Dhuuxidda Qisooyinka Quraanka: Yuusuf- dhaqangeliyihii aargoosi la’aanta

Nabi Yuusuf wuxu tusaale inoogu yahay xumaha in samo lagugudo. Waa nabi ay tahay in laga barto hal-adaygnimada. Waa wiilkayar ee noloshiisa la kawsanaya xiqdi walaalidii ah, silic waayuhu badayo, waa ilmaha arkaya isaga oo nolosha lagu kala iibsanayo, caloolxumadaa oo dhanna aan ka aarsanayn.

Waxa laga iibsanaya guri wasiir, wasiirkaa oo aan carruur lahayn ayaa ubad ahaan u korsanaya, tii uu islahaa hooyo ha u noqotaa damcaysa, Ilaahay oo uu ka baqayo iyo abaalka uu wasiirkaa u hayo ayaa ku kallifaya in uu ka dhowrsado waxa ay gabadhani ka doonayso. Iyadii oo baacsanaysa ayaa wasiirkii u soo galayaa, deeto waxa la eegaya shaadhkiisu xagga uu ka dilaacsanyey, in uu aamuso ayaa laga codsanayaa si aanu wasiirku u ceeboobin, haddana warkii waa baxayaa.

Dumarkii magaalada kolkii warkii haweenaydu gaadhay ayaa xanteedii isla oogsatay, waxa ay damacday in dabinka kaligeed aanay ku dhicine lala soo wada galo, casuumad ayey samaysay, middiyo in ay u wada dhiibtayna Quraanku sheeg, Yuusuf oo dhar bilicsan ay u soo xidhayna way hormarisay deeto mar qudha ayey faraha is wada jareen iyagoo isla maqan. Waxa ay sheegtay kan in ay damacsan tahay, waxa ay rabtana haddii aanu u samayn in uu jeelka ka soo warrami doono, isna jeelka ayuu ka door biday waxa ay rabto.

Wasiirkii in aanu juuq odhan oo uu aqbalay amarkaa xaaskiisa waxa caddayn u ah sida Quraanku aanu uga warramin mar dambe hadal uu leeyahay, ileen kolkii hore waa kii xaalka siinayey nabi Yuusuf e’.

Laba wiil oo jeelka kula xidhnaa oo riyooday ayaa doonay in uu u furfuro riyadooda, waxa aanay u sii raaciyeen sababta ay u doonayaan in uu riyadooda u fasiira ay tahay in ay u arkaan nin ka mid ah dadka wanaagsan. Nabi Yuusuf NKH, wuu uga warramay fasirka riyadooda. Labada wiil mid ba ka agdhow boqorka waddanka, sababtaa ayuu nabi Yuusuf wiilkaa uga dalbaday in uu xaalkiisa uga waarramo boqorka, balse wiilkii wuu iloobay farrintii saaxiibkii, isna sannado kale ayuu ku sii jiray jeelkii.

Boqorkii ayaa isna habeen ku riyooday toddoba neef oo shilis oo ay cunayaan toddoba wayd ahi, toddoba naas oo hadhuudh cagaaran ah iyo qaar qalalan, waxa uu dalbaday in loo furfuro riyadan, madaxyawayntii agjoogtay way ka wada gaabsadeen, yarkii ayaa xusuustay farriintii saaxiibkii, waxa uu sheegay in uu garanayo nin jeelka ku jira oo fasiri kara riyadan.

Nabi Yuusuf waxa ay u noqotay fursad uu bannaanka ugu soo baxo, waxa uu sheegay in ay soo socdaan sannado abaar xidhiidh ahi, lagaga bixi karo iyada oo kayd la sii dhigto. Taladiisa san waxa soo dhaweeyey boqorkii waxaba uu ka dhigay wasiirka maaliyadda. Arrinta xusidda mudan waxa weeji in aanu bannaanka u soo bixin ilaa uu tuhunkii dumarka iska saaray, haweenaydii wasiirka ayaa ugu dambayn raalligelin bixisay sheegtayna gardarro in ay ku xidhay isaguna uu ahaa wiil dhowrsoon.

Nabi Maxamed NNKH, waxa uu u bogay dulqaadka nabi Yuusuf, isagoo sheegay in uu soo bixi lahaa haddii lagu odhan lahaa soo bax balse nabigani ka door biday soo bixidda in uu horta tuhunkii iska fogeeyo.

Noloshu waa meertee walaaladiisi ceelka ku riday ayaa yimi deegaankii uu ka talinayey, iyaga oo duruufaysan, isna wasiir dhalaalaya yahay. Kolkii ay u galeen isagu markiiba waa uu gartay ileen rag gashaanqaad ah ayey xilligaa ahayeene, se iyagu ma garan oo isagoo mujo ah ayey ceel ku rideen geeri wax aan ahaynna uma xisaabsana.

Kolkii uu raashinkii siiyey waxa uu waydiiyey in uu jiro wiil ay xagga aabbo ka walaal yihiin, jiritaankiisa ayey u sheegeen, in ay soo kaxeeyaan haddii ay doonayaan in uu mar kale raashin siiyo ayuu ka dalbaday. Shaqaalihiisi ayuu ku yidhi badeecaddooda ay wax ku iibsanayaan rarkooda ugu dhex rid si ay u soo noqdaan.

Wiilkii ayey soo kaxeyeen oo ballantii way oofiyeen, waxa uu ku yidhi, “Ma garanaysaan wixii aad ku samayseen Yuusuf?” waa ay calaacaleen oo sheegeen in Ilaahay uga hiiliyey maanta kol hadday bahanayaal yihiin, isna uu yahay wasiirkaa la majeeranayo. Gobannimadiisa balaadhan darteed waxa uu u sheegay in aan canaan dushooda ahaan, soo guuraan, aabbahoodna soo kaxeeyaan xaggana ku ahadaan qaar cisi ku leh.

Sheekadani waa qiso xanuun badan oo ku dhammaanaysa xaggay ka bilaabmayso, waa sheeko riyo ku ibo-furanta, kuna idlaanaysa riyadaa furfurkeeda, walaalo walaalkood caloolxumo ay u qaadaan ku dhaxalsiiya in ay geeri kaga yimaaddaan, isna ugu abaalcelinayo in uu qaar la maamuso ka yeelo, waa innamo addoonnimo walaalkood badaya isna gaajo uu ka ilaalinayo, waa rag xoog iyo bah ugu faanaya isna awooddiisa wasiirnimo aanu kaga cad goosan doonin. Isku soo xoori waa sheeko dhugasho u baahan iyo wax ku qaadasho.

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com

Hoos ka akhriso qaybihii hore ee mowduucan:

http://bandhige.com/dhuuxidda-qisooyinka-quraanka-maryam-astaanta-dhowrsanaanta/

http://bandhige.com/dhuuxidda-qisooyinka-quraanka-qabkii-qaaruun-iyo-dhul-la-goiisi/

 

http://bandhige.com/dhuuxidda-qisooyinka-quraanka-muuse-aqoon-korodhsigii-khadir-wq-sheekh-cabdirisaaq-cabdiraxmaan-xasan-rakuub/