Doodda Allayeelka iyo Allediidka (WQ: Cabdirasaaq Sandheere)

Doodda Allayeelka iyo Allediidka

Mawdduuca oo salballaadhan waxa aan isku dayayaa in aan wax ka idhaa, doodda u dhexaysa Alleyeelka iyo Allediidka. Xigashada ayaan badin doonaa, qaybo koobanna waan ka dhigi doonaa.

Alleyeel: Waa qofka rumeeyay Allah, inuu jiro, wax maammulo, oo isagu adduunka abuuray, kalana wado.
Allediid: Waa qof aan rumeysnayn Alleh.

Waxay daliishadaan Allediidku:
1- Aragtidii uu Hogaaaminayay faryt Hool, waa odey Ingiriis ah, Fiisikisyahan, oo Mulxid ah “ Dunidu ma bilaabmine waligeed sidan ayay ahayd, sidan ayayna ahanaysaa. Dadkii hore sidan ayay ku soo gaadheen ~ Stade Steed Theory.”
2- Waata la yidhaa ‘ Necessity or Chance” Shyega koowaad nasiibuu ku samaymaa oo waa by chance. Dabadeed ‘ Evaluation’ ayaa bilaabmay. Dhammaanna waxa qorsheeyay matter of Chance.
3- Eval Argument. KIristiyaanka ayaa waxa ay ku yidhaahdeen ‘ Ilaah dadka dadka jecel ayaa jira.” Dabadeed waxa ay ku yidhaahdeen ‘ Haddii uu jiro maxay masiibooyinku ugu dhacayaan, muxuu u ciqaabayaa?’ Waxaanna dooddaa aabbo u ah IBOGRIS, Ninka Dhayfid Huyuuman buuggiisa saddexda Majallo ah uu ayuu ku balballaadhinayaa.
Qolada rumaysan in Ilaahay jiro:
A) Cosmic Argument. (Burhan Alkowni)
B) Design Argument.( Intidaam Alkown)
C) Fine-tuning Argumenta. ( Adduunyada haddii inyar lagu daro jiri mayso, haddi in yar laga reebana jiri mayso, wa sida raadyowga.
D) Mabda’ Albashari, Taylar maydh wuxuu yidhi: “ Bini’aadanka Adduunyada waaloo tolay.’
E) Antological Argument (Daliil Al Imkaan).
Charles Dickens, oo Allediid ahaa ayaa la wayddiiyay:‘ Haddii aad Ilaahay hortagto maxaad odhan?’ Wuxuu yidhi waxa aan odhan lahaa wixii uu Boortaraal Raasal yidhi: “ Not Enough Evidence ~ Caddayn igu filan ima soo gaadhin.”
Dhinaca hoose ayaynnu si faahfaahsan ugu sharraxi:
1) Cosmic Argument
Mulxidiinta waxa ay leeyihiin adduunyadu sidan ayay ahayd ahaaynaysaana. Muuminintuna waxa ay rumaysanyahay Aayadda “ Dadka ma waxaa la abuurey wax la’aan, mise iyaaba is abuurey….. Cirkan iyo dhulkan ma iyagaa sameeyay, ma rumeysna…” Suurat Duur.
A) Waxkasta oo bilaabmay iyo waxkast oo abuurmay waa inay jirtaa cid bilowday ama abuurtay. Waxaanna la yidhaa oo culimadii Falsafaddu odhan jireen; ‘ Waxkasta oo bilaabmay, waa in la helo kii bilaabay ama wixii bilaabay..” ama ‘ Sheykasta oo soo darriyay waa in la helaa wixii sood darriyay.” William Lane Craig ( dhashay Ogosto 23, 1949) oo ahaa faylasuuf Maraykan ah wuxuu Doctarate ku qaatay labada labada qaacido ee Imaam Al Qasaali. Dabadeed wuxuu qoray buug uu ugu magacdaray “ Kalam Cosmology,” . Wuxuu yidhi: “ The cosmology, what ever begins to exist has a couse ~ Waxkasta oo bilaabmay wuxuuu leeyahay cid bilowday.” Waxa ay ku tacalluqdaa madiqa ‘ Couse and Effect.”
B) Adduunyadu waa inay jirto cid abuurtay, oo soo darrisay. Mulxidiinta waxa ay yidhaahdeen adduunyadu isma baddelayso iyada oo sidaasa uun ba la arkay sidaana way ahaanaysaa (Internity). Mid ka mid ah ayaa yidhi: ‘ In ay adduunyadu jirto waxaa kuu caddaynaysa cadceeddu waligeedba sida uun bay ahayd oo halkaa uun bay ka soo bixi jrtay halkaanna way ka dhici jrtay. Dayaxuna waa la mid.”
