sano ku dhaw ka hor aan akhriyey, waana astaan aan ka rabno cid kasta oo ummadeena ka mida in ay dadkan, degaankan, iyo dalkanba dhaxal u reebto, iyo dhiganayaal waayo aragnimo, waxsan sheeg, war gudbin, iyo waaqic ka hadal ku tilmaaman, kana fog waaa la yiri iyo waxbaan qoraa qudha.

Cabdisalaam Xasan Muuse