27 September ee sannadkan 2015, waxa loo dareeray doorasho goboleedkii Katalooniya oo doorkan xiiso gaar ah lahayd maaddaama Ururrada gobonnimodoonka ahi hore u sheegeen inay ku dhawaaqi doonaan ka madaxbannaanidooda Dalka Spain, haddii ay ku guuleystaan doorashada.
Haddaba intaynaan gudogelin doorasho goboleedka Katalooniya, waxaa muhiim ah in aynu dhawr eray ka nidhaahno qawmiyadaha gobonnimodoonka ee Yurub ka jira.
Dadyaw badan oo ka tirsan waddamada Yurub gaar ahaan Flanders Biljimka, ISkootishka UK, iyo Katoloniyiinta Spain ayaa muddo dheer aaminsanaa inaanay ka tirsaneen isla markaana waxbadan dhaqan ahaan la wadaagin waddamada ay imika ka tirsan yihiin. Waxay qawmiyadahani badankoodu aaminsanyihiin inay helaan madaxbannaani mugleh oo gaadhsiisaan ilaa dawladnimo xor ah. Waxyaabaha cajiibka ah ee ay ku guuleysteen waxa ka mida ah iyadoon wax isbeddel ahi ku iman dhaqankoodii iyo luuqadahoogii. Haddaba Waxaynu si guud u dulmari doonaa taariikh siyaasadeedka laba qawmiyadood oo gobonimodoon ah: Flanders iyo Catalans
Flanders
Taarikhiyan Flanderska ku nool Bilgimka sida ISkootishkaka oo kale hore u may lahayn dawlad madaxbannaan. Bilgimka lafteedu waxay ku timid nidaam dal-goosasho maadaama 1830 ay ka go’day Nederlaan. Haddaba Bilgimka waa laba qawmiyadood oo la isku daray oo kala ah Flanders oo ku hadla Afka loo yaqaan “Duchka” ee lagagaga hadlo dalka Nederlaan, iyo Wallonia oo ku hadla Faransiis.Wakhtiyadii bilawgii dawladnimada Bilgimka, Siyaasadda waxa inteeda badnayd gadhwadeen ka ahaa qawmiyadda Allonia maadama luuqadadooda Fransiiska noqotay luuqadii siyaasada iyo maamulka dawliga ah. Caasimadda Brussels oo ku taala dhinaca Flander ayaa gebigeediiba waxa luuqada kowaad u noqday Faransiiskii.
Waxaa sidaas ku bilaabmay kacdoonkii “ Flemish” oo xoogestay Qarnigii labaatanaad, dooddooda ugu weynayd ahayd inay helaan Xorriyadda luuqaddooda, dabadeedna 1963 kii ayaa lagu guulesytay in la kala xadeeyo xuduudaha luuqadaha saddexleyda ahaa.
Haddaba dagaalkii labaad ee adduunka kadib, ayaa waxa dhacay isbeddel cajiib ah oo isweydaariyey labadii qawmiyadood, maadama ay musalafeen qawmiyaddii Wallonia, halka qawmiyaddii Flandersku dhaqaalihii la wareegeen. Waxa markaa bilaabmay in dhaqaalaha flanderska lagu kabo degaannada Wallonia, arrinkaas oo mar labaad kacdoon waddaniyeed ku abuurtay Flanders, isla markaana kacdoonnada waddaniyadda ee Fleminish weli ku salaysan yahay. Sannado ka hor ayaa Jaariiradda Speigel ee ka soo baxda dalka Jarmalka ee xagga Internetka ayaa qortay in dalka Beligium yahay dalka keliya ee yurub ee hoosta ka burburay lakiin weli shaqeynayaa.
Kala qaybsanaan xoog ah ayaa ka jirta gudaha dalka Bilgimka taasoo ku salaysan labada qawmiyadood ee ugu weyn dalkaas. Doorashooyinkii ugu danbeyey ee ka dhacay dalkaasi gaar ahaan doorashadii 2007 iyo 2010 ayaa tusaale inoogu filan kala qaybsananta qawmiga ah ee ka jirta Bilgimka. Doorasho-goboleedkii Fleminish ka ee qabsoontay October 2012, Isla markaana ay ku guuleysteen xisbiga N_VA ee uu hoggaamiyo Mudane Bart De Wever, oo noqday Maayarka Magaalada Antwerp ayaa aaminsan isla markaana ilaa imika ku doodaya inay si tartiib tartiib ah uga madaxbannaanayaan dalka Belgimka, arrinkaas oo aanay raali ka ahayn asxaabta kale iyo Midawga Yurubi maadaama caasimada Brussels tahay xarunta Midawga Yurub.
