Dhuuxidda Qisooyinka Quraanka Sulaymaan iyo boqoraddii reer Saba Q.3aad (WQ: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub)

Dhuuxidda Qisooyinka Quraanka
Sulaymaan iyo boqoraddii reer Saba

Waxa aanay keentay xal dagaal lagaga baaqsado. Waxa ay tidhi ninkani wuxuu yahay waxa aynu ku ogaanaynaa in aynu jirrabno. Waxa aynu u diraynaa hadyad waxa aynu eegaynaa falcelintiisaa.

Waxa ay maagan tahay haddii hadyaddaasi qanciso in aanu ahayn nin sidaa u si ridan oo xoogaa adduun ahi kaga filanyey in ay ku aamusiyaan amaba dagaal lagu qaadaa xal noqon karo, se haddii uu diido hadyaddaas uu yahay nin aragti hagayso oo aan la caabbin karin. Nabi Saleebaan kolkii uu arkay hadyaddii markiiba in la eegayo wuu gartay, wuxuna jawaab ka dhigay in loo keeno kursigeeda.

Dhacdada kursiga waxa ku duugan sheeko aad u xiiso badan, waa in Cifriid ku odhanayo gelin ayaan ku keenayaa kursigaa, Saleebanna aanu warkaasi farxadgelin, nin kale oo aadane ah oo dadka aqoonta leh sida Quraanku ka marag kacayo uu odhanayo anigaa keenaya inta aanad libiqsan. Tartankaa ciidanka Saleebaan dhexmaray isagu wuxu u jeedsanayaa xagga Rabbigii in uu u mahadceliyo oo aanu isqaadan.

Waxa aad arkaysaa qofka iimaanka leh wax kasta oo san oo la soo gudboonaada in aanay awood, aqoon iyo lacag u celine ay ogsoon yihiin in ay ka timid xagga Rabbi lana eegayo sida uu uga falceliyo. Kolkii loo keenay kursigeedii wuxu amar ku bixiyey in la yar geddiyo, si loogu imtaxaanno in ay garato iyo in kale.

Kursigeedii oo meesha yaalla ayey timid waxa la waydiiyey in ay garato, se waxa ay sheegtay in uu u eegyahay kursigeedii, hadalka Quraanku ka soo guuriyey haweenaydaasi waa mid amakaag muujinaya, “Waxa aad moodda isagii.”
Waxa ay la ashqaraartay bilicda xarunta boqortooyada Nabi Saleebaan sida loo qurxiyey. Kolkii ay soo gashay gudihii boqortooyada ayey faydfaydatay iyadoo ka baqaysa in biyo hoosteedaa ka muuqdaa qoyaan. Kolkii uu arkay haweenaydan xaydxaydanaysa ayuu ku yidhi quraarad ayaa ka sarraysa ee caadi isaga soo soco.

Balqiisa oo ka talinaysay boqortooyo aad u balaadhan waxa ay mooganayd in Alle dunidan maamulkeeda leeyahay, waxa ay Alle ka dooratay cadceed loo addoomobo. Dadkii ay isku soo xeertay ee garaadka ay ku tuhmaysayna caadadaa xun ayey fulinteed la hareer taagnayeen.

Soo maad maqal duulkaas hebel ayaa shimbir looga soo dhigay oo arrinkaa ka furdaamiyey. Haddaba boqortooyadan Alle SWT shimbir soconayaa ayaa u sabab uga dhigay in ay tubta toosan ku soo noqdaan, waa Hud-hudkiiyee. Saleebaan wuxu ugu yeedhay diin aan kala sarrayn lahayn, isagaa nabiga ah iyo iyadaa maanta soo islaantay u siman yihiin, Ilaahayna loogu kala dhow yahay sida loogu kala hoggaansanyey awaamirtiisa, waa sababta sheekadan Alle ugu soo gunaanaday hadalkeedii ahaa, “Allahayoow, naftaydii hore u waan dulmiyey, aniga oo kaashanaya Saleebaanna Ilaahay ayaan isu soo dhiibay.”