Door-roonihii da’dii aan ogaa: Mujaahid Bashiir (WQ: Boobe Yuusuf Ducaale)

Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi “Bashiir”(1956kii-1987kii)

“Warka shalayto nagu soo dhaceen, aad u dhego-beellay,
Dhinbiilaha sidoodu wadnaha, nooga dhaawacaye,
Nin dhegaystay Caliyow ma tumo, Dhaanto iyo heese,
Xaqiisii nin lala dheelmadoo, dhuuntay baw darane,
Dhibaatada ka diidaa ma helo, dhaxal adowgiise,
Denbi-dhaaf shahiid lagu dhintuu, kuugu dhow yahaye,”
Maansada Dhoobada Hawaas ee Timacadde ee 1961kii,

Qormada: 1aad
8/12/2015ka
Hormayn:
Waa mar kale iyo Bogaggii Taariikhda soo-jireenka ah. Waa mar kale iyo maalmihii qadhaadhaa ee la isku haleelay goobihii naf-hurka iyo halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. Halgan hasaasihiisu bilaabmay dhowr iyo toddobaatannadii qarnigii 20aad. Halgan u digo-rogtay mid hubaysnaa ku-sinnaan 6dii Abriil, 1981kii markii London lagaga dhawaaqay ururkii gobannimo-doonka ahaa ee SNM.
Muddo sannad ku beegnayd ka dib ayay saraakiishii ugu horreysay iyo Guutadii 4aad ee Gaaskii Axmed Gurey ee Jabhaddii Soomaali-galbeed ka gudbeen xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. Saldhiggii ugu horreeyay ee SNM ayaa laga yagleelay Durya. Saraakiishii ciidan ee ugu horreysay ayaa xuduudda ka tallowday. Hoggaankii Ururkii SNM ayaa isaguna ka soo digo-rogtay qurbihii oo yimid Itoobiya. Iyada oo la isu soo dhammaaday, ayaa halkaa laga bilaabay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd ee sida buuxda ee xarragada lahayd u guulaystay bilowgii bishii Feeberweri, 1991kii oo Gobolladii Woqooyi laga xoreeyay dooxatadii nidaamkii Siyaad Barre.

Maantana ballaysinku waa Bashiir oo ka mid ahaa baashayaashii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. Inta aanan qormooyinkaygan kooban u gondo-degin marka hore aan waxoogaa isa saxo oo is-barraxo. Maansadan ‘Dhoobada Hawaas’ ee Timacadde ee aan ka soo ergistay ama ka soo xigtayba Tuducan sare, Diiwaankii Maansada Timacadde ee aan daabacay 2006kii, waxay ku taariikhaysnayd 1964kii. Halkaa qalad ayaa ku jira aan ogaaday 2012kii aniga oo Jabuuti kaga qayb-gelayay 40-guuradii qoraalkii far-soomaalida. Berigaa hore ee aan Diiwaanka daabacay waxaan u haystay oo aan aamminsanaa in uu tixdan ka tiriyay dagaalkii Soomaalida iyo Itoobiya dhex maray 1964kii. Bal se, 2012kii waxaan ka ogaaday niman reer Ayshaca ah in uu tixdan ka tiriyay xasuuqii Ayshaca ka dhacay 1961kii. Qodobkaasi waa mid sixitaan ah oo Daabacaadda Saddexaad ee Diiwaanka Maansada Timacaddena ku soo bixi doona, haddii Eebbe idmo. Waa Diiwaan qormay oo daabacaad diyaar u ah, waana kii saddexaad ee aan anigu qof ahaan Timacadde ka qoro. Waxa dheer mid xul ah oo Ingiriisiya oo aan ku koobay maansooyinka caalamiga ama goboleedba ah.

Marka xiga tuducan ballaysin iyo baalallayn ugama dhigin qormooyinkan kooban ee aan Mujaahid Bashiir maamuuska iyo muquunada uga dhigayo oo keliya e’, bal se waa tixdii iyo tuducii uu ugu jeclaa Bashiir Maansada Timacadde. Beydka tuducan ugu danbeeya ee ah: “Denbi-dhaaf shahiid lagu dhintuu, kuugu dhow yahaye,” eed ku geli maayo haddii aan idhaahdo Mujaahid Shahiid Bashiir afka kama dhigi jirin. Xirsi-xidh iyo belaayo-xijaab aanu marnaba dhigin ayuu u ahaa. Wuxu dhaqan iyo caadaba u lahaa in uu suunka gashado oo isaga oo isku laaban ku xidho Diiwaankii Timacadde ee ugu horreeyay oo xanbaarsanaa 54 maanso oo la daabacay 1983kii. Waqtiyadiisa firaaqada ah, haddii uu helaba kaas ayuu ahaa wixii u soo raaci jiray halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee uu naftiisii qaaliga ahayd u huray isaga oo soddon-jir ku shahiiday Hargeysa dhexdeeda. Waa sidii ay igu yidhaahdeen xogogaalkii ku lammaanaa ee ay inta badan wada socon jireen.