Katolooniya
K atoolooniya waxay leedahay taariikh dheer oo ku xidhiidhsan ilaa boqortooyadii Aragon ka dib markii boqor Ferdinand uu guursaday boqorad Isabella qarnigii shan iyo tobnaad. Kaatolooniya waxay markasta lahayd sifooyin u gaar ah oo ay kaga duwan yihiin qawmiyadihii ku noolaa Isbayn.
Sida uu qoray Professor Enric Ucelay-Da Cal oo taariikhda Katoolooniya ka dhiga Jaamacadda Universitat Pompeu Fabra ee Magaalada Barcelona ayaa sheegay markii dalka Isbayn noqotay Jamhuuriyadda 1931 la siiyey maamul hoosaad baaxad leh laakiin ay arrimuhu is beddeleen markii uu xukunka la wareegay Franco oo kala noqday maamul hoosaadkii. Waxa markaas bilaabmay kacdoonka xornimodoonka ee ilaa imika taagan.
Haddaba markii uu dhintay Franco 1975, isla markaana Isbayn ay qaadatay dhabbaha Dimuquradiyadda ayaa Kaatoolooniya dib u heshay xukun hoosaadkii. Tan iyo wakhtigaas waxa sii xoogeysanayay doodda xornimodoonka reer Kaatoolooniya. September 2005 ayaa golaha Barlamaanka Katolooniya ayaa ansixiyey sharci cusub oo qeexaya ismaamul hosaadkooda isla markaana beddelaya markii ugu horreysyey sharcigii hore u yaalay ee la sameeyey 1979. Sharcigaas cusubi dood weyn ayuu ka dhaliyey dalka Isbayn kadib markii uu Kaatooloniya ugu yeedhay “Qaran”, iyadoo markaas asxaabta siyaasiga Isbayn ay aad u dhalleceeyeen, islamarkaana xisbiga PP u dacwad ka dhan ah u gudbiyey Maxkamada dastuuriga ah ee dalka Isbayn.
Haddaba doorashadan ugu danbeysey ee qabsoontay 27 September,2015 ayaa waxay Ururrada xornimodoonka ahi ka heleen 72 kursi golaha Barlaamaan goboleedka ka kooban 135 kursi. Waxay ka dhigan tahay inay heleen boqolkiiba 47.8. Madaxweyne Artur Mas ayaa ku dhawaaqay inay ku guuleysteen doorashada isla markaana ay sii wadi doonaan qorshahoodi xornimodoonka ahaa, isla markaan 18 bilood gudahood ay ku noqon doonaan dal madax banaan. Waxayse taas ka biyo diiday labada xisbi ee ugu waa weyn dalka Isbayn oo sheegay inaanay taasi suuragal ahayn, kulana taliyey qolyaha xornimodoonka reer Katalan inay tanasulaan qorshahoodii maadaama aqblebiyaddii golaha barlamaankooda laga badiyey.
Haddaba arrimaha ugu waaweyn ee riixaya madaxbanaanida Kaatalooniya waxa weeye doodda dhaqaalaha Isbayn ka taagan. Muddo dheer reer Kaatooloniya waxay aaminsanayeen in dhaqaaloohooda ka soo baxa gobolkooda looga faaideeyo gobollada kale ee dalka Isbayn, isla markaana hoos u dhaca dhaqaale ee ku yimid gobolkooda ay sabab u tahay sida ay Madrid u maamusho.
Sideedaba Madrid uma oggola Katoolooniya inay u dareeraan afti toos ah. Laakiin qolyaha xornimodoonka ah ee reer Katoolooniya waxay doonayeen doorashada ka hor haddii ay helaan aqlebiyadda Barlamaanka inay toos u dalbadaan Afti toos ah lakiin taasi may dhicin oo aqlebiyadii may helin. Waxaase suuragal ah inay sii wadaan ololahooda xornimodoonka ah.
Gebogebo:
Waxa si cad u muuqata in dedaallada qawmiyadaha xornimodoonka sii socon doonan sannadaha soo socda. Inkasta oo Iskootlaan lagaga guuleystay aftidi madaxbanaanideeda, haddana taas macnaheedu maaha inay dadkii taageersanaa xornimodoonka ee Iskootishka ahaa ay joojinayaan rabitaankooda ah xornimo taam ah. Sidaas si la mida reer Katoolooniya way sii wadi doonaan xornimo doonkooda. Dhaqdhaqaaqa xornimodoonka ee Flemishka ayaa iyagana sidoo kale sadaalinayaa in kacdoonkooda xornimodoonka ahi sii xoogeysan doono mustaqbalka soo socda.
Haddaba Midawga yurub hawl weyn ayaa u taalla; hawshaasi waxa weeye sidii ay isu waafajin lahaayeen mabaadii’da ay u taagan yihiin iyo maslaxadahooda siyaasadeed. Waxa muhiim ah inay go’aanno geesinnimo ah ka qaataan qaddiyadaha soo noqnoqday ee qawmiyadaha xornimodoonka ah ee aan dalalka lahayn.