Dhuuxidda Qisooyinka Quraanka: Maryam- Astaanta Dhowrsanaanta

Reer Cimraan waxa ay ahayeen qoys  sharfan oo deegaankooda magac iyo qaddarin ku leh, Ilaahay SWT waxa uu ku lammaaneeyey qoyskan ergadiiisi, isaga oo sheegay in uu qoyskan doortay, “Ilaahay isagaa ka doortay; Aadam, Nuux, reer Ibraahim iyo reer Cimraan adduunka.”

Quraanku waxa uu ka warrama Maryan dhalashadeeda ka hor in hooyadeed nidar ku gashay haddii ay wiil dhasho in ay Ilaahay u hibayn doonto oo goobtaa ay ku cibaadaystaan adeege uga ahaan doono. Waxa ay se dhashay gabadh oo ah Maryam. Gabadhaa hal-adaygnimadeeda go’aankeedii hore kama aanay noqon oo Quraanku waxa uu ka warrama in ay tidhi, “Waxa aan umulay gabadh, ragguna la mid maaha dumarka.” Iyada oo ka warramaysa awood ahaan, go’aankeedii hore in aanay ka noqonna Quraanku wuu sheegay.

Maryam oo ka dhalatay qoyskaa maamuuska ku dhex leh deegaankaa barakaysan ayaa markii ay dhalatay loo qori tuuray ciddii masuul kaga noqon lahayd gurigaa barakaysan ee ay adeegtada ka ahaanayso. Nabi Sakariye oo masuul ka ah guriga barakaysan ayaa korinta iyo ka masuul noqoshada Maryan la wareegay.

Nabi Sakariye inanta uu masuuliyaddeeda qaaday mar kasta oo uu is idhaa cunto u gee wuxu arkaa iyada oo wax ay cuntaa ag yaallaan, deeto waxa uu su’aalay xagga ay ka keento cuntadan, ileen cid uma soo gasho, iyaduna mid baxda ma aha e, waxa ay ugu halcelisay, “Ilaahay cidda uu doono waxa uu wax u siiyaa si aan xisaab lahayn.”

Qoyska Maryan in Ilaahay doortay iyada waxa u sii dheeraa in si gooniya Alle SWT, u sheegay in uu iyadana dumarka adduunka ku nool uga doortay. Nabi Maxamed NNKH, waxa uu ku sheegay xadiiska Albaani sugay, “Dumarka Adduunka afar ayaa ugu khayr badan; Maraym Bintu Cimraan, Aasiya, xaaskii fircoon, Khadiija Bintu Khuwaylad iyo Fadiima Bintu Rasuul.”

Quraan iyo xadiisba waxa ay sheegeen in Maryam ku jirto foolaaddada dumar ee dunida soo maray. Maanta waxa caan ah in la isku maamuuso abaalmarrimaha caanka dunida ka ah ee la wada majeerto; Oscar ama Noble Prize oo lagu mutaysto hal-abuurnimo, aqoon durugsan, aragti la falkiyo ama maamuus faneed. Maryam haddaba uma baahna aqoonsi aadane oo waxa ay heshay doorasha Alle SWT.

Maryam oo guriga la barakeeyey adeege ka ah, ayaa ay u soo galeen malaa’ig aadane isu soo eekaysiiyey, aragii ay aragtay waxa ay ka dalbatay in aanay xaggaa ay taagan yihiin u soo dhaafin, “Ilaahay ayaa aan idinka magan galay haddii aad tihiin qaar Alle ka cabsi leh.”

Malaa’igtu kolkii ay isu sheegeen, waxa ay u sii raaciyeen in ay Alle SWT uga sidaan bushaaro ah in uu ugu deeqayo ilmo. Cidda ay farrinta ka sidaan waa Alle SWT, iyagu waa dhowrsonayaal dhambaalwadayaal ah, waxa ay sidaan waa wax la sheego waxa aadane ugu jecel yahay oo ah ilmo, ilmahanna aanu ahayn mid caadi ah se dheeraad leeyahay; isaga oo xoolka ku jira uu hadlayo. Noqon doono dhakhtar daweeya dadka barasta iyo indha la’aantu ku dhacdo. Oggolaanshaha Rabbina uu ku noolayn doono maydka, kana warrami doono kaydka iyo waxa la cuni doono. ilmahaa dheeraadkaa leh ayaa gabadhan adeegtada ahi ka keentay su’aal maangal ah, ergadii ayey waydiisay sida ay ilmo ku dhali karto iyada oo aan la guursan?

