Doorashada, duruufaha abaarta iyo damacca Kulmiye! (WQ: Maxamed Haaruun)

 

 

Hadalada ku saabsan abaaraha iyo kuwa ku saabsan doorashada ayaa maalmahan si isku mid ah dhegaha dadka u haysta. Gudigii doorashadu waxa ay leeyihiin dadkii kaadhadhka cod-bixinta la siin lahaa qabo badan oo ka mid ahi waa baro kaceen, deegaamadii laga diiwaan geliyay ee kaadhadhka lagu siin lahaa na ma joogaan.

Tani ma aha hadal siyaasadeed uu xisbi gooni ahi soo saaray ee waa xaqiiqo ay faafiyeen Gudiga Doorashadu. Kolkii warkaas la maqlay, waxa loo kala baxay Kulmiye oo leh gar iyo gardarro ba doorashadii ha la qabto, iyo Waddani oo leh, maya ee sidaas ha laga daayo. Waddani waxa uu leeyahay, sax na ah, abaartu ha jabto, dadkii na deegamadoodii ha ku soo laabteen, laakiin Kulmiye sidaas ma jeclaysan. Waxa muuqata in Kulmiye uu kursigu u muuqdo, laakiin aanay dadka kala yaacay ee deegaamada Bariga iyo dhibaatadoodu u muuqanin. Si kasta oo Kulmiye uu hadalka u qurxiyo, eedda ah in aanay dadka tabaaloobay danaynaynin sinaba ma uga baxan karaan.

Doorashadu waa sharci ee yaanay muddo dhaafin ayaa ay ku doodeen, laakiin isla iyaka uun baa hore iyo dib ba sharciga u jabiyay, iyada oo aanay duruufi jirin na doorashadii mudaysnayd June 2015 dib u dhigay. Iyaka ayaa wixii ay Riyaale ku ceebayn jireen ku kacay, lacag badan na ku bixiyay in sharciga la jabiyo.

Kolkii dib u dhigistii ay khasab iyo sharci-darro ku socodsiiyeen, ee loo balamay in March 2017 la wada qabto doorashadii baarlamaanka iyo madaxtooyada, isla iyaka uun baa hadana buriyay. Waxa ay u arkeen in aanay sidaas dani ugu jirin Kulmiye, iyaka ayaana xoog iyo xoolo ku bixiyay in labada la kala qaado.

Labada jeer ba ma ahayn rabitaanka Waddani, wax duruuf ah oo kalifay na ma jirin. Maanta oo ay sabab sharciga ku qorani jirto, dadkii na duruufaysanyahay, miyaa Kulmiye laga yeelayaa ciddii qaxday yeelkadeed ee doorashadii waa sharci ee yaanay dib u dhicin? Jawaabtu waa maya.

Haddii uu Kornayl Muuse xisbigiisa soo jiidhsiiyay musharaxnimo jujuub ku timid, ma waxa uu moodayaa in uu wadanka oo dhan jujuubi karo? Mar labad, aniga oo huba jawaabtu waa maya! Sacabka gacan keliya laguma tumi karo. Saw sidaas ma aha? Doorashadu laba dhinac oo ku tartama ayaa ay u baahantahay. Kulmiye keligii doorasho ha qabsado Hadii uu rabo. Maalin horaysay waxa aan si kaftan ah u sheegay in ay isku micno uun yihiin ereyada – geesi/deeqsi, fulay/bakhayl, iyo abaarta  iyo Kulmiye.

Hadda iyada oo aan kaftan ahayn, waxa muuqata in uu Kulmiye maanta ku dagaalamaayo in abaarta ay dani ugu jirto, inta wakhtiga adagi jjiro na uu macaashi karo.

 

Hanka xumi ha beenoobo!

 

 

  1. Haaruun – mbiixi@gmail.com