Dimuqraadiyad iyo midnimo: laba aan is qaadan karin (WQ: Mohamed O. Hagi Mohamoud)

Beenaha ugu waaweyn ee aynnu maalmahan ugu dambeeyey sheegayno waxa ka mid ah in la isku sidko dimuqraadiyad iyo midnimo oo ah labo shay oo aan sinaba isku qaadan karin. In dadka la mideeyo iyada oo aan la iswayddiin suuro-gal ma tahay in nidaam iyo hab dawladnimo oo dimuqraaddi ah ummad la gu midayn karo?

Ma jirto ummad dimuqraaddi ah oo dunida korkeeda ku midaysan. Tusaale u soo qaado Maraykan iyo Yurub, si walba u eeg nidaamkooda bulsho iyo kooda hay’adood. Waxa la gu kala qaybsan yahay aragti wal oo dhexdooda taal wax aan ka ahayn masiirka guud ee cid walba danta u aragto; sida jiritaanka qaranka, nabad-galyada iyo wada noolaanshiyaha. Wax wal oo kale waa lagu kala duwan yahay.

Marka ay timaaddo dimuqraadiyadi, waxa ugu horreeya ee soo raaci karaa waa qaybsan bulsho. Waxa la gu kala qaybsamayaa aragti, diin, isir, qoom iyo qabiil hadba ciddaa dimuqraadiyadda qaadatay itaalkoodu halka uu markaa joogo. Ummadaha garaadkooda aqooneed/xadaaradeed iyo wadciga ay ku jiraan horumarsan yahay afkaar iyo aragti dhaqaale ayey ku qaybsamaan.

Kuwa intaa ka hooseeya ee aan ilbaxnimo dawladnimo iyo farsamo aqooneed oo kale lahayn waxa ay dimuqraadiyaddu u kala dhambashaa sida ay u yaalliin isir ahaan. Waxa ay u qaybisaa hadba sida ay u kala duwan yihiin. Tusaale ahaan, Haddii ay qoom ahaan u kala duwan sidaa ayey u qaybsamaan, tusaaluhuna waa Kiiniya. Haddii ay qabiil yihiinna sida tusbaxa ayey dimuqraadiyaddu u kala daadisaa, oo ay habhayb iyo oday oday u kala fadhiisisaa sida Somaliland.

Marka ay dimuqraadiyaddu sida tan yeelayso waa marka dadka ku dhaqmayaa ay yihiin kuwo aqoonta dawladnimo ka arradan. Cid wal oo qaadata nidaamka dawladnimo ee noocan ah hadba wadciga bulsho, garaadka aqoonta iyo xadaaradda guud ee dawladnimo halka ay joogto ayey ku idlaataa. Haddii run la doonayo waa in la yidhaa nidaam wax qaybiya ayeynu qaadannayey sidee ayeynu aqoonta bulshadeenna kor ugu qaadnaa si ay u fahamaan danta dawladnimada la ga leeyahay.

 

Mohamed O. Hagi Mohamoud