Doodii La Dhex Dhigay Mohamed Hagi iyo Abdirashid Jeeni ee ku saabsanayd #baaqShacab (WQ: Bashiir Cabdi)

Doodii La Dhex Dhigay Mohamed Hagi iyo Abdirashid Jeeni Run Ahaantii Waxay Ahayd Dood Cajiib Ah Laakiin gooni Gooni baa Loo Waraystay Maadana Cudur Daarku Ka Yimid Dhanka Maxamed Siduu Ku Baahiyey Page-kiisa Facebookga.

 

Aan Ku Horeeyo Maxamede Wuxuu Habeen Kahor Dooda Inoo Sheegay Dooda Iyo sidii Uu Uga Qayb Qaatay iyo Inuu Doonayey Inuu  Dooda La Galo Guled Dafac  Laakiin Dalabkaasi Ku Gacansaydhay Suxufigu Daadihinayey Dooda.

 

Wuxuu Markii Dambe Maxamed Ka Codsaday Suxufiga Inuu Gooni u Galo Doodiisa waanu Ka Aqbalay Waana Ta Keentay Inuu Kaligii Dooda Galo.

Aan Ku Horeeyo Dooda

Maxamed Waxa Ka Muuqatay Deganaan Badan Maadama Su.aaluhu ay Adkayeen ayna u Baahnaayeem Deganaan iyo Xaqiiqo Maxamed Su.aalaha Qaar Wuu Ka Garaabayey Laakiin Fahanka Su.aalaha Ayuu Dhinac kale Ula Kacaayey mararka Qaarkood Sidii Loogu Talo Galay igamuu Jawaabin Tusaale Ahaan Tii Ahayd Miisaaniyada Ee Gobolada Uu Su.aashii lawaydiiyey Aan  Ahayn Laakiin Uu Suxufigu Saxay una Sheegay inaanay Baaqshacab Sidaas u Qorin Taas Oo Kale muu Fahmin Tiraba ilaa Dhowr Su.aalood ugamuu Jawaabin Sidii Loogu Talo Galay.

Laakiin Aad Buu Su.aalaha Qaar Uga Garaabayey Una Sheegayey Inay Ku Saxsan Yihiin Baaqshacab Waanu Ku Mahadsan Yahay.

Abdirashid Ilaa Imika Tafaasiil Kamuu Bixin Doodii Ay Wada Galeen Maxamed Maadama Ay Ahayd Inuu Inala Wadaago Doodaas iyada Oo Qoraal Ah Laga Yaabaa Inuu Soo wadee inalamuu Wadaagin.

Aan u Galo Dooda Cabdirashiid.

Cabdirashiid Waxa Ka Muuqatay Inuu Fahansanaa ka Jawabi  Su.aalaha Badankooda  Wuxuu u muuqday Nin Su.aalaha La waydiinaayo  Mid Si Xeeladaysan uga Jawaabaya Laakiin Su.aalo Ilaa Dhowr Jeer Oo Su.aalo Dooda Dhexdeeda La  Waydiiyey Suxufigu Si kale Ayuu Uga Jawaabay Ama Wuu Is Daad Raaciyey Tusaale Ahaan Tii Daaraha Dhaadheer Ee Uu Sheegay Weriyuhu Inay Amni Hoos Hadhsanayaan Laakiin Uu Kusoo Koobay Ha Inaga Duminina Oo Ay Ahayd Inuu ka Garaabo Sheegana Inay Amni Hoos Hadhsanayaan Iyo Tii Ahayd Yaa Baaqshacab Ka Dambeeya Uu Ka Meermeeray Laakiin Uu Suxufigu Ku celceliyey Ugu Dambayntiina Uu Ka Jawaabay.

Abdirashid Su.aalaha La waydiinaayey Wuxuu Aad Ugu Ad adkaa Inuu Doodan Ay soo Bandhigeen Ay Ku Ad adag Yihiin Si Kasta Oo Ay Ahaataba Doodana Uu Kusoo Bandhigaayey Xeelado Badan Oo Aftahnimo Ka Kow Tahay.

Dhanka  Abdirashid waxa dhankiisa aad Ugu Adkayd Inuu ka Garaabo ama Yidhaah Waxaasi arimahaasi Way Hagaagsan Yihiin Ama Arimahaasi Way  Hagaagsan Yihiin.

Abdirashid Wuxuu Dooda Dhexdeeda Ku Qalday Ama Uu Ka Baxay Xayndaabkii Dooda Ee  Ahayd Inuu Shaqooyinka Uu Hayo Abaaro.

Qalad Weyn Oo Uu Galay Bay Ahayd Maadama Uuna Madasha La Fadhiyin.

Ta kale Qabyaaladu Ma Meel Aanay ka Buuxin Baa Jirta.

Ugu Dambayn Waxa Aad u Mahadsan Oo Daadihiya Dooda Eng Cabdishakuur Tayib Maxamed  Oo  Ay ka Muuqatay Inuu u Cadaalad Sameeyey Labadoodaba Su.aalo Aqooni Ku dheehan Tahayna Waydiiyey Wuu Mahadsan Yahay.

Waxaan aad ugu Mahad Naqayaa Cid Kasta Oo Akhrisatay Hadaan inuun Qalad Sameeyey Waa La Sheegi karaa Waxaan Ku Eegay Dooda si ay Cadaaladi Ku jirto Mahadsanid.

 

Bashiir Abdi