Doonista xorta ah: Run mise Riyo (WQ: Kamaal Axmed Cali)

Waa qaybtii labaad ee qormadii ahayd nuxurka iyo fahamka doodda buugga ‘13 Things that don’t make Sense’ oo uu qoray qoraaga ingiriiska u dhashay ee Michael Brooks. Gaar ahaan qaybtii uu kaga doodayey jiritaanka ‘Doonista xorta ah”

Haddii aynu inyar dul istaagno dooddan qoraaga ee la xidhiidha jiritaanka ama jiritaan la’aanta xoriyadda doonista. Waxaa xusid mudan in ‘Xuriyadda doonistu’ ay tahay sababta dareenka bani’aadamnimo iyo go’aamada uu qofku gaadho aynu ugu tirinno in ay yihiin awoodda ugu sarraysa ee akhlaaqeed iyo siyaasadeed ee adduunka. Si kastaba ha ahaato ee, qoraagan iyo mufakiriin kalaba waxa ay su’aal gelinayaan in ay jirtaba ‘Xuriyad dooniseed’ oo uu qofku leeyahay. Maadaama oo go’aamada iyo doonista qofka ay qaabeeyaan ama ay ku dhismaan, duruufaha bayooloji iyo xaaladaha bulsho ee ku xeeran, dabcan isaga doonistiisana ka baxsan.

Haddii aad ra’yiga aad qabto dib u raacdo asalkiisa halka uu ku arooro, waxa aad adiguba garan kartaa in aad xakamayn yar ku lahayd samaysanka rayigaas iyo in aanad si xorriyad ah u qaadan waxa aad ku fikirayso, ama waxa aad dareemayso iyo waxa aad doonaysaba. Haddaba aaminidda jiritaanka ‘Doonista Xorta ahi’ waa faham aadamaha khatar ku ah, oo dhibta ugu dhow ee ay ku keeni kartaa ay tahay in ay ka faa’iidaystaan xukuumadaha iyo shirkadaha waaweyn ee ganacsigu.

Tusaale ahaan, shirkadaha iyo dawladuhu waxa ay abuuraan nidaam cilminafsi ku dhisan oo ay siyaasadahooda ama ganacsigooda kaga dhaadhicinayaan maskaxdeenna. Waa waxa loo yaqaanno ‘Suuqgeynta’ ama ol’oleyaasha siyaasadeed iyo barnaamijyada wacyigelinta ah. Waa hab maskaxda aadamaha lagu qabsanayo, kaddibna isaga oo moodaya in uu doonistiisa xorta ah ku go’aansaday ayaa uu taageerayaa siyaasad ama xukuumadda, sida oo kalana iibsanayaa badeecadda ama adeegga ganacsi ee la moodsiiyey in uu doonistiisa xorta ah ku doortay, laakiin runtu tahay in lagu beeray maskaxdiisa.

Dooddani waxa ay aaminsantahay in go’aamada iyo doorashada qofku ay mar kasta xakameeyaan dababrro la xidhiidha tamarta, awoodda, waqtiga, xaaladda bulsho, waayaha nololeed, iyo abuurta qofka ama cabsida iyo dareennada ku xeeran.

Haddaba marka aad iibsanayso badeecad, ama mihnad aad ku shaqayso aad dooranayso, ama xitaa saygaaga / afadaada dooranayso, iyo marka aad siyaasiga dooranaysaba ha moodin in doonistaada oo xor ah aad ku dooratay, balse waxaa jira awood kale iyo sababo kale oo go’aankaagu ka dhashay, kuwaas oo kaa hor istaagayey in aad qaadato go’aan aan ahayn kaas. Waxa aanay dooddu tahay qofku, ma doonis xor ah ayaa uu leeyahay, mise arrimo hore maskaxdiisa loogu shubay ayaa ay doonistiisu ku dhisantahay?