Doorka ciidanka ee la dagaalanka carnivorous (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Doorka ciidanka ee la dagaalanka carnivorous

Iyadoo aduunka oo dhami ku jirro gurmadka la dagaalanka xanuunka uu sababay fayraska loo bixiyey Carnivorous ayaa waxaa si xiiso leh iisoo jiitay sidda ciidamada Milateriga ee wadanka Ingiriisku uga qayb qaadanayaan  la tacaalista masiibadan .

1- Ciidamaddu waxay samaysteen xarun dhexe oo laga maamulayo gurmadka taasoo heegan ah 24 saacadoodba .

2- Ciidamaddu waxay si degdega u qorshaynayaan hadba inta dhisme degdega ah loo baahdo degdegna way u dhisayaan .

3- Ciidamaddu waxay qaybinayaan taakuladda ay u baahan yihiin cisbitaaladdu oo ay ugu mudan yihiin qalabka lagaga gaashaamanayo xanuunkan ee ah kuwa huga lagga xidhanayo .

4- Ugu danbayn ciidamaddu waxay cisbitaaladda u qaybinayaan Ogsajiinta oo ah waxa ugu muhiimsan ee cisbitaaladdu u baahan yihiin , iyagoo habeeyey warshado soo saaraya ogsajin degdega iyo baabuur waawayn oo ah booyaddo sidda ogsajiin .

 

” Allahayoow awoodaada adigu naggu badbaadi anagu awood kale ma lihine ‘.