DOOD: Ma Somali Republic mise Somalia Republic? (WQ: Xasan Cabdiqaadir Yuusuf “Garnayl”)

DOODDA: Ma Somali Republic mise Somalia Republic?

Araarta iyo sharaxaada waan ka tagayaa oo nuxurka qormada ayuun baan abaari. Afar su’aallood oo laba dhinaca iskuugu sidkantahay ayeynu jawaabo u raadin. Ugu horeyn xaggee ka yimaadeen labada magac ee Somalia iyo Somaliland?. Marka labaad, maxaa sababay in hal dal loogu wada yeedho labada magac ee sare, oo macno ahaan aad u kale duwan.

– Somali Republic ( Jamuuriyadda Soomaalida ama Soomaaliyeed) waa dal xuduudiisa iyo muwaadinkiisu yahay qoomiyadda Soomaalida.

– Somalia Republic (Jamuuriyadda Soomaaliya) dal ay leeyahiin qayb ka mid ah qoomiyadda Soomaalidu, leh na xuduud aan wada gaadhsiineyn qoomiyadda Soomaalida oo dhan.

• Somalia

Gumaystaha hortii qabaa’ilka Soomaalidu mid walbi isagaa gooni u lahaa tallada deegaankiisa; muu jirrin wax aan ahyn magaca qoomiyaddeed ee ‘SOOMAALI’ oo ka dhaxayn jirray. Haddaba dhulkii Soomaaliyeed ee Talyaanigu qabsaday, oo daruufo iyo xaalado kale duwan ku sugnaa ayuu 5 April 1908dii ku mideeyay magaca ‘Somalia Italiana’. Magacani wuxuu ku soo baxay xeer Baarlamaan (Decree No:161). Dadkaa Soomaaliyeed markii ay xornimada ka qaateen gumaystahii, waxaa u soo hadhay magacii ‘Somalia’ oo laga jaray intii hore ‘Italiana’. Ka hubi xogta buugga: Hess, Robert L. Italian Colonialism, p 102.

• Somaliland

1869kii ayaa la furay kanaalka Suways. 1884kiina reer Yurub ayaa Berlin ku qaybsaday Africa. 1884—1886kii ayuu hishiis kale duwan Ingriisku la galay qabaa’ilka Soomaaliyeed ee deganaa Saylac illaa Laasqoray. Dhulkan, dadkii macaamilka kale duwan kale dhaxeeyeen sidda Masaari iyo Turkidu waxay u yaqaanneen magacyo uu ka mida ahaa ‘Berul-Soomaali’. Isla magacaas ayuu Ingriisku afkiisa u rogay 1888kii, markii ay hishiiska xuduuda kale saxeexanayeen Faransiiska oo qabsaday Jabuuti.

Somali Republic Vs Somalia Republic

27 June 1960, maalin ka dib xornimadii Somaliland ayuu Baarlamaankeedii ansaxiyey xeer lagu midnaayo (Act of  Union) Somalia oo 4 cisho ka bacdi (1 July 1960) xornimo qaadan doonta iyo Somaliland oo maalintaas xor ahyd. Isla 1dii July 1960kii ayaa Baarlamankii Somalia na ansaxiyey xeer kaa hore dhiggiisa ah (Atto di Unione). Labadaas xeer waxay si isku mid ah u qeexayaan in: Somaliland iyo Somalia ku midoobeen Somali republic.

Sirta qaadasha magaca ‘Somali Republic/Jamuuriyadda Soomaliyeed’ waxay ahyd hillaadinta rajo Soomaali weyn iyo raadinta Soomaalidii kale (NFD, Jabuuti iyo Soomaali Galbeed) si ay ugu soo biiraan walaalahood, loona unko DAL xuduudahiisu yahay kuwa qoomiyaddeed. Haddaba su’aashu waxay tahay: maxaa soo celiyey magacii laga guuray ee ‘Somalia Republic’ oo qeexay dal ay leeyahiin qayb ka mid ah qoomiyadda Soomaalidu? Muxuuse u hirgali waayey magacii qaynuuniga ahaa ‘Somali Republic?.

Si kooban, sababtu waxay ahyd: markii madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan, Qaramada Midoobay u qoraayay warqadda codsiga xubinimada dalnimo, muu gudbin magacii dastuuriga ahaa (Somali Republic) ee wuxuu gudbiyey SOMALIA. Siddaas ayey labada magac iskaga ag shaqaynayeen, oo midna u ahaa dastuuri, midna caalaami. Hanaanka codsiga Iyo aqbalaadda xubinimada Somalia siddan bay u dhacdaya:

– 1dii July 1960 ayuu madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan oo cuskanaaya sharciga lagu asaasay Qaramada Midoobay 136(4) u gudbiyey Golaha Amaanka (Security Council) codsiga xubinimada Somalia Republic (not Somali Republic).

– 5tii July 1960 ayuu Golaha Ammaanka fadhigiisii 871-aad, qaraar tirsigiisu yahay 141 ku oggalaaday xubinimada Somalia.

– 20kii Bishii September 1960kii, fadhigii 864aad ee Golaha Qaramada Midoobay ee loo dhammaa (National Assembly), ayuu qaraar tirsigiisu ahaa 1479 ku  ansixiyay xubinnimada SOMALIA.

FG: Sababta madaxweyne Aadan Cabdulle go’aankaa u qaatay lama garan karo. Sababaha la sheeega waxaa ka mid ah in magaca SOMALI REPUBLIC ee ka turjumaaya arragti Soomaali Weyn ay QM diidnayd. AHN Aadan Cadde wuxuu ka mid ahaa dadkii aan la dhacsaneyn midnimadii Somaliland iyo Somalia; siddoo kale qaraarka Somalia lagu oggalaaanyo xubinimadeed waxaa dabada ka riixayay oo Golaha Amaanka horgeeyay Ingiriiska iyo Talyaaniga. Faallada koowaad ka eeg qaraarkii Somalia lagu ansixiyay.