Warkii Malaa’igta sawirka aadanaha sidatay sideen waxa uu ahaa mid ka hor imanayey uurqaadistii aadanuhu ku soo tafiirmay, maanka tolmoonno suuragalnimadiisa dood gelinayo, waana sababta Maryam u liqi wayday adigoo iska jooga ayaa aad uur qaadaysaa.

Su’aashan in ay gar u leedahay kolkii ay arkeen ayaa ay siyeen jawaab maankeeda dejisay, iyadiina aanay dood dambe ka keenin. Waxa ay u sheegeen in arrinku sidaa ay u sheegeen u dhacayo, sababtuna tahay in Alle SWT, waxa uu doono abuuro, kolka uu goynta arrin doonana yidhaa uun ahow, dabeed uu ahaado arrinku.

Jawaabtan Malaa’igtu siyeen Maryam waa mid maanka qofka Alle  rumaysan deeqaya, sababtoo ah rumaynta aad rumaysan tahay Alle ayaa ah in Alle SWT, maamulo adduunka, waxa uu doonana sameeyo, arrin uu doonaya in uu ahaadana u dhacayo inta uu ka odhanayo ahow deeto uu ahaanayo.

Maryam waxa loo sheegay markii uurka lagu beeray in hadalka ka aamusto, waxa ay doonaysana tilmaamid ku dhammaysato, hadalka kaliya ee loo ogolyahayna uu yahay in ay tidhaa waan soomanahay oo hadal ayaan ka afxidhanahay. Waxa taa loo amrayey in ay ka nabadgasho aflagaaddada dadka iyo murankooda.

Xanuunkii foosha iyo ugubnimadeeda dhalmo ayaa ay ku calaacashay iyada oo geed haysata, “Guuldarradaydee maan dhinto uurkan ka hor oo aan ahaado mid la ilaawo oo laga tago.” Malaa’igtu waa kuwii inoo soo sheegay ilmahani in uu uurka ka soo dhex hadlayee, catawgaa hooyadii kolkii uu maqlay ayuu ku yidhi ha murugoon.

Maryam oo qoyskaa Alle ka soo warramay ka dhalatay ayaa reerkoodii fadeexadeeyeen, uurkaa ay qaadday darteed. Su’aalahii ceebaysigaa ahaa waxa ka mid ahaa in ay ku yidhaahdeen, “Haaruun walaashiiyeey, aabbahaa nin gob ah ayuu ahaa, hooyadaana dumarka xun laguma sheegin.”

Waxa ay u tilmaantay caloosheeda, iyaguna waxa ay ugu halceliyeen naa ma kan ayaa nala hadlaya deeto Nabi Ciise isagii ayaa garnaqsaday oo ka yaabiyey, hadal dambe nimankii lagama helin, ileen maangaab waligii waa indha ku garaadle.

Sababta Maryam Quraanku u sharfay waa hal-adaygnimadeedii, waa doorashadeedii Alle SWT dumarka ka doortay, waa kaalinteedii dhowrsanaaneed, waa u banbaxeedii ay nolosheeda u hibaysay in ay ahaato mid u adeegta guriga Alle SWT.

Maryam oo ka dhalatay qoyskaa karaamada leh ayaa maangaab ceeb oo idil huwiyeen hubsimo la’aan. Waa Maryam oo markii ay dhalatay loo qori turanayey in la hayo oo ammaan lagaga kasbado qoyskeedaa, malmihii ay maraysay jirrabidda Allena muran la geliyey dhowrsanaanteeda.

Maryam waxa aynu u dhitaynaynaa kana baranaynaa in ay ahayd haweenay samir badan; ku samirtay in ay noqoto adeegto iyada oo aan duruuf u geyn, dhowrsanaanteedii, iyada oo aan waalidkeed korsan haddana dhawrsanayd, jirrabiddii Alle ee uurqaadistii nabi Ciise oo dhaxalsiisay fadeexad tolkeed si kasta u ceebaystaan, una dulqaadatay dhaleecayn kasta oo uga timaadda.

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com

Hoos ka akhriso qaybihii hore ee mowduucan:

http://bandhige.com/dhuuxidda-qisooyinka-quraanka-qabkii-qaaruun-iyo-dhul-la-goiisi/

http://bandhige.com/dhuuxidda-qisooyinka-quraanka-muuse-aqoon-korodhsigii-khadir-wq-sheekh-cabdirisaaq-cabdiraxmaan-xasan-rakuub/