Dilaaga COVID 19 iyo Dabaaldegga Ciidda (WQ: Mustafe Maxamed Khayre)

28kii September 1918, magaalada Philadelphia ee ku taalla Maraykanka waxa ku soo fool lahaa dabaaldeg muhiim ah oo loo yaqaan Socdaalka Xorriyadda, kaas oo qaadhaan loogu ururinayey ciidamadii Maraykanka ee ka qaybgalayey dagaalkii 1aad ee dunida. Wakhtigaas waxa dunida faro ba’an ku hayey hargabka Isbaanishka oo galaaftay nolosha ku dhawaad 50 milyan oo qof. Sida ay taariikhyahannadu weriyeen, maamulkii Philadelphia iyo dadkii magaalada ku noolaa si kasta waa loogu caqli celiyey. Waxa laga baryay in ay dabaaldegga baajiyaan maadaama xanuunku ku fidayo isku imaatinka iyo isku milanka bulshada, waase la kari waayey. Baaq kasta oo loo diray dhagaha ayay ka furaysteen.

Dabaaldeggii si qurux badan buu u qabsoomay. Waxa ka qaybqaatay 200,000 oo qof oo kor u lulaya calanka Maraykanka iyo astaanta Philadelphia. Durbaannada, sacabka, heesaha, gaardiska, wax kasta oo maalintaa lagu weynayn karayey waa la sameeyey. Si kasta waa loo damaashaaday. Warbaahintuna waxay markiiba u aqoonsatay maalin ka mid ah maalmihii ugu mudnaa Philadelphia.

Muuqaal ka mid ah dabaaldeggii Philadelphia, 1918

Maxaa ka dambeeyey?

Muddo lix toddobaad gudahood ah waxa magaalada ka dhintay 12,000 oo qof, waxaana xanuunka u soo dhacay 47,000 oo ruux sida ay weriyeen CNN iyo Washington Post. Bukaankii sariiro qaada ayaa loo waayey, maydadkii xabaalo lagu aaso iyo cid aasta ayaa loo waayey, shaqaalihii caafimaadku gacmaha iyo maskaxdaba way ka daaleen. Dadka intii hadhay waxay noqdeen wax nafta la baxsada iyo wax is go’doomiya. Magaaladii waxay noqotay gelgelin cidlo ah. Waxa kaliya oo la maqlayey dhawaqa ambalaaska iyo baroorta kuwa geeriyeysan. Khalkhal iyo jahawareer aan hore loo arag ayaa dhacay. Dadkii wakhtigaa noolaa waxay xaaladda ku sheegeen mid murugo badan oo aan ku fiicnayn in la xasuusto.

Dhanka kale, magaalada St. Louis oo iyaduna dabaaldeggaa isku diyaarinaysay markii ay xaqiiqsatay halistii jirtay way baajisay xuskii. Sidaana waxay kaga badbaaday masiibadii jirtay intii ugu badnayd. Waxa xanuunka kaga dhintay 700 oo qof oo kali ah.

Casharka dhacdadan laga baranayaa wuu inoo cad yahay. Haddii ururka iyo isku imaatinka bulshada la xakamayn waayo xanuunkana lama xakamayn karayo oo xawaare degdeg ah ayuu xadhkaha ku goosanayaa.

Maxaa innala gudboon?

Ciid-Al-Fitri waa munaasibad dunida Islaamka aad ugu weyn. Waa maalin ka mid ah kuwa innoogu farxadda badan. Damaashaadkeeda iyo raynraynteedu waa kuwo aan la hurri karin. Hase ahaatee durruufta maanta jirtaa innooma suurogalinayso in aynu u dhaqano sidii aynu u dhaqmi jirnay. Belaayo madax la qabto mooyee mijo la qabto ma leh. Waa in badbaadinta ummadda wax kasta laga horaysiiyaa sida ay diinteenuna ina farayso. Haddii sidii caadiga ahayd loo ciido, waa sida ay u badan tahaye, waxay inoo horseedi kartaa masiibo la mid ah halaaggii ku dhacday Philadelphia 100 sanno ka hor. Ilaahay kama yeelo.

Waa tallaabo fiican in Madaxweynaha Somaliland uu baajiyey xuska 18ka May iyo 26ka June. Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu in uu joojiyey taraawiixda iyo tahjudka tobanka dambe ee Ramadaan iyaduna waa tallaabo waxtar leh. Hase ahaatee intaasi kuma filna xakamaynta COVID 19. Waxa loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin dheeri ah oo degdeg ah. Werwerka ugu badan wuxu hadda ka taagan yahay dabaaldegga ciidda foodda innagu soo haysa. Xukuumadda iyo Guddida Ka-hortagga COVID 19 waa in ay dedaal geliyaan sidii ay u yarayn lahaayeen saxmadda iyadoo suuqyada Hargeysa iyo magaalooyinka kaleba la ciirciirayaan dadkii iibsanayay dharka iyo agabka kale ee ay ku muujiyaan farxadda ciidda. Haddii tallaabooyin fulineed la qaadi kari waayo waxa loo baahan yahay in wacyigelinta aad loo xoojiyo.

Maalinta cidda waxa lagama maarmaan ah in salaaddii aynu jamaca ku tukan jirnay oo sunne ah la joojiyo, dadkana la faro in ay guryahooda ku tukadaan. Waa in heeganka ugu sarreeya la geliyo ciidamada fulinta isla markaana la xidho maqaaxiyaha, garoonnada, goobaha ay carruurtu ku ciyaarto, goobaha lagu caweeyo iyo meel kasta oo horseedi karta isu-imaatin bulsho.

Danteenu waxay ku jirtaa in farxadda ciidda aynu guryaha dhexdooda ugu dabaaldegno. Nasiib wanaag tiknoolajiga casriga ah ayaa inoo suurogalinaya in ehelkeena iyo inta aynu jecel nahay aynu si sahlan ula ciidno, ula xidhiidhno, ulana faraxno. Baraha bulshada ayaynu sawirrada iyo farrimaha hambalyada isku weydaarsan karnaa. Barnaamijyada telefishannada iyo idaacaduhu soo daayaan ayaynu guryaha kala socon karnaa. Dadka inta aynu ugu jecel nahay oo qoyskeena ah ayaynu wakhtiga ugu badan la qaadan karnaa.

Annagu qoys ahaan guriga ayaanu ku ciidaynaa insha’allaah. Adigana sidaasaan kugula talin lahaa!