Inbadan waxaad arkaysaa dood iyo cabasho ku saabsan “Dheelitirka isdhaafsiga badeecadaha, sinnaanta ka faa’idaysiga khayraadka” iyo “xakamaynta dhacdooyinka amniga oo dhexmara waddamo aan isku dhaqanka ahaayn”. Waa labo wejji oo kamid ah hanaanka dibloomaasiyadda.
labadan hannaan oo qallafsan ama fa’iido yeelan karra, kana mid ah xidhiidhka caalamiga ee dunnidu ku dhaqanto, waa labo hab macaamil kuwa ugu xoogga badan dhanka dubloomasiyadda iyo isku haaynta dabarrada xudhiidhka caalamiga ah laakiin, bulshooyinka ka baxsan siyaasada ay aad uga cawdaan una dhaliilaan, Waxa kamid ah:
1. Wadarta isku tiirsanaanta dhanka amniga (inter security check), habkani waa inaad amnigaaga sugto (amniga gudaha iyo kan dunnida), adoo adeegsanaya dibloomaasiyiinta dunnida kale kusugan ama, aad basaasto dhaqdhaaqa ka socda waddanka aad ka shakki qabto iyo kooxaha kasoo horjeeda gaar ahaan goobaha fadhigoodu yahay, sidoo kale inaad iibbiso nabbadda xuduudaha aad la leedahay waddamada kale, adoo kahor tagaya dhacdooyinka amni darro ee ka imanaya dhanka xuduudaha (jabhad ama baxsadka dambiilayaasha), habkan wuxuu galaafankara naffo badan oo aan waxba gallabsan laga shakkiyay oo kali ah.
Dhammaan hadallada adag waa ka reebanyihiin qodobkan in saxaafada iyo goobaha bulshada lagu wadaago, laakiin hoos-hoos buqnaha aya laaysu jaray!
2. Hanaanka labaad, wa nidaamka loo yaqaan inaad abuurto isku tiirsanaan iyo baahi nololeed ama badbaado. Faa’idada ku jirta waa in la qaadankarro waxsoo-saarkaaga ( nafci iyo nafci darro), guud ahaan waxyaabaha aad hodonka waddanku ku yahay, gaar ahaanna kuwa aan muwadiniintu u baahnaayn ama waqtigiisu gabaabsiga taaganyahay, adoo ka werwer qabba inuu ku imankaro suuqdhac.
Fikirkan waxa loo yaqaan (absolutely and master advantages). Dibloomaasiyiinta, waa inaay abuuran nidaam siyaasadeed oo suuq loogu helikarro wax soo-saarkaaga, socdaalada madaxdu ku kala bixiso waddamada kale, waxaad maqashaa “heshiis labo-geesood ah”, laakiin heshiiskaas waxa horseed u ah booqdaha, waa sababta socdaalaha keentay waddankaas oo ah, inuu suuq u helo waxsoosaarka waddankiisa gaarka ah, ama la fududeeyo isu-socodka, halka waddankaas kale dantiisu noqonkarto caawimo……….. . Socdaaluhu muhiimadiisu maaha inuu ogaado tabaalada waddankaas, e wa kuurgalka maxaad u suuq-gayn-kartaa.
Mararka qaarkood: Si’ay dibloomasiyadda waddankaaga e xambaarsan koboca dhaqaalahaga u shaqaayso una hirgalo hadafkeedu: waa inaad qaadaa weerar adoo kaga takhalusaya hogaamiye waddankale, kasoo ka horyimid nidaamka aad u qoondaysatay hab-dhaqan-dhaqaaleedka waddankaaga, ama marinno cusub oo xidhmay u furt, kaas oo fududeeynaya isku gooshka safarrada badeecaddaha (made in).
Hirgalinta qalaalasaha dibloomaisyeedeed ee aad ku furuurayso waddankaas, waxa kamid ah: Abuurista jabhad qalabaysan, sidoo kale wadamo kale ayaad ku abaabulaysa adoo xulafaysi dhaqaale raadinaya, laakiin u dhigaya habab diimeed ama qabali, hubka ugu culusna waa adeegsiga dhacdooyinka taariikhiga ah ee xanafta lahaa, ama dhacdo kaffan dhiigleh tusaysa sida: kelmadii Bush kahor dhawaaqay Sucuudiga oo booqaho kutaggay intii u madaxwaynaha ahaa ” Iran hadday hub hesho, waxaay gummaadi doontaa Carrabta “. Kelmadan, waxay ahaayd koow: inaan Iran isku fillaanshiyo gaadhin lana curyaamiyo, sida: Sacuudiga hubka ug keensadaan Maraykan. Labo, in Sucuudigu hub badan ka keensadaan US iyo, in aay u arkaan saaxiib dhow Maraykanka, Irannna noqoto cadowgooda. Hirgashay intaasi ba.
Dhanka kale, abuurista dagaalada iyo jabhaduhu, waa suuq-gaaynta hubka iyo adeegga asaasiga ah marka barakacayaal yimaadaan oo si kordhaan. Waa in dagaalo dhacaan si loo heli hab-koboc kala iibsi!
Dagaalka, badhkale oo dunnida kamid ah ayaa xal u aragta sida: shirkadaha soo-saara hubka, halka isgumaaysiga dhaqaalaha 80% waxa loo arkaa guul, madaama loo baahanyahay meel loo iibgeeyo badeecadaha cusub iyo kuwa waqtigoodu dhacayo. Adigu se waxaad u aragtaa, cabudhin dhaqaale iyo ku tiirsanaan xal la’aan ah.
Maandhoow, ha yaabin markaad aragto waddan gubbanaya, ha yaabin markaad aragto barakacayaal, ama jabhaddo duruuf ku asaasmay.
Dibloomaasiyadda waa xeelado badan, dunnidu na waa isku dannaysi u baahan inaad keento waxaad iibinayso iyo waxaad ku difaacanlahayd khayraadkaaga iyo bandhigaaga.
Danyartu waa nabbad raadis aan danaayn xeeladaha dibloomasiyada, gadgadoonka iyo hagardaamoyinka siyaasadda, iyagu waxay ka dhugtaan maxsuulka (outcome), hogaamiyaasha dunnidu na waa dhaqaale raadis badankood, mid waddankiisa ah iyo midgaar ah (Matual or absolute benefits).
Rabbi yasir.
Xasan Cabdi Shire