William Lane Craig aragtida labaadna wuu qabaa oo wuxuu yidhi: “ The Universe began to exist ~ Adduunku marbuu bilaambay.” Bertrand Russell kii Ingiriisku wuxuu yidhi: “ The world exist, The universe is juts there, and that is all ~ Adduunyadu way jirtaa, sidaas ayayna ku dhantahay.” Saynisku hadda waxa ay sugaysaa in adduunyadu bilaabmatay, iyo in ay ay waxbala’aan ka timid. Dr Frenki Alon, wuxuu yidhi: “ Adduunyada yaa buuray afar pribality uun baa jira A) Duniba ma jirtee innagaa riyoonayna waa khiyaali. B) Way soo darriday oo timid C) Waligeedba way jirtay. D) Iyadaa isa samaysay. Loojig ahaan sidaas ayay noqonaysaa. Midka khiyaalkan shucurta (dareenka) ayaa igaga abuuran. Ka sheegaya way iska ahaatayna Saynis ahaan lama caddaynkaro, lama rumayn karo. Labo masalo uun baa innoo soo hadhay, in aynnu nidhaa waalla aburay Allah ayaa abuuray ayaa jira ama iyadaa iska jirtay oo asali ah. Haddii aynnu burinno iyadaa is abuurtay, jawaabka kale oo soo hadhay ma jirto in la yidhaa Allah ayaa buuray mooyaane wax kale.”
Waxa la isku waafaqsanyahay in aan waxba la’aanka aan la abuurin (Nothinness) cadamku waxba ma abuuro. Sidoo kale waxa ay yidhaahdaan: ‘ Ficilka waxaa laga dhadhansadaa ka faacilka ah ee sameeyay..” Qofka aan waxba haysanna waxba ma bixiyo. Tusaale, Computerkan I horyaal hadda waxa aan garankaraa in ciddii samaysay ay haysatay qalab, alaab, sidoo kale ay wax ka taqaannay electiritiga. Adduunyada ciddii samaysay waynnu garankarnaa in ay ahayd cid khabiira ah, awood leh, ogaal badan… Sir Antony Flew wuxuu yidhi: “ In aan rumeeyo in Ilaah jiro naftaa ku degaysa..” Buuggiiisa ‘ There is A God’ ayuu ku sheegay.
Saynisyahannada qaar ayaa leh waxa jira Oscillation. Oscillation kaa sina wuxuu ka yimaaddaa Singularity (Nothiness). Singularatigu wuxuu noqonayaa Big ban Theory, Big ban Theory wuxuu noqonayaa Big Crang. Big Crangi dibuu u duuduubmayaa oo wuxuun noqonayaa Universe. Aragtidaa waxa keenay laba nin oo Ruush ah: IFAN JALIN IYO ISAAK Kalatanikoof. Laakiin, toddobo sano ka dib markii la naqdiyay way ka noqdeen. Qaarbaa yidhi Singularitiga ayay waxkastaa ku jireen sida Space, Time, Enerjiga iyo waxkasta. Markaa waxa la iswaddiiyaa yaa qarxiyay ee sheygaa sidaa ka dhigay? Yaa istaadhay? Dabadeed waxa ay keeneen oo ay yidhaahdeen ‘ shey la’aan ayaa ay wax iman karaan..” Tani waa mid aan Sayniska boos ku lahayn, Saynisyahannadu marka ay danleeyihiin beenbay xataa amaamudaan, ayuu Sh. Mustafe leeyahay. Tusaale ayuu soo qaatay, Meel ku taal Ingiriiska oo la yidhaa Beldoon, ayaa nin intuu soo qaaday madax bini’aadan iyo daan daayeer ayuu isku rakibay, dabadeed waalla arkay oo inta la soo qaaday ayaa Museumka la dhigay. Jaraa’iddada Caalamku waxa ay qoreen in caalamku wax cusub helay, oo bini’aadanka markii uu Evelutionku ku socday ee ay daanyeer ahaayeen ayaa la helay. 40sano ayuu yaallay Matxafkii, waxaana Ph.D ku qaatay 400 qof! Ugu danbaynna waxaa la caddeeyay in uu yahay been’abuur. Gebogebadii ogow: Adduunyadu way bilaabantay. Waxbala’aantu waxba ma keento mana abuurto. Ficilkana waxaa laga dhex akhristaa faacilkiisii.

