Sannadkii 2001 Waxay ahayd markii dadwaynaha reer Somaliland afti ku ansixiyeen dastuur dhigaya mabaadi’da dimoqraadiyadda waxay Somaliland u dhaqdhaqaaqday sidii ay u yagleeli lahayd nidaam dawladeed oo ku sal leh dimoqraadiyad ay hogaanka siyaasadda u hayaan xisbiyo siyaasadeed kala duwan, Somaliland waxay qaadaty nidaamka xisbiyada badana sanadkii 2001 wakhtigaas oo xisibigi ugu horeyey ee la asaasay uu ahaa xisbigi UDUB ee hada ka baxay gabi ahaanba saaxda siyaasada iyadoo ay ku xigeen xisbiyo kale oo ay ka mid ahaayeen xisbiga UCID iyo xisbiga hada talada haya ee KULMIYE oo ahaa kii u danbeeyay ee la aasaaso.
Guud ahaan Jamhuuriyada Somaliland waxaa ka socda u diyaar garowga doorashdaa la filayo inay dhacdo maalinta isniinta 13/11/2017, doorasho kastaa waxay leedahay xamaasadeeda hawsheeda qaran iyo dhamaan wax kasta oo ku lamaan, tanina waa doorashadii abid soo marta Somaliland ee ugu xamaasada badnayd. Waxaa aad muhiim u ah marka lagalayo doorashadan oo kale in loo galo si maskaxeed xeeldheer oo la dhiso lana wacyi geliyo dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan si looga gaashaanto dhamaan wixii ka iman karra doorashadaasi.
Dimuqraadiyadda Somaliland haatan waa qaan-gaadh balse waxa ay qaangaadhay iyada oo wali foolxun, shuruucdeedana aan la dhawrin. Kuwii sharciga dejinayey, kuwii ilaalinayey, kuwii fulinayey iyo kuwii lagu dhaqayey intuba si joogto ah ayay ugu xadgudbaan shuruucda doorashada.
Dhinaca kale, dimuqraadiyaddeenu waxay qaan-gaadhay iyadoo wali qabiilku qaranimada ka awood roon yahay, siyaasiguna dadka ka adag yahay oo sida uu doono ugu danaysto. Dad badan ayaa wali la-haysteyaal u ah qabiil, dadka qaarna qoys hoose. Dadka qaar xoriyaddoodii waxay dhaafsadeen dhal dhalaalka adduun, dhuuni, dheemman iyo luul. Dadka qaarna markii ay waayeen aragti horumarineed oo lagu jiheeyo waxay qalbiga u fureen oo lagu qarqiyey aragtiyo taban, qofnimadoodiina waa ay quusatay. Waxaynu iska noqonay ma-doorsoomeyaal aan doorinayn wixii khaldan. Doorashadadhici doonta malinta isniinta ee socotaa ayaa tartan udhaxeeya qabiilo huwan magac xisbi salaadiintii dhaqanka ayaa noqday siyaasiyiin safka hore kaga jirta kaambaynka darashada. Waxaa lumay oo meesha kabaxay in qofka lagu raaco tayadiisa iyo waxa uu qabankaro taas oo ay kawaynatay qabiilka uu yahay.
Doorasho xor ahi kama dhacdo xisbiyada iyo goleyaasha dhexdooda, sidaas daraadeed lama filan karo in ay waddanka oo dhan mid xor ahi ka dhacdo. Tusaale ahaan saddexda musharax ee tartamaya (Muuse Biixi, Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro) midkoodna xisbigiisa kagama soo bixin doorasho lala tartamay ee waa la magacaabay.
Dhan waloo aad ka eegto diyaar uma nihin in aynu samayno doorasho xor iyo xalaal ah. Waxaynuse diyaar u nahay doorasho xaalkeedu yahay dhuumasho dhabarku muuqdo. Kolayna waxa soo bixi doona ciddii Ilaahay u calfo ee ma-doorsoomeyaashu doortaan.
Ugu dambayn, waxa la gaadhay wakhtigii doorashooyinkeena la qurxin lahaa. Waxaan ku talin lahaa in siyaasiyiinta lala xisaabtamo, dadkana la xorreeyo oo barnaamij laga dhigto in dadka awooddooda la tuso loona tilmaamo wixii ay dantoodu tahay si ay mustaqbalkana u samayn karaan doorasho xor iyo xalaal ah.
Aqoon-yahan: CabdiCasiis Maxamed Axmed