Dooddii qalinka iyo warqadda (W.Q. Cabdirisaaq Abaadir Ibraahim)

Sheekadani waxay dhex martay “qalin” bulshadu aad u taqaanay oo arrimaha bulshada aad uga war hayn jiray, wixii wanaagsan dhiirigelin jiray, wixii xuna hoga-tusaalayn jiray iyo “warqad” hayin u ahayd oo qoraalkiisa laga dheehan jiray.

Warqaddii: Kii qalin ahaa intan danbe maan arag ee malaha wuu afbeelay … in muddo ah waxba igumuu qorin. Bal aan waraysi tago oo aan waydiiyo waxa helay ilayn si alleba badane waa intaas oo uu dhuuxiiba ka dhamaaday oo uu u baahan yahay dhuux cusub’e. Qalinoow bal ii waran oo Alle ma kuu roon yahay?

Qalinkii: Ilaahay ayaa mahad leh ee bal ii waran, maanta waad soo fogaatay ee ma wax dhib ah ayaa jira?

Warqaddii: Haa, maanta baadi-goob ayaan ahay oo muddo kuma aan arag adiga ayaan ku raadinayey ee maxaa ku helay? Waxba qori maysid, dadkii jahli ayay ku sii fogaanayaan, intii wax taqaanay way ilawday wixii ay taqaanay, aniguna bilaa faa’iido ayaan noqday oo daryeel ma helo mar hadii aanu jirin qalin wax igu qorayaa.

Qalinkii: Waan iska daayay qoraalkii iyo akhriskiiba.

Warqaddii: Haddii aanad waxba qorin maxaad akhriyi … ilayn aniga ayaad iga akhrisan lahayd waxa aad qortee. Siday wax u jiraan? Ma qalinkiiba kaa afbeelay? mise qalinkiiba bilaa dhuux (khad) kaa noqday? Mise wax aad wax ka qorto ayaad garan laadahay?

Qalinkii: Xaasha lillaah .. qalinku bilaa af ma aha; khadkuna wuu buuxa; wax aan wax ka qori karaana way buuxaan.

Warqaddii: Mar haddii uu arrinku sidaa yahay, miyaad wax qortid anigana caddaankan warqadda ee indhaha iga qaaday iiga miciintid.

Qalinkii: Warqadeey war lagu sii; anigu waxba ma qorayo ayaan ku idhi ee waa nasiibka.

Warqaddii: Qalinoow wax uun baynu wada qabi ee anaa u diyaar ah in aan ku dhagysto ee wax ii sheeg waxbaa kaa dhex guuxaya’e.

Qalinkii: Beentaa ma aha ee aan kuu waramo.

Warqaddii: Haye

Qalinkii: Qoraalba waan daayay oo waxaan u daayay dadkii aan wax u qorayey ayaan awooddii ay ku fahmi lahaayen qoraalkayga lahayn.

Warqaddii: Kuman fahmin. Ma dadkan intooda badani ay jaamacadaha dalka ka baxeen ee ugu yaraaan mid walbaa 12 sanno wax soo baranayey ayaad i leedahay awood uma laha qoraalkayga in ay fahmaan? Qalinoow caqli keen, arrinkaasi aniga ima gelin.

Qalinkii: Aan kuu balbalaadhsho hadalka. Waan baqayaa oo waxaan is leeyahay haddii aad wax qorto dadka ayaa fikir kale kaa aamini. Tusaale ahaan haddii arrin khuseeya arrimaha bulshada sida daryeelka waddooyinka aan wax ka qoro mid ayaa odhanaya ANNAGA ayaa naloo jeedaa . Markaa haddaan qalin ahay adyadayda waan joojinayaa.

Warqaddii: Hadda ayaan wax kaa fahmay. Shaw nin baqaya ayaad ahayd. Mid aan ku idhaahdo- haddii aad sidaa u baqdo oo aad wixii Ilaahay ku baray aad dadka u sheegi wayday maxaa u danbaynaya bulshada aad la nooshahay.

Qalinkii: Warqadeey horaa loo yidh “qunyar socde qodaxi ma muddo”, markaa shaqadaa waxaan u daayay cid kale. Anniga igu ogow wixii dantayda ah in aan kugu qoro.

Warqaddii: Aniga ayaa kuu sheegaya waxa bulshada ku dhacaya marka ay arki waayaan qalinkii fiicnaa ee arrimaha bulshada sida hufan wax uga qori jiray. Xumaha iyo Samaha ayaa isugu mid noqonaya marka ay waayaan cid samaha ku dhiirigelisa xumahana ka dayrisa oo hoga tusaalaysa. Ku darsoo qalinkii qaloocnaana wuu i dul taagan yahay oo habeen walba qoraal buu ila dul joogaa. Wax uu qoro oo qoraal lagu sheegi karana maan arag oo malaha indho la’aan ayuu wax ku xarxariiqaa. Waa midka kala irdheeyay xigaal iyo sokeeye. Hadalkiisa uma meel dayo, kuma salaysna xog iyo cilmi, waxa hal-hays u ah “waxaa la yidhi.” Qalinoow waxa aad ka baqaysaa waxbaa lagu odhan ama cidbaa magac kuu bixin balse bulshadii aad ka soo jeedday wax-u-sheegis ayay u baahan tahay ee ha dayicin hana u malayn qalinka aad shaqada kaga adag tahay in uu yahay masuuliyadda kaliya ee ku saaran, balse masuuliyaddu waxay kaa saaran tahay bulshada aad la nooshahay oo idil yar iyo wayn.

Qalinkii: Runtii wax badan ayaad iftiimisay, waxaanan is lahaa adyadda yarayso oo waxba cidna ha u sheegin balse haddii aanan samaha dhiirigelin xumahana reebin wax badan ayaa lumaya. Wixii maanta ka danbeeya arrimaha bulshada u ah danta wax baan ka qorayaa wixii wanaagsanna waan sheegayaa wixii xunna waan hoga-tusaalaynayaa Ilaahayna ha igu garab galo. Waxan ahay daneeyaha arrimaha bulshada.

Warqaddii: Ii dhiib gacanta Allaylehe …. qalinkii qaloocnaayoow waan kaa baxay

Hoos ka akhri maqaalladii hore ee Cabdirisaaq Abaadir:

Falanqaynta sheekada “Bakayle iyo Diin”

Cabdirisaaq Abaadir Ibraahim
abadir01@yahoo.com