Dhuuxidda Qisooyinka Quraanka: Farshaxannimada Quraanka ee Ka Warrama Abuurka

Aayadaha xidhiidhsan ee Baqara (258-259) waa qaar aynu ka guntayno sangaabta doodeed sida loo dhigo, waa aayado caddayn u ah in abuurku Alle kaligii u sugnaaday, waa aayado si gondadag ah inoo baraya sida loo jabiyo doodaha madhalayska. Haddii aad u fiirsato waxa aad ka dhitaynaysaa sida loo helo qancinta aadanaha gafsan. Afarta hoggaamiyee dunida soo maray labadii caqli xumaanta iyo kibirka weheshaday waa laba aayadood oo dhacdooyin gurracan oo ay lahayeen isku sidkaya.

Namruud Bin Kancaan taariikhyahannadu waxa ay sheegaan in uu ka mid ahaa raggii ugu saamaynta badnaa ee dunida soo xukuma. Namruud waxa uu noolaa xilligii nabi Ibraahim, nabiganna waxa ay ka wada doodayaan abuurka. Haddii aad u fiirsato habdhaca aayadda waxa aad arkaysaa in Namruud hadal socda dhexgalayo, hadalkaa oo ah; in nabi Ibraahim hadalkiisu u dhacayey qaab wacdi ah, taas oo ciddii dhagaysanaysay u xusuusinayey in abuurka Alle keligii leeyahay. Namruud oo isu arkay in isaga loo jeedaana doodda leexsanayo.

Namruud muran qayaxan ayuu la soo shir tagaya oo aan aqoon ku fadhiyin. Inta uu laba qof oo shaqaalihiisaa soo istaajiyo hortiisa ayaa uu midna amrayaa in la dilo ka kalena amrayaa in la fasaxo oo u nabad ku hoydo. Inta uu nabi Ibraahim eego ayuu ku odhanayaa, “Qudhaydaa waxna dila waxna nooleeya.” Waa qabka kaligii taliyaha aan garashada wax ku xukumin leeyahay, dooddu dilid iyo dilid la’aan ma ay taagnayn, abuur ayey taagnayd se isagu intii uu garanayey ayaa uu ka hadlay.

Nabi Ibraahim NKH, ayaa isaga afweynta u ridaya, dooddisana jabinaya, waxa uu ku odhanayaa, “Ilaahay cadceedda beri ayuu ka keena ee bal galbeed ka soo saar.”

Ninkii Soomaaliyeed waxa laga hayey, “Burkaba bahal maka dayey.” Namruud bin Kancaan intii uu garanayey waa la isla soo dhaafay, doodda xagganba kamu eegin, kol haddii uu awoodihii Alle faragashaday waa in awoodda abuureed la tusaa si kibirkiisa dabar loogu helo. Waxa lagu cariyey awood aanu lahayn, deeto beenaale abaalkii ayaa helay.

Aayadda labaad waxa ay ka warrantaa Buqtunasar oo ka mid ahaa raggii dunida ka soo taliyey dhacdo si ugu lammaan se isaga aan ujeedka doodeed ahayn. Buqtunasar ayaa taariikhnayannada iyo mufasiriintu isku khilaafsanyihiin xilligii uu noolaa, in uu nabi Ciise ka horreeyey iyo in uu ka dambeeyey, waxa yadna aan caddayn loo hayn in uu soo weeraray Baytul-Quddus. Mufasriin badani se waxa ay soo guuriyaan aayadda ka warramaysa in Cusayr soo maray Quddus oo cagta la mariyey lana yaabayo isna waydiinayo sida mar kale magaaladan ay u noqon doonto meel la dego ay ahayd xilligaa uu Buqtunasar cagta mariyey magaaladan.

Ilaahay magac ma xusayo se nin ayuu carrababayaa in uu soo maray magaalo duntay oo guri taagani aanu jirin, deetu waxa uu iswaydiinaya su’aal ah sidee Alle u soo noolayn doonaa magaaladan?

