Diintu ma akhlaaq baa mise akhlaaqda ayaa diin ah? (WQ: Mukhtar Ahmed Noor )

Inta badan marka la dhiganayo kutubta diinta islaamka marka eray la macnayno waxa loo kala qaadaa macnaynta luuqad ama af ahaan iyo micnaynta sharci ahaan oo afka carbeed ku noqonsa ( لغة واصطلاحاً) hadaba diintu luuqad ahaan waxay noqonaysaa Aaminsanaan, u hogaansamida iyo rumaynta awood saraysa, sharci ahaana diintu waxay noqoneysaa isu dhiibitaan kaamil ah oo alle laysu dhiibo iyo cibaadadiisa hadal ahaan iyo ficil ahaanba iyo in la rumeeyo wixii kusoo arooray kitaabka iyo sunnada, raacida wixii layna faray iyo ka tagida wixii laynoo diiday.

Akhlaaq, anshax ama damiir (Morals) waxaa si fudud loogu qeexaa in ay tahay kala garashada saxa iyo khaladka, samaha iyo xumaha, in la kala sooco waxa ay tahay in la sameeyo iyo waxa ay tahay in laga fogaado, …iwm.  Akhlaaqda waxa ka mid ah, runsheegga, ammaanada, cafiska, naxariista, tudhidda, dulqaadka, daacadnimada, xaqdhawrka, xishoodka, wax-quudhkaka, nafhuridda, ,,, iyo qaar kale. Umadaha qaar wixi dhaqankoodu akhlaaq u yaqaan ayaa akhlaaq u ah Tusaale ahaan dadka hindidu waalidkood ayay cagaha qabsadaan iyagoo aaminsan inay tahay xushmad iyo ka barakaysi.

Hadaba hadii aynu ka jawaabno waydiinta kor ku xusan waxa aynu leenahay in diinta iyo akhlaaqdu ay is dhamaystiraan, dhamaan diimaha aduunka ka jira iyo kuwii soo marayba waxyaabaha ugu waawayn ee ay ku duulayeen ayaa ah akhlaaqda, iyadoo la odhan karo asalka akhlaaqdu in aanay ka iman diimaha, dadka daraaseeya arimaha bulshada ( Sociologists) qaarkood waxa ay aaminsan yihiin in akhlaaqdu ka timi qaanuunka dabeecada ( Natural Law) qolo kale ayaa iyaguna aaminsan in akhlaaqdu ay ka timaado wadanoolaanshaha bulshada (=qoys, qaraabo, qabiilo, qowmiyad, qaran, quruumo, ..iwm).

Nabiga Scw waxa laga wariyay xadiis uu macnahiisu yahay ( Mu’miniinta waxaa ugu iimaan badan kooda ugu akhlaaq wanaagsan)( إن أكمل الؤمنين إيمانا أحسنهم خلقا) xadiiskan waxa aynu ka fahmaynaa in akhlaaqda iyo imaanku ay isku xidhan yihiin, sido kale waxa jira qawl ay culimadu isku raacday oo odhanaya ( Diinta dhamaantee waa akhlaaq, qofkii kaa akhlaaq bataana waa kaa diin badan yahay (الدين كله خلق: فمن فاقك في الخلق فاقك في الدين”.)  waxa isna xusid mudan xadiiska oo nabiga SCW laga wariyay oo macnihiisu yahay ( Waxa laysoo direy uun inaan dhamaystiro akhlaaqda teed wanaagsan )(  ( إنما بُعثت لأتمم مكارم الأخلاق ). Xaadiska ugu dambeeyana waxa laga fahmayaa in akhlaaqdu ay sii jirtay madaama uu dhahay waxaan dhamaystirayaa akhlaaqda, nabiga scw intaan loo waxyoon ka hor waxa laga ogyahay inuu ahaa mid dhaqan iyo akhlaaq wanaagsan oo ka tilmaaman bulshada uu ku dhex noolaa iyadoo uu ku sifeysaa magacaha ah Aamin.

 

Iyana waxa xusid mudan hadii akhlaaqdu ay diin ku xidhantahay maxaa muxlidka ku khasbaya inuu inuu yeesho dhaqan suuban ? ( waydiin waxa inooga jawaabaya Ibn Miskaweyh waxaana uu leeyahay ( Maxay tahay sababta mulxidka diin laawaha ah ku riixaysa in uu wanaag sameeyo, oo ammaanada guto, oo samaha joogteeyo, oo kan la dhibay u naxariisto, oo kan qaylinaya kaalmeeyo, oo kan soo nabad gala ee hortiisa ku cabanaya uu u gargaaro? Isaga oo aan abaalmarin rajeynayn,  noqoshana sugayn, xisaabna ka baqayn”.)

Dhanka kale, waxa xaqiiqo noqonaysa in akhlaaqda aanay diintu asal u ahayn ee ay tahay qanuun dabiici ah, iyadoo ay cadayn inoogu filantahay cawaanka kaymaha daganba in laso ogaaday iney leeyihiin noocyo ka mid ah akhlaaqda, saas awgeed diimuhuna waxay sii horumariyeen akhlaaqda, dhamaan diimaha wakhti xaadirkan la aaminsan yahay waxa ay ka siman akhlaaqyo badan, wanaagana way is faraan xumaha way iska reebaan,

Ugu dambeyn, Akhlaaqda oo diin lagu xidhaa waxay keenaysaa in akhlaaqda lagu koobo bulshada diintaas haysata oo keliya, oo laga qadiyo umadaha kale, saas awgeed musimiintu gaar uma lahan akhlaaqda sido kale kiristaankuna gaar uma laha, wa dhaqan loo baahan yahay in laga helo qof kasta oo ah bani aadam dhamaystiran.

Wixii aan gefey waa naftayda