2) Design Argument ( Daliilul Cinaaya~Telelogy).
Sheykasta oo la dhisay, waalla dhisay oo qofbaa dhisay. Waa macquul. Waxaa jirta ujeeddo (Qaayo) wax u dhacaan. Aristo wuxuu tilmaamayaa, in ay jiraan Faaciliyaatka afarta ah, wuxuuna iswayddiinayaa in sheykasta afar su’aalood la iska wayddiiyay: “ Yaa sameeyay? Maxaa laga sameeyay? (Cilla maadiya). Maxaa loo sameeyay? ( Sidee loo sameeyay? (Cillaa suuriya)…” Sheykasta oo la sameeyay waxaa laga akhrisan karaa qofkii sameeyay sida uu ahaa, inuu cilmi lahaa, awood lahaa, ujeeddo laga lahaa…. Sidaa waxa qaba Saynisyahanno iyo Faylasuufyo badan. Darwin wuxuu yidhi: “ Suurtagel maaha in aan idhaa adduunka intaa le’eg sutfa cumyaa ayuu ku abuuray, haddii aaan idhaa waalla abuureyna Ilaah ayaan rumeeyay..”
Sheyga la qaabaynayaa waa inuu saddex leeyahay:
A) Qaybo inuu leeyahay (Itimes) kala geddisan.
B) Waa in uu leeyahay qaab uu isku qaadanayo.
C) Waa inuu sabab ama ujeeddo leeyahay.

3) Fine-tuning Argumenta
Waa aragti sheegaysa in sheykasta oo adduunka yaalla siduu yahay ay tahay sidii ugu habboonayd, haddi wax lagu daro ama laga jaro ay xumaanayso nolosha adduunku. Tusaale, cadceeddu haddii ay halkaa ay joogto in yar ka soo durugto nioloshu may jirteen, haddii ay sare ugu durugtana nololi may jirteen. Dayaxa, buuraha, badaha waalla wada mid ah.
Muxuu Ilaahay adduunyada sharka ula doonay? Miyuu awooddaa in uu joojiyo dagaallada, dhibaatada, xumaanta sharka?
Alfan Palantika, wuxuu leeyahay: ‘ Sharku wuxuu u dhacaa waa matter of free, waa yacnihii xorriyad.”
Sharku dhammaantii shar maaha, faa’idooyin badan ayaa ku jira. Tusaale, Fulkaanuhu haddii uu qarxo, dadbuu laayaa, oo waa khasaare, sidoo kale, faa’idooyin ayuu leeyahay sida Saynisyahannadu isku waafaqsanyihiin:
1) Dhulku waxa ka buuxa waxyaabo culus oo cidhiidhyaya, wuxuunna u baahanyhay in uu neefsado.
2) Buuruhu way ka samaysmaan.
3) Macdanta ayaa ka dhalata.
4) Carronafaqeeyayaal ayaa laga helaa.
Imaam Qasaali wuxuu yidhi: “ Adduunku inuu nusqaan leeyahay waa quruxdiisa.”
1- Adduunka wax shar badhaxtiran kama jiro.
2- Qofkan ka hadlayaa wuxuuna fahansanayn in adduunyadu tahay imtixaan.

4) Antological Argument
Waxa ay leeyihiin saddex ayaa jira:
A) Mustaxiil waa in uu jiraa
B) Waa suurtagel in uu jiraa.
C) Waa waajib in jiro.
Goodar Kuudha, oo ahaa Elberta saaxiibkii aragtidan ayuu qabaa.