Intaasi ha inoo noqoto hormayn iyo arar dadab-galkeediiba. In badan ayaan ku taamayay in aan mar uun qalinkayga iyo waqtigaygaba u huro mudanka hal-doorradii ummaddan naftoodii u soo sadqeeyay. Maalintaas aan inta badan sugayay, waa taas maanta ina soo martay. Marka Ilaahay qaddaro ayay wax waliba qabsoomaan. Maanta ayaynu doonisteennii iyo qaddarkii Eebbeba isla haynaa. Waxa i dhiirri-geliyay sahankii cilmi-baadhista mowduucan aan u sameeyay oo aan ku helay waxyaabo badan oo togan oo laga dhaqaaqi karo si wax looga qoro shakhsiyaddii la-yaabka lahyd ee Maxamed Ibraahin Xirsi oo magac-halgameedkiisu ahaa Mujaahid Bashiir.

Waxyaabaha ugu mudnaa ee i dhiirri-geliyay waxa ka mid ahaa sawirka ku suntan qormooyinkan ee Bashiir. Ilaahay ka abaal-mariyo e’, waxa iigu deeqay ama inoogu deeqdayba Marwo Sahra Maxamed Cajab, xaaskii Damal Cabdilqaadir Koosaar Cabdi oo ahaa Gudoomiyihii 3aad ee SNM, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Waa sawir ku jiray keydkii sawirrada ee Damal Koosaar.

Mujaahid Bashiir, waxa Taliye u ahaa Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ah dadkii aanu ka wareysannay. Mar uu ka hadlayay Mujaahid Bashiir iyo Mujaahidiintii ay isugu dhawaayeen waxyaabihii ay aamminsanaayeen, waxaanu ka gunudnay:

“……………Nimankaasi, waxay aamminsanaayeen in cadawga gudaha loogu dhaco oo lagu cabsi-geliyo halka ay joogaanba, ma ay aamminsanayn dagaalkii dibadda laga qaadayey. Waxaa nimanka weheliya oo is-na saddex ku ahaa nin la yidhaahdo Ismaaciil Cabdi Taani oo Sarkaal Boliis ah ahaa oo sheekh ah oo had iyo jeer saddexdoodaas ayaa isku dhinac ahaan jiray oo meel wada seexanayey, iskuna go’aan ahaa.”

Waxay ila tahay saddexda qof ee Muuse Biixi sheegayo in aad laba haysaan oo Bashiir iyo Ismaaciil Cabdi Taani ah. Ninka saddexaadna waa Mujaahid Shahiid Axmed Ibraahin oo loo yaqaannay Raage-bidaar kuna shahiiday Xeebta galbeed isaga oo ka tirsanaa Guutadii 99aad. Wuxu halganka ku soo biiray isaga oo ahaa ganacsade watay baabuur Mercedes 19 ah. Inta uu taayirradii ka saaray oo dallacay, ayuu qoriga qaatay oo weliba Taliye u noqday kooxdii hawlaha ugu khatarsan qaban jirtay ee sahanka gudaha.

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa: “Male rag waa mudacyo afkood.” Waxa lagu jiray halgan hubeysnaa oo dibuxoreyn qaran ahaa oo ay SNM horseed ka ahayd. Waxa intaa noo dheeraa in uu ahaa halgan hubeysnaa oo siyaasiya oo weliba lahaa baadi-sooc dadweyne ama ahaaba waxan afka qalaad lagu yidhaahdo ama loo yaqaanno “Guerilla warfare.’ Wuxu ahaa dagaal noociisu ku cusbaa dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba. SNM, jabhad ahaan waxa ka horreysay oo dagaalkan hubeysan ballaysin u ahayd jabhaddii aan tisqaadin ee SSDF. Waxa intaa weliba sii dheeraa in ay SSDF ku dagaallamaysay qaab millateri ama waxa loo yaqaan ‘conventional war’ oo aanay marnaba adeegsan qaab-dagaaleed dadweyne. Jabhad hubeysan oo shacbiga ku tiirsanayd ma ay ahayn, bal se waxay ahayd jabhad dadku iyada ku tiirsanaayeen ama wax moodi jireen oo u doonan jireen. Waa sababihii ay u noqotay dimuqraaddi-ka-baxa ee ay digtaatooriyaddu u qabsatay markii danbena u baaba’day.
(La soco berri, qaybta danbe)

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com