Alladiidku maaha wax maanta bilaabmay, se waa wax qarniyo badan soo jiray marlaxadana soo maray, aragtiyahooda doodeedna ku salaysan yihiin abuurka, geerida iyo soosaarista dambe. Aragtiyahooda ku salaysan kownka iyo abuuritaanka aadanuhu waa mala’awal aan maanku qaadanayn.

Dunidu way iska ahaatay, nooluhu wuu is arkay uun, waa doodihii hore loo jabiyey ee ku salaysnaa kolkay la yaabaan aakhiraa la isa soosaaraya ay odhan jireen, “Ma inta aanu lafo noqonno ayaa dib la noo soo saaraya?” kuna tilmaami jireen sheeko xariir aan sal lahayn. Kuwa maanta joogaana waa qaar tubtaa haya. Waxana jabiya dooddodaa aayadda sida maangalka ah inoola hadlaysa, aqoonyahan kastana su’aashaasi maskaxdiisa raad ku reebayso, “Ma waxba la’aan ayaa laga abuuray mise iyagaa wax abuura.” Doodaha jabiya ayaa ah qaar meel ku tiiriya abuurka ileen ma jiro wax iska ahaadaa e’.

Cusayr Alladiid maaha se su’aashan ayaa inala gashay in aynu xaggaa ku yar hakanno. Su’aashaa kolkii uu iswaydiiyey waxa jawaab looga dhigay in nafta laga qaado, boqol sannadood ayaa maydkiisu yaallay meeshii uu ku nafbaxay, kuna lammaanayeen dameerkii uu fuushanaa iyo cuntadii u sahayda u sitay. Boqol sano markii uu mayd ahaa ayaa Alle soo nooleeyey, waxa la waydiiyey inta uu meesha jiifay, waxa uu ku jawaabay in uu maalin ama maalin badhkeed jiifay.

Waa maangaabnimada aadanaha in aanu xataa garanayn inta uu meesha jiifay inta ay leeg tahay. Waxa aad ku lammanayn kartaa sheekadan tii dhallinyaradii godka ee iyaguna muddada jiifay in ay u maleeyeen in aay maalmo hurdeen, deeto lacagtoodii kolkii ay is yidhaahdeen wax ku iibsada loo soo daawashada tagay iyagii iyo lacagtoodiiba.

Waxa loo sheegay in uu qarni hurday meesha mayd ahaan, laguna yidhi bal eeg cuntadaadii iyo dameerkii. Sahaydii sideedii ayey ahayd, se dameerkii lafihiisii ayaa ka sii taagnaa. Waxa uu arkay dameerkii oo lafihii istaageen, hilibkiina qabsanayo. Ninkii inta uu yaabay ayaa uu yidhi, “Ogaaday in Alle wax walba awoodo.”

Ninkii waxa uu arkay awooddii Alle ee abuurka ku salaysnayd, waxa la tusay in uu meesha qarni hurday, cuntadii iyo sharaabkii u sitay aanay is beddelin se isagu dhintay, dameerkiisina lafo noqday. Waa jawaabtii oo ilqabad lagu tusay, haddii uu rabay jawaab hadal ah ficil ahaan ayaa loogu tusay, isna wakaa soo noqday.

Abuurka iyo awoodaha Alle qof kasta oo faragashada waxa uu ku dambeeyaa guuldarro iyo in uu afweynta u dhaco, waxa tusaale kuugu filan raggii soo sheegtay awoodaha xaggii ay ku dambeyeen.

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com

Hoos ka akhriso qaybihii hore ee mowduucan:

http://bandhige.com/dhuuxidda-qisooyinka-quraanka-yuusuf-dhaqangeliyihii-aargoosi-laaanta/

http://bandhige.com/dhuuxidda-qisooyinka-quraanka-maryam-astaanta-dhowrsanaanta/

http://bandhige.com/dhuuxidda-qisooyinka-quraanka-qabkii-qaaruun-iyo-dhul-la-goiisi/

 

http://bandhige.com/dhuuxidda-qisooyinka-quraanka-muuse-aqoon-korodhsigii-khadir-wq-sheekh-cabdirisaaq-cabdiraxmaan-xasan-rakuub/