Antony Garrard Newton Flew, Wuxuu dhashay 11 Febraayo, 1923kii. Waxa uu ku dhashay London, UK. Wuxuu ahaa Faylasuuf Ingiriis ah. Wuxuu aad u xiisanjiray, shaqadiisuna u badnayd Falsafadda Diinta (to the philosophy of religion).
Wuxuu aaad ugu ololayn jiray Allediidnimada. Masalooyinka uu inta badan diidannaa ee uu ku caanbaxay waxa ka mid ahaa soo noolaynta dhimashada ka dib (Life After Death).
Sannadihii 1949–50kii, Flew, wuxuu ahaa macallin Falsafadda dhiga ka noqday Christ Church, Oxford. Sannadkii 1950kii illaa 1954kii, wuxuu macallin ka ahaa University of Aberdeen. Sannadkii 1954kii illaa 1971kii wuxuu Barafasoor Falsafadda dhiga ka ahaa University of Keele. Sannadkii 1971kii illaa 1973kii, wuxuu Barafasoor ka ahaa Jaamacadda Calgary. Sannadkii 1973dii illaa 1983kii wuxuu Barafasoor Falsafadda ka dhigiu jiray University of Reading.
Waa Allediidkii ugu weynaa qarnigii 20aad, wuxuunna qaatay Sir professor. Dhammaan Allediidka kalana isaga ayay shaadhkiisa ku dabagabban jireen.
Jaamacadda Texas Warren ayaa Flew iyo Thomas Warren dood loogu qabtay. Ladhku wuxuu ahaa (Ilaahay ma jiraa mise ma jiro?) Waa 1976kii. Waxa ay socotay 4habeen, habeen walba waxaa imanayay 5000 illaa 7000 kun oo qof. [ Sh. Mustafe].
Sannadkii 2014tii, ayuu aragtidiisii hore ee ahayd (In uuna Ilaah jirin) baddelay, oo wuxuu u baddelay in uu ugu yaraan Allah wax abuuray jiro (Supernatural). Sida la sheego waqtigaa wuxuu joogay Maraykan oo uu dood ku galayay. Waanna Allediidka ugu afka dheerleh Allediidyada ee ay dahmmaantood ku dabafaylaan. Markii uu sheegay in uu Alle jiro. Saaxiibbadii iyo dadkii ay aragtiwadaagga ahaayeen way gariireen oo shoog oo kale ayay ku noqotay. Islahadal badan dabadeed, waxa ay yidhaahdeen: ‘ Wuu gaboobay, oo geerida ayuu ka baqay.” Wuu usoo jawaabay oo wuxuu yidhi “ Aakhiro ma rumeysane, Allah inuu jiro ayaan rumeystay.” Haddana inyar ka dib waxa ay yidhaahdeen ‘ Wuu asaasaqay oo wuxuu ku hadlayo ma garanayo e waa loo soo qoraa, oo Roy Abraham Varghese ayaa usoo qoray!’ Waxa uu yidhi: “ Inaan asaasaqay iyo in kale iska daaya oo daliilbaan keenayaaye ka jawaaba.” Hadda wuxuu haystaa aragtida ah in uu jiro Ilaah wax abuuray (Deism). Waa sidii ay rumeysnaayeen gaaladii Qureysh markii Nebi Muxammed SCW noolaa. Sannadkii 2007dii, ayaa waxa uu daabacay buuggiisa uu ula baxay ( There Is A God ~ Ilaahbaa Jira.) Waxaanna ka caawiyay Roy Abraham Varghese.

Xigashooyin
Waxa ugu badan waa muxaadarooyin aan dhagaystay oo Sh. Mustafe jeediyay, kuwaa ayaan anuu qoraal u rogay. Meelahaanna waan xusayaa:
– Sh. Mustafe. https://youtu.be/KMTFzqBBzLw?t=48m27s )
– Xigasho: (https://en.wikipedia.org/wiki/Antony_Flew iyo Sheekh Mustafe).
– Sidoo kale Canjaladdan Sh. Mustafe ayaan waxbadan ka qoray oo ka soo xigtay; (https://youtu.be/qUr8hyLYavM ).
– Halkan ayaan ka soo xigtay (https://youtu.be/bmDQ_oi2y7s ) Saint Thomas Aquas halkan ka eeg: (https://en.wikipedia.org/wiki/Thomas_Aquinas )

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

No photo description available.